< Yexesqeel 18 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Neno la Yahwe likanijia tena, kusema,
2 Maxaad ula jeeddaan markaad maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil ugu maahmaahdaan, idinkoo leh, Aabbayaashu waxay cuneen canab dhanaan, oo carruurta ilkahoodiina way saliilyoodeen?
“Je mnamaana gani, ninyi mliotumia hii mithali kuhusiana na nchi ya Israeli na kusema, 'Wababa wamekula zabibu mbichi, na meno ya watoto imetiwa ganzi'?
3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.
Kama nishivyo-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo-bila shaka hakutakuwa na fursa yoyote tena kwa ajili yenu kuitumia hii mithali katika Israeli.
4 Bal eega, nafaha oo dhan anigaa iska leh, oo sida nafta aabbuhu ay taydii u tahay ayaa tan wiilkuna ay taydii u tahay, haddaba naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.
Tazama! Kila uhai ni mali yangu-uhai wa baba na uhai wa mwana pia, ni mali yangu! roho itendayo dhambi ndiyo itakayokufa!
5 Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
Itasemwaje kuhusu mtu mwenye haki na achukuaye yaliyo halali na haki-
6 oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,
kama asipokula juu ya milima au kuinua macho yake kwa sananmu za nyumba ya Israeli, na hakumnajisi mke wa jirani yake, wala kumsemesha mwanamke katika kipindi chake cha mwezi, je! Yu mwenye haki?
7 oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,
Je! Itasemwaje kuhusu mtu ambaye hakumkandamiza yeyote, na kumrudisha mdeni wake kwa kile kilichokuwa kimewekwa kwa ajili ya rehani, na hakuiba lakini kuwapatia chakula wenye njaa na kuwafunika uchi kwa nguo, je yu mwenye haki?
8 ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
Je! Itasemwaje kuhusu mtu ambaye hakuchukua faida kubwa kwa ile pesa aliyokopa, na hakuchukua faida kubwa kwa kile alichokiuza?
9 oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Amesemwa kwamba amechukua yaliyo halali na kuimarisha uaminifu kati ya watu. Kama huyo mtu akitembea katika sheria zangu na kuzishika hukumu zangu kufanya kwa uaminifu, kisha ahadi kwa ajili ya mtu mwenye haki ni hii: Ataishi hakika! -hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.
10 Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,
Lakini akizaa mwana mnyang'anyi mmwaga damu na kufanya mengi katika haya mambo kama yalivyotajwa hapa,
11 oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,
hata kama baba yake hakufanya mojawapo katika haya mambo, lakini akala juu ya milima na akamnajisi mke wa jirani yake, Je! itasemwaje juu yake?
12 oo uu miskiinka iyo saboolka baahan dulmay, oo uu xoog wax ku boobay, oo uusan cidna rahaamad u celin, oo uu indhihiisana sanamyada kor ugu taagay, oo uu wax karaahiya ah sameeyey,
Huyu mtu huwakandamiza maskini na wahitaji, na huwakamata na kuwanyang'anya, na hawarudishii dhamana, na huyanua macho yake kwa sanamu na kufanya matendo maovu,
13 oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
na hukopesha pesa kwa faida ya juu sana na kufanya faida kubwa juu ya anachokiuza, Je! huyo mtu ataishi? Hakika hataishi! Atakufa hakika na damu yake itakuwa juu yake kwa sababu amefanya haya mambo ya chuki.
14 Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,
Lakini Tazama! tuseme kuna mtu aliyezaa mwana, na mwana wake huona dhambi zote za baba yake alizozifanya, na kupitia kuziona, hakuyafanya hayo mambo.
15 oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,
Huyo mwana hakula juu ya milima, na hakuinua macho yake kwa sanamu za nyumba ya Israeli, na hakumtia unajisi mke wa jirani yake, Je! itasemwaje juu yake?
16 ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,
Yule mwana hakumkandamiza yeyote, au kutwaa dhamana, au kupoteza vitu, lakini badala yake kutoa chakula chake kwa wenye njaa na kuwafunika wenye uchi kwa nguo.
