< Yexesqeel 20 >

1 Oo sannaddii toddobaad, bisheedii shanaad, maalinteedii tobnaad ayaa odayaashii reer binu Israa'iil qaarkood u yimaadeen inay Rabbiga wax weyddiistaan, oo hortayday fadhiisteen.
七年五月十日,有些以色列長老前來求問上主,他們坐在我面前。
2 Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
上主的話傳給我說:「
3 Wiilka Aadamow, odayaasha reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad u timaadeen inaad wax i weyddiisataan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan waxaad i weyddiisataan maqlayn.
人子,你要向以色列長老發言,對他們說:吾主上主這樣說:你們是為求問我而來的嗎﹖我指著我的生命起誓:我決不讓你們求問──吾主上主的斷語──
4 Wiilka Aadamow, ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Bal iyaga waxyaalihii karaahiyada ahaa ee awowayaashood ogeysii,
人子,你應開庭審問他們,叫他們知道他們祖先的醜惡。
5 oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah,
你向他們說:吾主上主這樣說:在我揀選以色列之日,便向雅各伯的後裔舉手起誓,並在埃及地顯示給他們,向他們舉手起誓說:我是上主,你們的天主。
6 waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,
在那一天,我曾向他們舉手起誓,要領他們出離埃及地,到我早給他們揀選的流奶流蜜的地方去,那是普世最肥美的地方。
7 oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
那時我向他們說:你們每人都該拋棄自己最喜愛的偶像,不要為埃及的神像所玷污:我是上主,你們的天主;
8 Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.
但他們竟背棄我,不肯聽從我,沒有人拋棄自己所喜愛的偶像,也沒有人丟開埃及的神像。那時我本想在他們身上發洩我的憤怒,在埃及地域向他們盡洩我的怒氣。
9 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey.
然而我為了我的名沒有這樣作,免得我的名在異民眼前,即在他們居留的地方,受到褻瀆,因為我曾在他們眼前顯示給他們,要領我的百姓離開埃及地。
10 Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.
我引他們離開埃及地,領他們到了曠野,
11 Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo.
給他們頒佈了我的誡命,給他們啟示了我的法律:凡遵守那些法律的,便可賴以生存。
12 Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
我還給他們規定了我的安息日,作為我與他們中間的記號,為承認我就是祝聖他們的上主。
13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo.
但是以色列家族在曠野中背棄了我,沒有奉行我的法度,輕視了我的法律,即遵行的人可賴以生存的法律,並對我的安息日大加褻瀆;那時我本想在他們身上發洩我的憤怒,在曠野中消滅他們。
14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
然而我為了我的名,沒有這樣作,免得我的名在異民前受褻瀆,因為我曾在異民眼前將他們引領出來。
15 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,
甚至在曠野中我也親自向他們舉手起過誓,不再領他們進入我曾賜給他們那流奶流蜜之地,即普世最肥美的地方;
16 maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.
因為他們拋棄了我的法律,沒有奉行我的法度,並且褻瀆了我的安息日,因為他們的心隨從了他們的偶像;
17 Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn.
但是我的眼睛還憐視了他們,沒有擊殺他們,也沒有在曠也中消滅他們。
18 Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina.
以後,我在曠野中向他們的後代說:你們不要追隨你們祖先的習慣,不要遵行他們的慣例,也不要為他們的偶像所玷污。
19 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,
我是上主你們的天主;你們應奉行我的法度,謹守我的法律,要一一履行;
20 oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
要聖化我的安息日,作為我與你們之間的記號,承認我是上主,你們的天主。
21 Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.
然而他們的後代也背棄了我,沒有奉行我的法度,也沒有遵守我的法律,即遵行的人可賴以生存的法律,並且也褻瀆了我的安息日。我本想在他們身上發洩我的憤怒,在曠野中盡洩我的怒氣,
22 Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
但是為了我的名我縮回了手,沒有那樣作,免得我的名在異民前受到褻瀆,因為我剛由他們面前將他們領出來。
23 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono,
並且在曠野中我也親自向他們舉手起過誓,要將他們分散在異民中,將他們放逐在各國中;
24 maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.
