< Yexesqeel 28 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
And the word of the Lord came unto me, saying,
2 Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.
Son of man, say unto the prince of Tyre, Thus hath said the Lord Eternal, Whereas thy heart was lifted up, and thou saidst, A god am I, on the seat of the gods do I dwell, in the heart of the seas; yet thou art but a man, and not God, while thou esteemest thy mind equal to the mind of God;
3 Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan.
Behold, thou wast wiser than Daniel; no secret was obscure to thee;
4 Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag.
With thy wisdom and with thy understanding hadst thou gotten thee riches, and hadst gotten gold and silver into thy treasuries;
5 Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
By the abundance of thy wisdom in thy traffic hadst thou increased thy riches; and thy heart was lifted up because of thy riches:
6 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay,
Therefore thus hath said the Lord Eternal, Because thou hast esteemed thy mind equal to the mind of God,
7 sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.
Therefore, behold, will I bring over thee strangers, the fiercest • of nations; and they shall draw their swords against the beauty of thy wisdom, and they shall profane thy elegance.
8 Yamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale.
Down to the grave will they cast thee, and thou shalt die the deaths of the slain in the heart of the seas.
9 Kan ku dilaya weli ma hortiisaad ka odhan doontaa, Anigu Ilaah baan ahay, in kastoo aad binu-aadmi tahay, Ilaahse ma tihid, adoo gacanta kan ku dilaya ku jira?
Wilt thou then say, I am God, before him that slayeth thee? when thou art but a man, and no God, in the hand of him that fatally wounded thee.
10 Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
The deaths of the uncircumcised shalt thou die by the hand of strangers; for I have spoken it, saith the Lord Eternal.
11 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
And the word of the Lord came unto me, saying,
12 Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd.
Son of man, take up a lamentation concerning the king of Tyre, and say unto him, Thus hath said the Lord Eternal, Thou wast complete in outline, full of wisdom, and perfect in beauty.
13 Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.
In 'Eden the garden of God didst thou abide; every precious stone was thy covering, the sardius, the topaz, and the diamond, the chrysolite, the onyx, and the jasper, the sapphire, the emerald, and the carbuncle, and gold; thy tabrets and thy flutes of artificial workmanship were prepared in thee on the day thou wast created.
14 Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.
Thou wast a cherub with outspread covering [wings]; and I had set thee upon the holy mountain of God [as] thou wast; in the midst of the stones of fire didst thou wander.
15 Maalintii lagu abuuray iyo ilaa markii xaqdarro lagaa helay jidadkaagaad kaamil ku ahayd.
Perfect wast thou in thy ways from the day that thou wast created, till wickedness was found in thee.
16 Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.
By the abundance of thy commerce thou wast filled to thy centre with violence, and thou didst sin: therefore I degraded thee out of the mountain of God; and I destroyed thee, O covering cherub, from the midst of the stones of fire.
17 Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
Thy heart was lifted up through thy beauty, thou didst corrupt thy wisdom by reason of thy elegance: [therefore] I cast thee down to the ground, before kings did I set thee that they might gaze on thee.
18 Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.
Through the abundance of thy iniquities, through the wickedness of thy commerce didst thou profane thy sanctuaries: therefore brought I forth fire from the midst of thee, this devoured thee, and I changed thee to ashes upon the earth before the eyes of all those that saw thee.
19 Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
All that know thee among the people are astonished concerning thee: thou art as though thou hadst not been, and thou shalt not be any more for ever.
20 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
And the word of the Lord came to me, saying,
21 Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg,
Son of man, set thy face against Zidon, and prophesy against it,
22 oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.
And thou shalt say, Thus hath said the Lord Eternal, Behold, I am against thee, O Zidon, and I will be honored in the midst of thee: and they shall know that I am the Lord, when I execute judgments on her, and will be sanctified on her.
23 Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
And I will send out against her pestilence, and blood-[shedding] into her streets; and the deadly wounded shall be felled in the midst of her by the sword [that is] against her from every side: and they shall know that I am the Lord.
24 Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
And there shall be no more unto the house of Israel a pricking brier, nor painful thorn from all that are round about them, that despoil them: and they shall know that I am the Lord Eternal.
25 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.
Thus hath said the Lord Eternal, When I gather the house of Israel from the people among whom they are scattered, and shall be sanctified on them before the eyes of the nations: then shall they dwell in their land that I have given to my servant Jacob.
26 Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
And they shall dwell thereupon in safety, and they shall build houses, and plant vineyards; yea, they shall dwell in safety; when I execute judgments on all those that despoiled them from round about them: and they shall know that I am the Lord their God.

< Yexesqeel 28 >