17 oo uu gacantiisana masaakiinta dib uga celiyey, oo uusan korsaar amase ribo cidna ka qaadan, oo uu xukummadayda sameeyey, oo uu qaynuunnadayda ku socday, kaasu xumaantii aabbihiis sameeyey aawadeed uma dhiman doono, hubaalse wuu noolaan doonaa.
Huyo mwana hakumkandamiza yeyote au au kuchukua faida ambayo ni ya juu sana au kufanya manufaa kwa ajili ya mkopo, lakini ameyashika maagizo yangu na kuenenda sawa sawa na sheria zangu; huyo mwana hatakufa kwa ajili ya dhambi za baba yake: Ataishi hakika!
18 Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.
Baba yake, kwa kuwa aliwakandamiza wengine kwa nguvu nyingi na kumnyang'anya ndugu yake, na kufanya yasiyo mema miongoni mwa watu wake-tazama, atakufa katika uovu wake.
19 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa.
Lakini ninyi husema, 'Kwa nini mwana asibebe uovu wa baba yake?' Kwa sababu mwana hubeba yaliyo halali na haki na kuzitunza amri zangu; huzifanya. Ataishi hakika!
20 Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.
Yule atendaye dhambi, ndiye ambaye atakufa. Mwana hatabeba uovu wa baba yake, na baba hatabeba uovu wa mwana wake. Haki ya yule atendaye haki itakuwa juu yakwe mwenyewe, na uovu wa mwenye uovu utakuwa juu yake mwenyewe.
21 Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Lakini kama mwovu ageukapo kutoka dhambi zake zote alizofanya, na kuzitunza sheria zangu zote na kufanya yaliyo halali na haki, kisha hakika ataishi na hatakufa.
22 Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.
Makosa yote aliyoyafanya hayatakumbukwa juu yake. Ataishi kwa hiyo haki aliyoitenda.
23 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
Je! Nitafurahia juu ya kifo cha mwovu-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo-na sio katika kugeuka kwake kutoka njia yake ili kwamba aweze kuishi?
24 Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
Lakini kama mtu mwenye haki ageukapo kutoka kwenye haki yake na kufanya maovu na kutenda machukizo kama machukizo yote ambayo mtu mwovu afanyayo, basi ataishi? Haki yake yote aliyoifanya haitakumbukwa wakati atakaponisaliti katika uhaini wake. Hivyo atakufa katika dhambi alizofanya.
25 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Lakini ninyi husema, 'Njia ya Bwana si sawa!' sikilizeni, nyumba ya Israeli! Je njia zangu haziko sawa? Je si njia ambazo haziko sawa?
26 Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.
Wakati mtu mwenye haki ageukapo kutoka kwenye makosa yake, na kufanya maovu na kufa kwa sababu ya hayo, kisha atakufa katika uovu ambao alioufanya.
27 Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.
Lakini wakati mtu mwovu ageukapo kutoka uovu wake alioufanya na kufanya yaliyo halali na haki, kisha ataulinda uhai wake.
28 Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Kwa kuwa ameona na kugeuka kutokana na makosa yake yote ambayo aliyoyafanya. Hakika ataishi, na hatakufa.
29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Lakini nyumba ya Israeli husema, 'Njia ya Bwana haiko sawa!' Ni namna gani njia zangu si sawa, nyumba ya Israeli? Ni njia zenu ndizo si sawa.
30 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.
Kwa hiyo nitamuhukumu kila mtu miongoni mwenu kulingana na njia zake, nyumba ya Israeli! -hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo. Tubuni na rudini kutoka kwenye makosa yenu yote ili kwamba wasiwe kikwazo cha uovu dhidi yenu.
31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
Tupilia mbali makosa yenu yote mliyoyafanya; jifanyieni moyo mpya na roho mpya. Kwa nini mfe, nyumba ya Israeli?
32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.
Kwa kuwa sifurahii kifo cha yule afaye-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo-hivyo tubuni na muishi!”

< Yexesqeel 18 >