< Baxniintii 39 >
1 Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Daga zare mai ruwan shuɗi, da shuɗayya da kuma jan zare suka yi tsarkaken rigunan domin hidima a wuri mai tsarki. Suka kuma yi tsarkaken riguna don Haruna, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
2 Oo eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
Suka yi efod na zinariya, da shuɗi, da shunayya, da jan zare, da kuma lallausan lilin.
3 Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.
Suka bubbuga zinariya ta zama falle, suka yayyanka ta zare-zare don su yi saƙa da ita, tare da zane na shuɗi, da na shunayya, da na jan zare, da na lallausan lilin, aikin gwani mai fasaha.
4 Oo waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf.
Suka yi wa efod kafaɗu, sa’an nan suka haɗa su a gefenta biyu na sama, don a iya ɗaurawa.
5 Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Gwanin mai saƙa ya saƙa abin ɗamarar efod. Da irin kayan da aka saƙa efod ne aka saƙa abin ɗamarar, wato, da zinariya, da shuɗi, da shunayya, da jan zare, da zaren lallausan lilin, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
6 Oo waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen.
Suka shimfiɗa duwatsun onis, suka jera su cikin tsaiko na zinariya, suka kuma zāna sunayen’ya’yan Isra’ila a kan duwatsun kamar yadda akan yi hatimi.
7 Oo wuxuu ku dhejiyey eefodka garbihiisa, inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Sa’an nan suka ɗaura su a ƙyallen kafaɗun efod a matsayin duwatsun tuni wa’ya’yan Isra’ila, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
8 Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
Suka yi ƙyallen maƙalawa a ƙirji, aikin gwani. Suka yi shi kamar efod, na zinariya, da na shuɗi, da na shunayya, da na jan zare, da kuma na lallausan lilin.
9 Wuxuu ahaa afargeesood, oo laabgashiga waxay u sameeyeen labanlaab, oo dhererkiisu wuxuu ahaa taako, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa taako isagoo labanlaaban.
Ƙyallen maƙalawa a ƙirjin murabba’i ne, aka ninka shi biyu, tsawonsa da fāɗinsa kamu ɗaya-ɗaya ne.
10 Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya.
Sa’an nan suka sa jeri huɗu na duwatsu masu daraja a bisansa. A jeri na farko akwai yakutu, da tofaz, da zumurrudu;
11 Safka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman.
a jeri na biyu akwai turkuwoyis, da saffaya, da daimon;
12 Safka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos.
a jeri na uku akwai yakinta, da idon mage, da ametis;
13 Safka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal.
a jeri na huɗu akwai beril, da onis, da yasfa. Aka sa su cikin tsaiko na zinariya.
14 Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.
Aka zāna duwatsu goma sha biyu, ɗaya don kowane sunan’ya’yan Isra’ila goma sha biyu, kamar yadda akan yi hatimi.
15 Oo laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah.
Sai suka yi tuƙaƙƙun sarƙoƙi na zinariya zalla a kan ƙyallen maƙalawa a ƙirji.
16 Oo waxay sameeyeen laba saldhig oo dahab ah, iyo laba siddo oo dahab ah, oo waxay labadii siddo sudheen laabgashiga labadiisa daraf.
Suka yi tsaiko biyu na zinariya da zoban zinariya biyu, suka kuma ɗaura zoban a kusurwoyi biyu na ƙyallen maƙalawa a ƙirji.
17 Oo labadii silsiladood oo dahabka ahayd oo tidcanaydna waxay ku xidheen labadii siddo oo ku yiil darfaha laabgashiga.
Suka ɗaura sarƙoƙi biyu na zinariya da kusurwoyi na ƙyallen maƙalawa a ƙirji.
18 Oo labadii silsiladood oo tidcanayd labadoodii madax oo kalena waxay ku xidheen labadii saldhig, oo waxay ku xidheen eefodka garbihiisa xaggooda hore.
Suka maƙala waɗancan bakin sarƙoƙin zinariya a tsaikon nan biyu, sa’an nan suka rataya su a kafaɗun efod daga gaba.
19 Oo waxay sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen laabgashiga labadiisa daraf oo gudaha ah oo eefodka xiga.
Suka yi zobai biyu na zinariya suka haɗa, suka sa su a gefe biyu na ƙyallen maƙalawa a ƙirji daga ciki kusa da efod.
20 Oo waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah.
Sa’an nan suka yi waɗansu ƙarin zobai biyu na zinariya, suka maƙale su daga ƙasa a gaban kafaɗu biyu na efod kusa da mahaɗin a bisa abin ɗamarar efod.
