< Yexesqeel 25 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
La parole de Dieu me fut adressée en ces termes:
2 Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,
« Fils de l’homme, tourne ta face vers les enfants d’Ammon; et prophétise contre eux.
3 oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen,
Tu diras aux enfants d’Ammon: Écoutez la parole du Seigneur Yahweh: Ainsi parle le Seigneur Yahweh: Puisque tu dis: « Ha! Ha! » sur mon sanctuaire parce qu’il a été profané, et sur la terre d’Israël parce qu’elle a été dévastée, et sur la maison de Juda parce qu’ils sont allés en captivité,
4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan.
à cause de cela, voici que je vais te donner en possession aux fils de l’Orient; ils établiront chez toi leurs campements, et fixeront chez toi leurs demeures; ce sont eux qui mangeront tes fruits, eux qui boiront ton lait.
5 Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Et je ferai de Rabbath un pâturage de chameaux, et du pays des enfants d’Ammon un bercail de brebis, et vous saurez que je suis Yahweh.
6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,
Car ainsi parle le Seigneur Yahweh: Parce que tu as battu des mains, et que tu as frappé du pied, et que tu t’es réjouis dans ton âme avec tout ton dédain, au sujet de la terre d’Israël,
7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
à cause de cela, voici que je vais étendre ma main contre toi; je te donnerai en butin aux nations, je t’exterminerai d’entre les peuples, et je te retrancherai d’entre les pays; je t’anéantirai, et tu sauras que le suis Yahweh. »
8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin.
« Ainsi parle le Seigneur Yahweh: Parce que Moab et Séir disent:
9 Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim,
« Voici que la maison de Juda est comme toutes les nations, » à cause de cela, voici que je vais ouvrir le flanc de Moab, depuis les villes, depuis ses villes, depuis sa frontière, la gloire du pays, Bethjésimoth, Beelméon et Cariathaïn.
10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,
Je vais l’ouvrir aux fils de l’Orient, aussi bien que le pays des enfants d’Ammon, et je le leur donnerai en possession, afin qu’on ne se souvienne plus des enfants d’Ammon parmi les nations.
11 oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
J’exercerai des jugements en Moab, et ils sauront que je suis Yahweh. »
12 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,
« Ainsi parle le Seigneur Yahweh: Parce qu’Édom a exercé cruellement la vengeance contre la maison de Juda, et qu’il s’est rendu grandement coupable en se vengeant d’eux,
13 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.
à cause de cela, ainsi parle le Seigneur Yahweh: J’étendrai ma main contre Édom et j’exterminerai du milieu de lui hommes et bêtes; j’en ferai un désert depuis Théman, et jusqu’à Dédan ils tomberont par l’épée.
14 Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
J’exercerai ma vengeance sur Édom, par la main de mon peuple d’Israël; il traitera Édom selon ma colère et ma fureur, et ils connaîtront ma vengeance, — oracle du Seigneur Yahweh. »
15 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,
« Ainsi parle le Seigneur Yahweh: Parce que les Philistins ont exercé la vengeance, et qu’ils se sont cruellement vengés, avec le dédain en leur âme, pour tout exterminer dans leur haine éternelle,
16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa.
à cause de cela, ainsi parle le Seigneur Yahweh: Voici que j’étendrai ma main contre les Philistins, j’exterminerai les Crétois, et je détruirai le reste qui habite sur le rivage de la mer.
17 Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
J’exercerai sur eux de grandes vengeances, les châtiant avec fureur, et ils sauront que je suis Yahweh, quand je ferai tomber sur eux ma vengeance. »

< Yexesqeel 25 >