< Yexesqeel 18 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
耶和华的话又临到我说:
2 Maxaad ula jeeddaan markaad maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil ugu maahmaahdaan, idinkoo leh, Aabbayaashu waxay cuneen canab dhanaan, oo carruurta ilkahoodiina way saliilyoodeen?
“你们在以色列地怎么用这俗语说‘父亲吃了酸葡萄,儿子的牙酸倒了’呢?”
3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.
主耶和华说:“我指着我的永生起誓,你们在以色列中,必不再有用这俗语的因由。
4 Bal eega, nafaha oo dhan anigaa iska leh, oo sida nafta aabbuhu ay taydii u tahay ayaa tan wiilkuna ay taydii u tahay, haddaba naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.
看哪,世人都是属我的;为父的怎样属我,为子的也照样属我;犯罪的,他必死亡。
5 Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
“人若是公义,且行正直与合理的事:
6 oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,
未曾在山上吃过祭偶像之物,未曾仰望以色列家的偶像,未曾玷污邻舍的妻,未曾在妇人的经期内亲近她,
7 oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,
未曾亏负人,乃将欠债之人的当头还给他;未曾抢夺人的物件,却将食物给饥饿的人吃,将衣服给赤身的人穿;
8 ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
未曾向借钱的弟兄取利,也未曾向借粮的弟兄多要,缩手不作罪孽,在两人之间,按至理判断;
9 oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
遵行我的律例,谨守我的典章,按诚实行事—这人是公义的,必定存活。这是主耶和华说的。
10 Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,
“他若生一个儿子,作强盗,是流人血的,不行以上所说之善,反行其中之恶,乃在山上吃过祭偶像之物,并玷污邻舍的妻,
11 oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,
12 oo uu miskiinka iyo saboolka baahan dulmay, oo uu xoog wax ku boobay, oo uusan cidna rahaamad u celin, oo uu indhihiisana sanamyada kor ugu taagay, oo uu wax karaahiya ah sameeyey,
亏负困苦和穷乏的人,抢夺人的物,未曾将当头还给人,仰望偶像,并行可憎的事,
13 oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
向借钱的弟兄取利,向借粮的弟兄多要—这人岂能存活呢?他必不能存活。他行这一切可憎的事,必要死亡,他的罪必归到他身上。
14 Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,
“他若生一个儿子,见父亲所犯的一切罪便惧怕,不照样去做;
15 oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,
未曾在山上吃过祭偶像之物,未曾仰望以色列家的偶像,未曾玷污邻舍的妻,
16 ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,
未曾亏负人,未曾取人的当头,未曾抢夺人的物件,却将食物给饥饿的人吃,将衣服给赤身的人穿,
17 oo uu gacantiisana masaakiinta dib uga celiyey, oo uusan korsaar amase ribo cidna ka qaadan, oo uu xukummadayda sameeyey, oo uu qaynuunnadayda ku socday, kaasu xumaantii aabbihiis sameeyey aawadeed uma dhiman doono, hubaalse wuu noolaan doonaa.
缩手不害贫穷人,未曾向借钱的弟兄取利,也未曾向借粮的弟兄多要;他顺从我的典章,遵行我的律例,就不因父亲的罪孽死亡,定要存活。
18 Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.
至于他父亲;因为欺人太甚,抢夺弟兄,在本国的民中行不善,他必因自己的罪孽死亡。
19 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa.
“你们还说:‘儿子为何不担当父亲的罪孽呢?’儿子行正直与合理的事,谨守遵行我的一切律例,他必定存活。
20 Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.
惟有犯罪的,他必死亡。儿子必不担当父亲的罪孽,父亲也不担当儿子的罪孽。义人的善果必归自己,恶人的恶报也必归自己。
21 Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
“恶人若回头离开所做的一切罪恶,谨守我一切的律例,行正直与合理的事,他必定存活,不致死亡。
22 Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.
他所犯的一切罪过都不被记念,因所行的义,他必存活。
23 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
主耶和华说:恶人死亡,岂是我喜悦的吗?不是喜悦他回头离开所行的道存活吗?
24 Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
义人若转离义行而作罪孽,照着恶人所行一切可憎的事而行,他岂能存活吗?他所行的一切义都不被记念;他必因所犯的罪、所行的恶死亡。
25 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
“你们还说:‘主的道不公平!’以色列家啊,你们当听,我的道岂不公平吗?你们的道岂不是不公平吗?
26 Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.
义人若转离义行而作罪孽死亡,他是因所作的罪孽死亡。
27 Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.
再者,恶人若回头离开所行的恶,行正直与合理的事,他必将性命救活了。
28 Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
因为他思量,回头离开所犯的一切罪过,必定存活,不致死亡。
29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
以色列家还说:‘主的道不公平!’以色列家啊,我的道岂不公平吗?你们的道岂不是不公平吗?”
30 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.
所以主耶和华说:“以色列家啊,我必按你们各人所行的审判你们。你们当回头离开所犯的一切罪过。这样,罪孽必不使你们败亡。
31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
你们要将所犯的一切罪过尽行抛弃,自做一个新心和新灵。以色列家啊,你们何必死亡呢?
32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.
主耶和华说:我不喜悦那死人之死,所以你们当回头而存活。”

< Yexesqeel 18 >