< Yexesqeel 30 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Neno la Yahwe likanijia, kusema,
2 Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!
“Mwanadamu, toa unabii na sema, 'Bwana Yahwe asema hivi: Maombolezo. “Ole unakuja siku hiyo.”
3 Waayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.
siku ikaribu. Siku ikaribu kwa ajili ya Yahwe. Itakuwa siku ya mawingu, mda wa hukumu kwa ajili ya mataifa.
4 Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.
Kisha upanga utakuja dhidi ya Misri, na huko kutakuwa na maumivu makali katika Kushi wakati wauaji wa watu watakapoanguka katika Misri-wakati watakapochukua utajiri, na wakati misingi yake itakapoharibiwa.
5 Oo waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.
Kushi, Putu, na Ludi, na wageni wote, pamoja na watu wa nyumba ya agano-wote wataanguka chini kwa upanga.
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Yahwe asema hivi: Basi wale wanaoisaidia Misri wataanguka, na kiburi cha uweza wake kitashuka chini. Kutoka Migdoli hata Sewene maaskari wao wataanguka kwa upanga-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.
7 Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.
Wataogofya kati ya nchi zilizotupwa, na miji yao itakuwa miongoni mwa miji yote iliharibika.
8 Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Kisha watajua kwamba mimi ni Yahwe, nitakapouweka moto katika Misri, na wakati wasaidizi wake wote watakapoharibiwa.
9 Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.
Katika siku hiyo wajumbe watatoka mbele yangu katika meli ili kuitia hofu Kushi iliyo salama, na kutakuwa na maumivu makali miongoni mwao katika siku ya kuangamizwa Misri. Kwa kuwa tazama! inakuja.
10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.
Bwana Yahwe asema hivi: Nitaufanya mwisho wa watu wa Misri kwa mkono wa Nebukadreza, mfalme wa Babeli.
11 Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.
Yeye na jeshi lake pamoja naye, hofu ya mataifa, italetwa kuiharibu nchi; watafuta panga zao juu ya Misri na kuijaza nchi pamoja na watu waliokufa.
12 Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
Nitaifanya mito kuwa nchi kavu, na nitaiuza nchi kwenye mkono wa watu waovu. Nitaifanya nchi na viijazavyo ukiwa kwa mkono wa wageni-mimi, Yahwe, nimesema.
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.
Bwana Yahwe asema hivi: Nitaziharibu sanamu, na nitaleta mwisho wa sanamu za ubatili za Nofu. Hakutakuwa na mkuu katika Misri, na nitaweka hofu katika nchi ya Misri.
14 Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.
Kisha nitaifanya Pathrosi ukiwa na kuweka moto katika Soani, nitatekeleza matendo ya hukumu katika No.
15 Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.
Kwa kuwa nitamwaga ghadhabu yangu juu Sini, ngome ya Misri, na kuwakatilia mbali watu wa mataifa.
16 Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.
Kisha nitaweka moto katika Misri; Sini itakuwa katika dhiki kuu, No itavunjika, na Nofu itakabiliana na maadui kila siku.
17 Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
Vijana katika Oni na Pi-besethi wataanguka kwa upanga, na miji yao itaenda utumwani.
18 Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
Huko Tapanesi, siku itabadilika kuwa usiku nitakapo ivunja nira ya Misri huko, na kiburi cha uwezo wake kitaisha. Kutakuwa na wingu likimfunika, na binti zake wataenda utumwani.
19 Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Nitatekeleza matendo ya hukumu katika Misri, hivyo watajua kwamba mimi ni Yahwe.”'
20 Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Kisha ikawa katika mwaka wa kumi na moja, katika mwezi wa kwanza, katika siku ya saba ya mwezi, lile neno la Yahwe likanijia, kusema,
21 Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.
“Mwanadamu, nimeuvunja mkono wa Farao, mfalme wa Misri. Tazama! Haukufungwa, au kufungwa kwa kitambaa cha bendeji ili upone, hivyo basi uweze kuwa imara kushika upanga.
22 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.
Kwa hiyo Bwana Yahwe asema hivi, 'Tazama, mimi niko juu ya Farao, mfalme wa Misri. Kwa kuwa nitauvunja mkono wake, wote yule aliye hodari na yule aliyevunjika, nitaufanya upanga wangu kuanguka kutoka kwenye mkono wake.
23 Oo Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.
Kisha nitaitawanya Misri miongoni mwa mataifa na kuwatawanya katika nchi mbali mbali.
24 Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.
Nitaunyoosha mikono kwa mfalme wa Babeli na kuweka upanga wangu katika mkono wake ili kwamba niweze kuiharibu mikono ya Farao. Atagugumia mbele ya mfalme wa Babeli kwa mgumio wa mtu anayekufa.
25 Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Kwa kuwa nitainyoosha mikono ya mfalme wa Babeli, wakati mkono wa Farao utakapoanguka. Kisha watajua yakwamba mimi ni Yahwe, nitakapoweka upanga wangu kwenye mkono wa mfalme wa Babeli; kwa kuwa ataishambulia nchi ya Misri kwa huo.
26 Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Hivyo nitaitawanya miongoni mwa mataifa na kuyatawanya kwenye nchi tofauti tofauti. Kisha watajua yakwamba mimi ni Yahwe.”'

< Yexesqeel 30 >