21 Oo laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Suka ɗaura zoban ƙyallen maƙalawa a ƙirjin a zoban efod da shuɗiyar igiya don ƙyallen maƙalawa a ƙirji, ya kwanta lif a bisa kan abin ɗamarar efod don kada yă kunce daga efod, sun yi yadda Ubangiji ya umarci Musa.
22 Oo khamiiskii eefodkana wuxuu ahaa dhar samaysan, oo kulligiis buluug ah.
Suka kuma saƙa taguwa ta efod da shuɗi duka, aikin gwani mai saƙa,
23 Oo daloolkii khamiiska ku yiil wuxuu ahaa sida daloolka dhar afkiisa rigrig ku wareegsan yahay, si uusan u dillaacin.
an yi wa taguwar wuyan wundi a tsakiya kamar sulke, aka daje wuyan don kada yă kece.
24 Oo khamiiska darafkiisa hoose waxay ku sameeyeen rummaanno buluug, iyo guduud, iyo casaan ah, iyo maro wanaagsan.
Suka yi fasalin’ya’yan rumman da shuɗi, da shunayya, da jan zare, da lallausan lilin kewaye da gefe-gefen taguwar.
25 Oo waxay sameeyeen dawanno dahab saafi ah, oo dawannadii waxay kala dhex geliyeen rummaannadii ku yiil khamiiska darafkiisa ku wareegsan, oo u dhexeeya rummaannadii;
Suka yi ƙararrawa da zinariya zalla, suka sa su a tsakanin fasalin’ya’yan rumman kewaye da gefe-gefen taguwa.
26 oo dawan iyo rummaan, haddana dawan iyo rummaan, ayuu ku wareejiyey khamiiska dharafkiisa, in lagu adeego aawadeed, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Aka jera ƙararrawan da’ya’yan rumman bi da bi. Haka aka jera su kewaye da gefe-gefen taguwar aiki, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
27 Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,
Suka saƙa doguwar riga da lallausan lilin don Haruna da’ya’yansa, aikin gwani mai saƙa,
28 oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,
suka yi rawanin da lallausan lilin, da hulan lilin da rigunan ciki na lallausan lilin.
29 iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Suka yi abin ɗamara da lallausan lilin da shuɗi, shunayya da jan zare, aikin gwanin mai ɗinki, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
30 Oo waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
Suka yi allo tsattsarka da zinariya tsantsa, suka zāna rubutu irin na hatimi a kansa haka, Mai tsarki ga Ubangiji.
31 Oo waxay ku xidheen shalash buluug ah, in lagula dhejiyo duubka sare, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Sa’an nan suka ɗaura shi da shuɗiyar igiya a gaban rawanin, yadda Ubangiji ya umarci Musa.
32 Oo sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.
Ta haka aka gama dukan aikin tabanakul da Tentin Sujada. Isra’ilawa suka yi kome yadda Ubangiji ya umarci Musa.
33 Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,
Sa’an nan suka kawo wa Musa tabanakul, tentin da dukan kayayyakinsa, ƙugiyoyinsa, katakansa, da sandunansa, da dogayen sandunansa da rammukansa;
34 iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,
murfi na fatun rago wanda aka rina ja, da murfi na fatun shanun teku; da kuma laɓulen
35 iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,
akwatin Alkawari da sandunansa da murfin kafara;
36 iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,
tebur da dukan kayayyakinsa, da burodin Kasancewa;
37 iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,
wurin ajiye fitilu na zinariya zalla, da jerin fitilunsa da dukan kayayyakinsa, da man fitila,
38 iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,
bagade na zinariya, da man shafewa, da turare mai ƙanshi, da labulen ƙofar shiga tenti,
39 iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,
bagade na tagulla na raga, da sandunansa da kayan aikinsa; da daro da wurin ajiyarsa,
40 iyo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,
labulen filin, sandunansa da rammukansa, labulen ƙofar shiga filin; igiyoyi da ƙarafan kafa filin; dukan kayan aikin tabanakul da Tentin Sujada;
41 iyo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.
da kuma saƙaƙƙun rigunan da ake sawa don hidima a wuri mai tsarki, duk da tsarkakan riguna na Haruna firist da rigunan’ya’yansa maza, sa’ad da suke hidima a matsayin firistoci.
42 Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.
Isra’ilawa suka yi dukan aikin nan yadda Ubangiji ya umarci Musa.
43 Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.
Musa ya duba aikin, sai ya ga cewa sun yi shi daidai yadda Ubangiji ya umarta. Sai Musa ya sa musu albarka.