< Baxniintii 7 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga.
And the Lord said to Moses: “Behold, I have appointed you as the god of Pharaoh. And Aaron, your brother, will be your prophet.
2 Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.
You will speak to him all that I command you. And he will speak to Pharaoh, so that he may release the sons of Israel from his land.
3 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.
But I will harden his heart, and I will multiply my signs and wonders in the land of Egypt,
4 Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.
and he will not listen to you. And I will send my hand over Egypt, and I will lead my army and my people, the sons of Israel, from the land of Egypt, through very great judgments.
5 Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.
And the Egyptians will know that I am the Lord, who has extended my hand over Egypt, and who has led the sons of Israel from their midst.”
6 Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.
And so, Moses and Aaron did just as the Lord had instructed. And so it was done.
7 Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.
Now Moses was eighty years old, and Aaron eighty-three, when they spoke to Pharaoh.
8 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,
And the Lord said to Moses and Aaron:
9 Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.
“When Pharaoh will say to you, ‘Show signs,’ you shall say to Aaron, ‘Take your staff, and cast it down before Pharaoh, and it will be turned into a snake.’”
10 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso.
And so Moses and Aaron entered to Pharaoh, and they did just as the Lord had commanded. And Aaron took the staff in the sight of Pharaoh and his servants, and it was turned into a snake.
11 Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen.
Then Pharaoh called the wise men and the sorcerers. And they also, by Egyptian incantations and certain secrets, did similarly.
12 Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan.
And each one cast down their staffs, and they were turned into serpents. But the staff of Aaron devoured their staffs.
13 Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
And the heart of Pharaoh was hardened, and he did not listen to them, just as the Lord had instructed.
14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.
Then the Lord said to Moses: “The heart of Pharaoh has been hardened; he is not willing to release the people.
15 Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.
Go to him in the morning; behold, he will go out to the waters. And you will stand to meet him above the bank of the river. And you will take, in your hand, the staff that was turned into a serpent.
16 Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.
And you will say to him: ‘The Lord God of the Hebrews sent me to you, saying: Release my people in order to sacrifice to me in the desert. And even until the present time, you were not willing to listen.
17 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.
Therefore, thus says the Lord: In this you will know that I am the Lord. Behold, I will strike, with the staff that is in my hand, the water of the river, and it will be turned into blood.
18 Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.
Also, the fishes that are in the river will die, and the waters will be polluted, and the Egyptians will be afflicted when they drink the water of the river.’”
19 Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.
The Lord also said to Moses: “Say to Aaron: ‘Take your staff; and extend your hand over the waters of Egypt, and over their rivers and streams and marshes and all the pools of waters, so that they may be turned into blood. And let there be blood throughout all the land of Egypt, as much in vessels of wood as in those of stone.’”
20 Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.
And Moses and Aaron did just as the Lord had instructed. And lifting up the staff, he struck the water of the river in the sight of Pharaoh and his servants. And it was turned into blood.
21 Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.
And the fishes that were in the river died, and the river was polluted, and the Egyptians were not able to drink the water of the river, and there was blood throughout the entire land of Egypt.
22 Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
And the sorcerers of the Egyptians, with their incantations, did similarly. And the heart of Pharaoh was hardened, he did not listen to them, just as the Lord had instructed.
23 Kolkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin.
And he turned himself away, and he entered his house, neither did he apply his heart to this turn of events.
24 Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.
Then all the Egyptians dug along the borders of the river for water to drink. For they were not able to drink from the water of the river.
25 Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.
And seven days were completed, after the Lord struck the river.

< Baxniintii 7 >