< Yexesqeel 13 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
The LORD’s word came to me, saying,
2 Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:
“Son of man, prophesy against the prophets of Israel who prophesy, and say to those who prophesy out of their own heart, ‘Hear the LORD’s word:
3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.
The Lord GOD says, “Woe to the foolish prophets, who follow their own spirit, and have seen nothing!
4 Reer binu Israa'iilow, nebiyadiinnu waxay la mid ahaayeen dawacooyinka meelaha baabba'a ah jooga.
Israel, your prophets have been like foxes in the waste places.
5 Idinku meelihii jajabnaa ma aydaan u kicin, oo heeraarkiina reer binu Israa'iil uma aydaan adkayn, si maalinta Rabbiga dagaalka loogu istaago.
You have not gone up into the gaps or built up the wall for the house of Israel, to stand in the battle in the LORD’s day.
6 Iyagu waxay arkeen wax aan waxba ahayn iyo faal been ah, oo waxay yidhaahdaan, Rabbigu saasuu leeyahay, iyadoo aan Rabbigu iyaga soo dirin. Oo waxay kuwa kale ka yeeleen inay sii rajeeyaan in eraygaas la xaqiijin doono.
They have seen falsehood and lying divination, who say, ‘The LORD says;’ but the LORD has not sent them. They have made men to hope that the word would be confirmed.
7 Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?
Have not you seen a false vision, and have not you spoken a lying divination, in that you say, ‘The LORD says;’ but I have not spoken?”
8 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
“‘Therefore the Lord GOD says: “Because you have spoken falsehood and seen lies, therefore, behold, I am against you,” says the Lord GOD.
9 Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
“My hand will be against the prophets who see false visions and who utter lying divinations. They will not be in the council of my people, neither will they be written in the writing of the house of Israel, neither will they enter into the land of Israel. Then you will know that I am the Lord GOD.”
10 Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.
“‘Because, even because they have seduced my people, saying, “Peace;” and there is no peace. When one builds up a wall, behold, they plaster it with whitewash.
11 Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas.
Tell those who plaster it with whitewash that it will fall. There will be an overflowing shower; and you, great hailstones, will fall. A stormy wind will tear it.
12 Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen?
Behold, when the wall has fallen, will not it be said to you, “Where is the plaster with which you have plastered it?”
13 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya.
“‘Therefore the Lord GOD says: “I will even tear it with a stormy wind in my wrath. There will be an overflowing shower in my anger, and great hailstones in wrath to consume it.
14 Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
So I will break down the wall that you have plastered with whitewash, and bring it down to the ground, so that its foundation will be uncovered. It will fall, and you will be consumed in the middle of it. Then you will know that I am the LORD.
15 Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.
Thus I will accomplish my wrath on the wall, and on those who have plastered it with whitewash. I will tell you, ‘The wall is no more, nor those who plastered it—
16 Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
to wit, the prophets of Israel who prophesy concerning Jerusalem, and who see visions of peace for her, and there is no peace,’” says the Lord GOD.’”
17 Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.
You, son of man, set your face against the daughters of your people, who prophesy out of their own heart; and prophesy against them,
18 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay naagaha gacmaha oo dhan xirsiyo ku sameeya oo masarro madaxa dadka dherer kastaba leh u sameeya si ay dad naftiis u ugaadhsadaan! Ma waxaad ugaadhsanaysaan dadkayga naftiisa, oo ma waxaad badbaadinaysaan kuwiinna naftooda?
and say, “The Lord GOD says: ‘Woe to the women who sew magic bands on all elbows and make veils for the head of persons of every stature to hunt souls! Will you hunt the souls of my people and save souls alive for yourselves?
19 Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.
You have profaned me among my people for handfuls of barley and for pieces of bread, to kill the souls who should not die and to save the souls alive who should not live, by your lying to my people who listen to lies.’
20 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu xirsiyadiinna col baan ku ahay, kuwaasoo aad nafaha sida shimbirro oo kale ugu ugaadhsataan, oo gacmihiinna ayaan ka gooyn doonaa, oo nafahana waan sii dayn doonaa, kuwaas oo ah nafihii aad u ugaadhsateen sida shimbirro oo kale.
“Therefore the Lord GOD says: ‘Behold, I am against your magic bands, with which you hunt the souls to make them fly, and I will tear them from your arms. I will let the souls fly free, even the souls whom you ensnare like birds.
21 Oo weliba masarradiinnana waan jeexi doonaa, oo dadkaygana gacantiinna waan ka samatabbixin doonaa, oo mar dambena gacantiinna in la ugaadhsado aawadeed uma soo geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
I will also tear your veils and deliver my people out of your hand; and they will no longer be in your hand to be ensnared. Then you will know that I am the LORD.
22 Idinku kan xaqa ah been baad ku qalbi jebiseen, kaasoo aanan anigu qalbi jebin, oo waxaad sii xoogayseen gacmihii sharrowga si uusan jidkiisa sharka ah uga soo noqon, oo uusan u badbaadin,
Because with lies you have grieved the heart of the righteous, whom I have not made sad; and strengthened the hands of the wicked, that he should not return from his wicked way, and be saved alive.
23 sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Therefore you shall no more see false visions nor practice divination. I will deliver my people out of your hand. Then you will know that I am the LORD.’”

< Yexesqeel 13 >