< Baxniintii 9 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
耶和華吩咐摩西說:「你進去見法老,對他說:『耶和華-希伯來人的上帝這樣說:容我的百姓去,好事奉我。
2 Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,
你若不肯容他們去,仍舊強留他們,
3 bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.
耶和華的手加在你田間的牲畜上,就是在馬、驢、駱駝、牛群、羊群上,必有重重的瘟疫。
4 Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
耶和華要分別以色列的牲畜和埃及的牲畜,凡屬以色列人的,一樣都不死。』」
5 Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.
耶和華就定了時候,說:「明天耶和華必在此地行這事。」
6 Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.
第二天,耶和華就行這事。埃及的牲畜幾乎都死了,只是以色列人的牲畜,一個都沒有死。
7 Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
法老打發人去看,誰知以色列人的牲畜連一個都沒有死。法老的心卻是固執,不容百姓去。
8 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.
耶和華吩咐摩西、亞倫說:「你們取幾捧爐灰,摩西要在法老面前向天揚起來。
9 Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.
這灰要在埃及全地變作塵土,在人身上和牲畜身上成了起泡的瘡。」
10 Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.
摩西、亞倫取了爐灰,站在法老面前。摩西向天揚起來,就在人身上和牲畜身上成了起泡的瘡。
11 Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.
行法術的在摩西面前站立不住,因為在他們身上和一切埃及人身上都有這瘡。
12 Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.
耶和華使法老的心剛硬,不聽他們,正如耶和華對摩西所說的。
13 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
耶和華對摩西說:「你清早起來,站在法老面前,對他說:『耶和華-希伯來人的上帝這樣說:容我的百姓去,好事奉我。
14 Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.
因為這一次我要叫一切的災殃臨到你和你臣僕並你百姓的身上,叫你知道在普天下沒有像我的。
15 Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,
我若伸手用瘟疫攻擊你和你的百姓,你早就從地上除滅了。
16 laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.
其實,我叫你存立,是特要向你顯我的大能,並要使我的名傳遍天下。
17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
你還向我的百姓自高,不容他們去嗎?
18 Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.
到明天約在這時候,我必叫重大的冰雹降下,自從埃及開國以來,沒有這樣的冰雹。
19 Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.
現在你要打發人把你的牲畜和你田間一切所有的催進來;凡在田間不收回家的,無論是人是牲畜,冰雹必降在他們身上,他們就必死。』」
20 Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;
法老的臣僕中,懼怕耶和華這話的,便叫他的奴僕和牲畜跑進家來。
21 kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.
但那不把耶和華這話放在心上的,就將他的奴僕和牲畜留在田裏。
22 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.
耶和華對摩西說:「你向天伸杖,使埃及遍地的人身上和牲畜身上,並田間各樣菜蔬上,都有冰雹。」
23 Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale.
摩西向天伸杖,耶和華就打雷下雹,有火閃到地上;耶和華下雹在埃及地上。
24 Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan.
那時,雹與火攙雜,甚是厲害,自從埃及成國以來,遍地沒有這樣的。
25 Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.
在埃及遍地,雹擊打了田間所有的人和牲畜,並一切的菜蔬,又打壞田間一切的樹木。
26 Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.
惟獨以色列人所住的歌珊地沒有冰雹。
27 Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.
法老打發人召摩西、亞倫來,對他們說:「這一次我犯了罪了。耶和華是公義的;我和我的百姓是邪惡的。
28 Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.
這雷轟和冰雹已經夠了。請你們求耶和華,我就容你們去,不再留住你們。」
29 Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.
摩西對他說:「我一出城,就要向耶和華舉手禱告;雷必止住,也不再有冰雹,叫你知道全地都是屬耶和華的。
30 Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.
至於你和你的臣僕,我知道你們還是不懼怕耶和華上帝。」(
31 Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay.
那時,麻和大麥被雹擊打;因為大麥已經吐穗,麻也開了花。
32 Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin.
只是小麥和粗麥沒有被擊打,因為還沒有長成。)
33 Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.
摩西離了法老出城,向耶和華舉手禱告;雷和雹就止住,雨也不再澆在地上了。
34 Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba.
法老見雨和雹與雷止住,就越發犯罪;他和他的臣僕都硬着心。
35 Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.
法老的心剛硬,不容以色列人去,正如耶和華藉着摩西所說的。

< Baxniintii 9 >