< Yexesqeel 12 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Опет ми дође реч Господња говорећи:
2 Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
Сине човечји, усред дома одметничког седиш, који има очи да види и не види, има уши да чује и не чује; јер су дом одметнички.
3 Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
Зато ти, сине човечји, спреми шта треба за сеобу, и сели се обдан на њихове очи; и исели се из свог места на друго место на њихове очи, не би ли видели, јер су дом одметнички.
4 Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.
И изнеси ствари своје као кад се ко сели обдан на њихове очи, а сам изиђи увече на њихове очи као они који се селе.
5 Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
На њихове очи прокопај зид и изнеси своје ствари.
6 Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.
На њихове очи дигни на рамена и изнеси по мраку, лице своје покриј да не видиш земље, јер те дадох да будеш знак у дому Израиљевом.
7 Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.
И учиних тако како ми се заповеди; ствари своје изнесох обдан као кад се сели; а увече прокопах зид руком; и по мраку изнесох на раменима носећи на њихове очи.
8 Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
А у јутру дође ми реч Господња говорећи:
9 Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?
Сине човечји, рече ли ти дом Израиљев, дом одметнички: Шта радиш?
10 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.
Реци им: Овако вели Господ Господ: Ово је бреме за кнеза, који је у Јерусалиму, и за сав дом Израиљев што је онде.
11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.
Реци: Ја сам вам знак, како ја учиних тако ће им бити; преселиће се и отићи у ропство.
12 Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag.
И кнез који је међу њима носећи на раменима по мраку ће изаћи; они ће прокопати зид да изнесу, он ће покрити лице своје да не види земље очима.
13 Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
Али ћу му разапети мрежу своју и ухватиће се у замку моју, и одвешћу га у Вавилон, у земљу халдејску, али је неће видети, а онде ће умрети.
14 Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
И све који су око њега, помоћнике његове, и сву војску његову, расејаћу у све ветрове, и извући ћу мач за њима.
15 Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.
И познаће да сам ја Господ, кад их расејем по народима, и разаспем по земљама.
16 Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
А оставићу их неколико људи који ће остати од мача и од глади и од помора да приповедају све гадове своје међу народима у које отиду; и познаће да сам ја Господ.
17 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Опет ми дође реч Господња говорећи:
18 Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,
Сине човечји, хлеб свој једи презајући и воду своју пиј дрхћући и бринући се.
19 oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
И реци народу земаљском: Овако вели Господ Господ за становнике јерусалимске, за земљу Израиљеву: хлеб ће свој јести у бризи и воду ће своју пити препадајући се, јер ће земља опустети и остати без свега што је у њој за безакоње свих који живе у њој.
20 Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
И градови у којима живе опустеће, и земља ће бити пуста, и познаћете да сам ја Господ.
21 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Опет ми дође реч Господња говорећи:
22 Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?
Сине човечји, каква је то прича у вас о земљи Израиљевој што говорите: Протежу се дани, и од утваре неће бити ништа?
23 Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
Зато им реци: Овако вели Господ Господ: Укинућу ту причу и нећу је више говорити у Израиљу; него им реци: Близу су дани и реч сваке утваре.
24 Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.
Јер неће више бити у дому Израиљевом залудне утваре ни гатања којим се ласка.
25 Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
Јер ћу ја, Господ, говорити и шта кажем збиће се; неће се више одгађати, него за вашег времена, доме одметнички, рећи ћу реч и извршићу је, говори Господ Господ.
26 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Опет ми дође реч Господња говорећи:
27 Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.
Сине човечји, гле, дом Израиљев говори: Утвара коју тај види, до ње има много времена, и за далеко време тај пророкује.
28 Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Зато им реци: Овако вели Господ Господ: Неће се више одгађати ни једна моја реч; реч коју кажем збиће се, говори Господ Господ.

< Yexesqeel 12 >