< Yexesqeel 27 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
ויהי דבר יהוה אלי לאמר׃
2 Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
ואתה בן אדם שא על צר קינה׃
3 oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
ואמרת לצור הישבתי על מבואת ים רכלת העמים אל איים רבים כה אמר אדני יהוה צור את אמרת אני כלילת יפי׃
4 Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
בלב ימים גבוליך בניך כללו יפיך׃
5 Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
ברושים משניר בנו לך את כל לחתים ארז מלבנון לקחו לעשות תרן עליך׃
6 Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
אלונים מבשן עשו משוטיך קרשך עשו שן בת אשרים מאיי כתים׃
7 Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
שש ברקמה ממצרים היה מפרשך להיות לך לנס תכלת וארגמן מאיי אלישה היה מכסך׃
8 Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
ישבי צידון וארוד היו שטים לך חכמיך צור היו בך המה חבליך׃
9 Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
זקני גבל וחכמיה היו בך מחזיקי בדקך כל אניות הים ומלחיהם היו בך לערב מערבך׃
10 Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.
פרס ולוד ופוט היו בחילך אנשי מלחמתך מגן וכובע תלו בך המה נתנו הדרך׃
11 Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
בני ארוד וחילך על חומותיך סביב וגמדים במגדלותיך היו שלטיהם תלו על חומותיך סביב המה כללו יפיך׃
12 Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
תרשיש סחרתך מרב כל הון בכסף ברזל בדיל ועופרת נתנו עזבוניך׃
13 Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
יון תבל ומשך המה רכליך בנפש אדם וכלי נחשת נתנו מערבך׃
14 Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
מבית תוגרמה סוסים ופרשים ופרדים נתנו עזבוניך׃
15 Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
בני דדן רכליך איים רבים סחרת ידך קרנות שן והובנים השיבו אשכרך׃
16 Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
ארם סחרתך מרב מעשיך בנפך ארגמן ורקמה ובוץ וראמת וכדכד נתנו בעזבוניך׃
17 Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
יהודה וארץ ישראל המה רכליך בחטי מנית ופנג ודבש ושמן וצרי נתנו מערבך׃
18 Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
דמשק סחרתך ברב מעשיך מרב כל הון ביין חלבון וצמר צחר׃
19 Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
ודן ויון מאוזל בעזבוניך נתנו ברזל עשות קדה וקנה במערבך היה׃
20 Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
דדן רכלתך בבגדי חפש לרכבה׃
21 Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
ערב וכל נשיאי קדר המה סחרי ידך בכרים ואילים ועתודים בם סחריך׃
22 Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
רכלי שבא ורעמה המה רכליך בראש כל בשם ובכל אבן יקרה וזהב נתנו עזבוניך׃
23 Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
חרן וכנה ועדן רכלי שבא אשור כלמד רכלתך׃
24 Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
המה רכליך במכללים בגלומי תכלת ורקמה ובגנזי ברמים בחבלים חבשים וארזים במרכלתך׃
25 Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
אניות תרשיש שרותיך מערבך ותמלאי ותכבדי מאד בלב ימים׃
26 Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
במים רבים הביאוך השטים אתך רוח הקדים שברך בלב ימים׃
27 Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
הונך ועזבוניך מערבך מלחיך וחבליך מחזיקי בדקך וערבי מערבך וכל אנשי מלחמתך אשר בך ובכל קהלך אשר בתוכך יפלו בלב ימים ביום מפלתך׃
28 Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
לקול זעקת חבליך ירעשו מגרשות׃
29 Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
וירדו מאניותיהם כל תפשי משוט מלחים כל חבלי הים אל הארץ יעמדו׃
30 Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
והשמיעו עליך בקולם ויזעקו מרה ויעלו עפר על ראשיהם באפר יתפלשו׃
31 Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
והקריחו אליך קרחה וחגרו שקים ובכו אליך במר נפש מספד מר׃
32 Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
ונשאו אליך בניהם קינה וקוננו עליך מי כצור כדמה בתוך הים׃
33 Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
בצאת עזבוניך מימים השבעת עמים רבים ברב הוניך ומערביך העשרת מלכי ארץ׃
34 Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
עת נשברת מימים במעמקי מים מערבך וכל קהלך בתוכך נפלו׃
35 Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.
כל ישבי האיים שממו עליך ומלכיהם שערו שער רעמו פנים׃
36 Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
סחרים בעמים שרקו עליך בלהות היית ואינך עד עולם׃

< Yexesqeel 27 >