因為他們沒有遵行我的法律,且輕視了我的法度,褻瀆了我的安息日,他們的眼目轉向了他們的祖先的偶像。
25 Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn,
為此,我容許他們有不良的法度,和不能賴以生存的法律;
26 oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.
並使他們因自己的祭獻成為不潔,讓他們將頭胎所生的,予以焚化祭祀,為使他們滅絕;如此,他們要承認我是上主。
27 Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.
人子,為此你應告訴以色列家族,向他們說:吾主上主這樣說:你們的祖先,連在這事上也褻瀆了我,對我背信違約:
28 Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.
當我引領他們進入曾向他舉手誓許要賜給他們的地域時,他們無論看見那一座高丘,那一棵密茂的樹木,就在那裏祭殺犧牲,在那裏獻上甘飴的馨香,並在那裏行奠酒禮。
29 Markaasaan ku idhi, Meesha sare oo aad tagtaan maxay tahay? Ilaa maantadan la joogo waxaa magaceeda la yidhaahdaa Baamaah.
我曾向他們說:「高丘」算是什麼﹖你們竟往那裏去;直到今日人還叫那地方為「巴瑪。」
30 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?
為此你要告訴以色列家族:吾主上主這樣說:你們仍追隨你們祖先的行徑而玷污自己,仍同他們的邪神犯姦淫;
31 Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.
你們仍奉獻供物,火化你們的子女,為了你們的一切偶,像使自己受玷污直到今日。以色列家族,我還能讓你們求我嗎﹖我指著我的生命起誓:──吾主上主的斷語──我決不讓你們求問。
32 Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.
你們幻想說:我們要像異民,像各地的的人民一樣敬拜木石,你們心中所想的決不能成功!
33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay,
我指著我的生命起誓:──吾主上主的斷語──我必以強力的手,伸出的臂,暴發怒氣,統治你們。
34 oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.
我必以強力的手,伸出的臂,暴發的怒氣,把你們由萬民中領出,由你們所散居的各地聚集起來;
35 Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa.
把你們引領到異民的曠野中,在那裏面對面地懲罰你們。
36 Sidii aan awowayaashiin cidladii dalka Masar ugula xaajooday oo kale ayaan idinkana idiinla xaajoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
我怎樣在埃及地的曠野中,懲罰了你們的祖先,也怎樣懲罰你們──吾主上主的斷語──
37 Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa.
我要使你們在我的杖下經過,引你們受盟約的束縛。
38 Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
我要從你們中分別出那些反叛和背棄我的人,我也要將他們由流徙之地領出,但是他們卻不得進入以色列地域;如此你們必承認我是上主。
39 Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.
你們以色列家族,吾主上主這樣說:你們每人去崇拜自己的偶像罷! 可是你們終於要聽從我,不再以你們的祭獻和偶像來褻瀆我的聖名,
40 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.
因為在我的聖山上,在以色列的高山上──吾主上主的斷語──凡住在本地的以色列家族,都要在那裏事奉我。我要在那裏悅納你們,在那裏等待你們的祭品,和你們一切聖物中最優美的祭物。
41 Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.
當我把你們由異民中領出來,由你們所散居的各地聚集起來時,我要悅納你們,好像甘飴的馨香;如此,藉著你們,我在異民眼前顯為神聖。
42 Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.
當我引領你們進入以色列地域時,即我舉手起誓要賜給你們祖先的那地方時,你們必承認我是上主。
43 Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.
在那裏你們記起你們的行為,及所有玷污自己的行事,你們自己對所作的一切醜惡,也必感到厭惡。
44 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
以色列家族,為了我的名,我沒有照你們的惡行和敗壞的行為對待你們:如此,你們該承認我是上主──吾主上主的斷語。』
45 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
上主的話傳給我說:「
46 Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal;
人子,你轉面向南,向南方發言,講預言攻斥乃革布地方的樹林,
47 oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa.
向乃革布的樹林說:你聽上主的話罷! 吾主上主這樣說:看,我要在你那裏點火,燒盡你那裏所有的綠樹和枯木;燃起的火燄決不熄滅,必由南方到北方燒盡一切。
48 Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
凡有血肉的人都看到這火是我上主點燃的,決不能撲滅。」
49 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?
我遂喊說:「哎,吾主上主啊! 他們評論我說:這人只會說寓言! 」

< Yexesqeel 20 >