< Yexesqeel 27 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Tena neno la Yahwe likanijia, kusema,
2 Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
“Sasa wewe, mwanadamu, anza kuomboleza kuhusiana na Tiro,
3 oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
na mwambie Tiro, aishiye kwenye malango ya bahari, manahodha wa watu hata visiwa vingi, Bwana Yahwe asema hivi kwako: Tiro, umesema, mimi ni ukamilifu katika uzuri.'
4 Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
Mipaka yako iko kwenye moyo wa bahari; majengo yako yamekamilisha uzuri wako.
5 Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
Wametengeneza mbao nene na pana kwa mvinje kutoka Mlima Hermoni; wamechukua mkangazi kutoka Lebanoni kuufanya mlingoti.
6 Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
Wametengeneza makasia yako kutoka kwenye mialo ya Bashani; wametengeza sitaha zako kwa mbao za mvinje kutoka Kitimu, na wametengeneza kwa pembe.
7 Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
Tanga zako zilikuwa za rangi za kitani kutoka Misri ambazo zilikuwa kama beramu!
8 Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
Wale waliokuwa wakiishi Sidoni na Arvadi walikuwa wavuta makasia wako; wenye busara wa Tire walikuwa ndani yenu; walikuwa marubani wako.
9 Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
Mafundistadi wenye uzoefu wa hali ya juu kutoka Gabeli walijaza mishono; meli zote za bahari na mabaharia wao miongoni mwenu walikuwa wakiwabeba manahodha kwaajili ya biashara.
10 Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.
Uajemi, Ludi, na Putu walikuwa katika jeshi lako, watu wako wa vita. Walining'iniza ngao na chapeo ndani yako; walionyesha uzuri wako.
11 Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
Watu wa Arvadi na Heleki katika jeshi lako walikuwa juu ya kuta zako wamekuzunguka, na watu wa Gamadi walikuwa kwenye minara yako. Walinin'giniza juu ngao zao juu ya kuta zako zote zilizokuzunguka! Wakaukamilisha uzuri wako.
12 Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
Tarshishi alikuwa mdau wa biashara pamoja nawe kwa sababu ya wingi wa utajiri wako wa kuuza mizigo: fedha, chuma, bati, na risasi. Walinunua na kuuza bidhaa za biashara!
13 Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
Yavani, Tubali, na Mesheki-waliwauza watumwa na katika vitu kutengeneza shaba. Walibeba bidhaa zako.
14 Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
Beth Togarma waliandaa farasi, farasi dume, na nyumbu kama kama bidhaa zako.
15 Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
Watu wa Dedani walikuwa wafanya biashara wako kwenye pwani nyingi. Bidhaa zilikuwa mkononi mwako; walikutumia pembe, pembe za ndovu, na mpingo kama ushuru!
16 Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
Shamu alikuwa mchuuzi katika bidhaa zako nyingi; waliandaa zumaridi, zambarau, nguo zenye rangi mbali mbali, kitambaa kizuri, lulu, na kito chekundu cha thamani kama bidhaa zako.
17 Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
Yuda na nchi ya Israeli walikuwa wafanyabiashara pamoja nawe. Waliandaa ngano kutoka Minithi, keki, asali, mafuta, na lihamu kama bidhaa zako.
18 Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
Dameski alikuwa mfanya biashara wa bidhaa zako zote, za utajiri mkubwa mno, na ya divai ya Helboni na sufu ya Zahari.
19 Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
Dani na Yavani kutoka Uzali walikwandalia bidhaa ya chuma kilichofuliwa, na mdalasini, na mchai. Hivi vikawa bidhaa yako.
20 Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
Dedani alikuwa mchuuzi katika nguo nzuri za kutandika.
21 Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
Arabuni na wakuu wote wa Kedari walikuwa wafanyabiashara pamoja nawe; walikuandalia wanakondoo, kondoo dume na mbuzi.
22 Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
Wafanya biashara wa Sheba na Raama walikuja kukuuzia kila aina ya viungo vizuri katika vito vyote vya thamani; waliuza dhahabu kwa ajili ya bidhaa.
23 Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
Harani, Kane, na Adina walikuwa wafanya biashara pamoja nawe, karibu na Sheba, Ashuru, na Kilmadi.
24 Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
Hawa walikuwa wachuuzi wako mapambo ya joho ya nguo za urujuani pamoja na rangi zilibuniwa, na nguo zilizo sanifiwa vizuri katika sehemu zako za soko.
25 Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
Merikebu za Tarshishi zilikuwa misafara ya bidhaa yako! Hivyo ulijaa, shehena nzito katika moyo wa bahari!
26 Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
Wapiga makasia wako walikuleta kwenye bahari kuu mno; upepo wa mashariki umekuvunja kati yao.
27 Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
Utajiri wako, bidhaa, na mizigo ya biashara; wapiga makasia wako na marubani, na waunzi wa meli; wafanya biashara wako wa bidhaa na watu wote wa vita walio ndani yako, na jeshi lako-watazama kwenye kina cha bahari siku ya kuangamia kwako.
28 Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
Miji iliyopo kwenye bahari sauti itatetemeka kulia kwa rubani zako;
29 Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
Wote wavutao kasia watashuka chini kutoka meli katika zao; wanamaji na marubani wote juu ya bahari watasimama juu ya nchi.
30 Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
Kisha watakufanya kusikiliza sauti yao na kulia kwa uchungu; watarusha vumbi juu ya vichwa vyao. Watabingirika katika majivu.
31 Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
Watanyo vichwa vyao upara kwa ajili yako na kujifunga wenyewe kwa nguo za magunia, na watalia kwa sauti.
32 Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
Watakuinulia maombolezo ya kuomboleza kwa ajili yako na kuimba nyimbo za maombolezo juu yako, ni nani aliye kama Tiro, ambaye sasa ameletwa kunyamazishwa kati ya bahari?
33 Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
Wakati bidhaa yako ilipoenda ufukweni kutoka kwenye bahari, imewarithisha watu wengi; uliwatajirisha wafalme wa dunia kwa wingi wa utajiri wako mkubwa na bidhaa!
34 Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
Lakini wakati ulipo vunjwavunjwa kwa bahari, kwa vilindi vya maji, bidhaa yako na wafanya kazi wako wote kuzama!
35 Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.
Wote wakaao pwani walikuogopa, na wafalme wao kuvunjwa vunjwa katika kitisho! Nyuso zao zimetetemeka!
36 Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
Wafanya biashara wa meli wa watu wakuzomea; umekuwa tishio, na hutakuwepo tena milele.”

< Yexesqeel 27 >