< Yexesqeel 30 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
上主的話傳給我說:「
2 Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!
人子,你要講預言說:吾主上主這樣說:你們應悲哀;禍哉,那一日!
3 Waayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.
因為那一日近了,上主的日子近了,那是密雲的日子,是異民的終期。
4 Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.
刀劍必臨於埃及;傷亡者橫臥在埃及時,恐怖必籠罩著雇士。她的財富必被搶去,她的基礎必被拆毀。
5 Oo waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.
雇士、普特、路得和一切雜族,利比亞和同他們結盟的本地人,都要喪身刀下。
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
上主這樣說:凡支持埃及的人都要喪亡,她驕傲的勢力必要衰落,由米革多耳到色威乃的人,必喪身刀下──吾主上主的斷語──
7 Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.
她要在荒蕪地帶中,成為最荒蕪的;她的城在荒廢的城中,將成為最荒廢的。
8 Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
當我在埃及點火時,凡輔佐她的都要毀滅,那時他們便承認我是上主。
9 Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.
在那一日,我必派遣使主,乘著船,恐嚇安居的雇士;恐怖必要籠罩他們,如埃及的日子。看,已來到了。
10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.
吾主上主這樣說:我要藉巴比倫王拿步高的手,消滅埃及的民眾。
11 Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.
他和跟他來的人民,是萬民中最兇殘的;他們被派來,是為破壞此地;他們將拔刀攻打埃及,使此地充滿傷亡的人。
12 Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
我要使河流成為乾地,把此地賣給惡人,藉外人的手破壞此地和此地的一切:這是我,上主說的。
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.
吾主上主這樣說:我必要消滅偶像,使邪神由諾夫絕跡,由埃及再不出現王侯;使恐怖降在埃及地,
14 Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.
使帕特洛斯變為曠野,在左罕點火,對諾施行懲罰。
15 Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.
我要向新──埃及的要塞,發洩我的怒氣,剷除諾的民眾。
16 Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.
我要在埃及點火,新必因恐怖而戰慄,諾必被破壞,諾夫白日遭受敵人攻擊。
17 Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
翁及丕貝色特的壯丁必喪身刀下,二城的人都要被擄去。
18 Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
當我在塔黑培乃斯打斷埃及的權杖,消滅她驕傲的勢力時,白日將變為黑暗,烏雲籠罩著她,她的女兒也要被擄去。
19 Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
當我對埃及施行懲罰時,他們必承認我是上主。」
20 Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
十一年一月初七日,上主的話傳給我說:「
21 Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.
人子,我打斷了埃及王法郎的臂膊,看,沒有人包紮,沒有人敷藥,或用繃帶裹起,使臂膊有力拿劍。
22 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.
為此,吾主上主這樣說:看,我要打擊埃及王法郎,打斷他那還有力量的臂膊,使刀由他手中跌落。
23 Oo Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.
我要將埃及人分散到外邦,把他們散布在各地。
24 Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.
我必要加強巴比倫王的臂膊,把我的刀放在他手中;我要打斷法郎的臂膊,使他在那人面前呻吟,像受傷的人呻吟一樣。
25 Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
我要加強巴比倫王的臂膊,而法郎的臂膊反要衰弱;當我把我的刀交在巴比倫王手中,使他伸向埃及地時,他們便要承認我是上主。
26 Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
我要將埃及人分散到外邦,把他們散佈在各地:如此,他們便要承認我是上主。」

< Yexesqeel 30 >