< Yexesqeel 10 >
1 Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.
And I looked and saw above the expanse, above the heads of the cherubim, the likeness of a throne of sapphire.
2 Markaasuu la hadlay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad kala dhex martaa giraangiraha iyo xataa keruubka hoostiisa, oo markaas labadaada gacmood ka soo buuxi dhuxulo dab ah oo aad keruubiimta dhexdooda ka soo cantoobiso, oo waxaad ku dul daadisaa magaalada. Oo isna wuu dhex maray anigoo indhaha ku haya.
And the LORD said to the man clothed in linen, “Go inside the wheelwork beneath the cherubim. Fill your hands with burning coals from among the cherubim and scatter them over the city.” And as I watched, he went in.
3 Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.
Now when the man went in, the cherubim were standing on the south side of the temple, and a cloud filled the inner court.
4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.
Then the glory of the LORD rose from above the cherubim and stood over the threshold of the temple. The temple was filled with the cloud, and the court was filled with the brightness of the glory of the LORD.
5 Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.
The sound of the wings of the cherubim could be heard as far as the outer court, like the voice of God Almighty when He speaks.
6 Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.
When the LORD commanded the man clothed in linen, saying, “Take fire from within the wheelwork, from among the cherubim,” the man went in and stood beside a wheel.
7 Oo keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay.
Then one of the cherubim reached out his hand and took some of the fire that was among them. And he put it into the hands of the man clothed in linen, who received it and went out.
8 Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.
(The cherubim appeared to have the form of human hands under their wings.)
9 Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.
Then I looked and saw four wheels beside the cherubim, one wheel beside each cherub. And the wheels gleamed like a beryl stone.
10 Oo afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
As for their appearance, all four had the same form, like a wheel within a wheel.
11 Oo markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen.
When they moved, they would go in any of the four directions, without turning as they moved. For wherever the head faced, the cherubim would go in that direction, without turning as they moved.
12 Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.
Their entire bodies, including their backs, hands, and wings, were full of eyes all around, as were their four wheels.
13 Oo giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega.
I heard the wheels being called “the whirling wheels.”
14 Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.
Each of the cherubim had four faces: the first face was that of a cherub, the second that of a man, the third that of a lion, and the fourth that of an eagle.
15 Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.
Then the cherubim rose upward. These were the living creatures I had seen by the River Kebar.
16 Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.
When the cherubim moved, the wheels moved beside them, and even when they spread their wings to rise from the ground, the wheels did not veer away from their side.
17 Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.
When the cherubim stood still, the wheels also stood still, and when they ascended, the wheels ascended with them, for the spirit of the living creatures was in the wheels.
18 Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.
Then the glory of the LORD moved away from the threshold of the temple and stood above the cherubim.
19 Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.
As I watched, the cherubim lifted their wings and rose up from the ground, with the wheels beside them as they went. And they stopped at the entrance of the east gate of the house of the LORD, with the glory of the God of Israel above them.
20 Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin.
These were the living creatures I had seen beneath the God of Israel by the River Kebar, and I knew that they were cherubim.
21 Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.
Each had four faces and four wings, with what looked like human hands under their wings.
22 Oo wejiyadooduna waxay ahaayeen isla wejiyadii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo muuqashadooda iyo iyaga qudhooduba isku mid bay ahaayeen, oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu socday.
Their faces looked like the faces I had seen by the River Kebar. Each creature went straight ahead.