< Yexesqeel 14 >

1 Markaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen.
Et des hommes d’entre les anciens d’Israël vinrent vers moi, et s’assirent devant moi.
2 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Et la parole de l’Éternel vint à moi, disant:
3 Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan?
Fils d’homme, ces hommes ont élevé leurs idoles dans leurs cœurs et ont placé devant leur face la pierre d’achoppement de leur iniquité. Serais-je consulté par eux?
4 Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
C’est pourquoi parle-leur, et dis-leur: Ainsi dit le Seigneur, l’Éternel: Quiconque, de la maison d’Israël, aura élevé ses idoles dans son cœur et aura placé devant sa face la pierre d’achoppement de son iniquité, et viendra vers le prophète, – moi, l’Éternel, je lui répondrai selon ceci, selon la multitude de ses idoles;
5 si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.
afin de prendre la maison d’Israël par leur propre cœur, car ils se sont tous séparés de moi par leurs idoles.
6 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.
C’est pourquoi, dis à la maison d’Israël: Ainsi dit le Seigneur, l’Éternel: Revenez, détournez-vous de vos idoles, et détournez vos faces de toutes vos abominations.
7 Waayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona.
Car quiconque, de la maison d’Israël ou des étrangers qui séjournent en Israël, se sépare de moi, et élève ses idoles dans son cœur et place la pierre d’achoppement de son iniquité devant sa face, et viendra vers le prophète pour me consulter par lui, – moi, l’Éternel, je lui répondrai par moi-même;
8 Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
et je mettrai ma face contre cet homme et je le rendrai désolé de telle sorte qu’il sera en signe et en proverbe, et je le retrancherai du milieu de mon peuple; et vous saurez que je suis l’Éternel.
9 Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
Et si le prophète est séduit, et qu’il profère une parole, moi l’Éternel, j’ai séduit ce prophète; et j’étendrai ma main sur lui, et je le détruirai du milieu de mon peuple Israël.
10 Oo iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista,
Et ils porteront leur iniquité: la peine de l’iniquité du prophète sera comme la peine de l’iniquité de celui qui consulte,
11 si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
afin que la maison d’Israël ne s’égare plus d’auprès de moi, et qu’ils ne se rendent plus impurs par toutes leurs transgressions. Et ils seront mon peuple, et moi je serai leur Dieu, dit le Seigneur, l’Éternel.
12 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Et la parole de l’Éternel vint à moi, disant:
13 Wiilka Aadamow, marka dalku xadgudub xun iigu dembaabo, oo aan gacantayda ku soo dul fidiyo, oo aan usha cuntadiisa jebiyo, oo aan abaar ku soo daayo, oo aan dad iyo duunyaba ka dhex gooyo,
Fils d’homme, si un pays pèche contre moi en commettant une infidélité, et que j’étende ma main sur lui, et que je lui brise le bâton du pain, et y envoie la famine, et retranche du milieu de lui les hommes et les bêtes,
14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, xataa haddii saddexdaas nin oo ah Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, xaqnimadooda waxay ku samatabbixin lahaayeen naftooda oo keliya.
et que ces trois hommes, Noé, Daniel et Job, soient au milieu de lui, ceux-ci délivreraient leurs âmes par leur justice, dit le Seigneur, l’Éternel.
15 Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,
Si je fais passer les bêtes mauvaises par le pays, et qu’elles le dépeuplent, et qu’il soit devenu une désolation en sorte que personne n’y passe à cause de ces bêtes, –
16 xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa.
ces trois hommes seraient-ils au milieu de lui, je suis vivant, dit le Seigneur, l’Éternel, s’ils délivraient fils ou filles! eux seuls seraient délivrés, et le pays sera une désolation.
17 Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,
Ou, [si] je fais venir l’épée sur ce pays-là, et que je dise: Épée, passe par le pays; et que je retranche du milieu de lui les hommes et les bêtes, –
18 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa.
ces trois hommes seraient-ils au milieu de lui, je suis vivant, dit le Seigneur, l’Éternel, ils ne délivreraient ni fils ni filles! mais eux seuls seraient délivrés.
19 Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo,
Ou, [si] j’envoie la peste sur ce pays-là, et que je verse ma fureur sur lui en [faisant couler le] sang, pour retrancher du milieu de lui les hommes et les bêtes, –
20 xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen.
Noé, Daniel et Job, seraient-ils au milieu de lui, je suis vivant, dit le Seigneur, l’Éternel, s’ils délivraient fils ou filles! eux [seulement], par leur justice, délivreraient leurs âmes.
21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
Car ainsi dit le Seigneur, l’Éternel: Combien plus si j’envoie mes quatre jugements désastreux, l’épée, et la famine, et les bêtes mauvaises, et la peste, contre Jérusalem, pour en retrancher les hommes et les bêtes!
22 Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.
Mais voici, il y aura en elle un reste réchappé de gens qui en sortiront, des fils et des filles; voici, ils sortiront vers vous, et vous verrez leur voie et leurs actions, et vous vous consolerez du mal que j’ai fait venir sur Jérusalem, de tout ce que j’ai fait venir sur elle.
23 Oo markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.
Et ils vous consoleront, car vous verrez leur voie et leurs actions; et vous saurez que ce n’est pas sans raison que j’ai fait tout ce que j’ai fait en elle, dit le Seigneur, l’Éternel.

< Yexesqeel 14 >