< Yexesqeel 11 >

1 Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
And the spirit lifted me up, and brought me into the east gate of the house of the Lord, which looketh towards the rising of the sun: and behold in the entry of the gate five and twenty men: and I saw in the midst of them Jezonias the son of Azur, and Pheltias the son of Banaias, princes of the people.
2 Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
And he said to me: Son of man, these are the men that study iniquity, and frame a wicked counsel in this city,
3 Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
Saying: Were not houses lately built? This city is the caldron, and we the flesh.
4 Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
Therefore prophesy against them, prophesy, thou son of man.
5 Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
And the spirit of the Lord fell upon me, and said to me: Speak: Thus saith the Lord: Thus have you spoken, O house of Israel, for I know the thoughts of your heart.
6 Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
You have killed a great many in this city, and you have filled the streets thereof with the slain.
7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
Therefore thus saith the Lord God: Your slain, whom you have laid in the midst thereof, they are the flesh, and this is the caldron: and I will bring you forth out of the midst thereof.
8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
You have feared the sword, and I will bring the sword upon you, saith the Lord God.
9 Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
And I will cast you out of the midst thereof, and I will deliver you into the hand of the enemies, and I will execute judgments upon you.
10 Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
You shall fall by the sword: I will judge you in the borders of Israel, and you shall know that I am the Lord.
11 Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
This shall not be as a caldron to you, and you shall not be as flesh in the midst thereof: I will judge you in the borders of Israel.
12 Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
And you shall know that I am the Lord: because you have not walked in my commandments, and have not done my judgments, but you have done according to the judgments of the nations that; are round about you.
13 Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
And it came to pass, when I prophesied, that Pheltias the son of Banaias died: and I fell down upon my face, and cried with a loud voice: and said: Alas, alas, alas, O Lord God: wilt thou make an end of all the remnant of Israel?
14 Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
And the word of the Lord came to me, saying:
15 Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
Son of man, thy brethren, thy brethren, thy kinsmen, and all the house of Israel, all they to whom the inhabitants of Jerusalem have said: Get ye far from the Lord, the land is given in possession to us.
16 Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
Therefore thus saith the Lord God: Because I have removed them far off among the Gentiles, and because I have scattered them among the countries: I will be to them a little sanctuary in the countries whither they are come.
17 Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
Therefore speak to them: Thus saith the Lord God: I will gather you from among the peoples, and assemble you out of the countries wherein you are scattered, and I will give you the land of Israel.
18 Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
And they shall go in thither, and shall take away all the scandals, and all the abominations thereof from thence.
19 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
And I will give them one heart, and will put a new spirit in their bowels: and I will take away the stony heart out of their flesh, and will give them a heart of flesh:
20 si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
That they may walk in my commandments, and keep my judgments, and do them: and that they may be my people, and I may be their God.
21 Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
But as for them whose heart walketh after their scandals and abominations, I will lay their way upon their head, saith the Lord God.
22 Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
And the cherubims lifted up their wings, and the wheels with them: and the glory of the God of Israel was over them.
23 Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
And the glory of the Lord went up from the midst of the city, and stood over the mount that is on the east side of the city.
24 Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
And the spirit lifted me up, and brought me into Chaldea, to them of the captivity, in vision, by the spirit of God: and the vision which I had seen was taken up from me.
25 Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.
And I spoke to them of the captivity all the words of the Lord, which he had shewn me.

< Yexesqeel 11 >