< Baxniintii 35 >
1 Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.
Musa akawakusanya jamii yote ya Waisraeli na kuwaambia, “Haya ndio mambo Yahweh aliyo waamuru mfanye.
2 Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.
Kwa siku sita kazi ya weza fanywa, lakini kwako, siku ya saba lazima iwe siku takatifu, siku ya Sabato ya mapumziko, takatifu kwa Yahweh. Yeyote atakaye fanya kazi hiyo siku lazima auawe.
3 Oo maalin kasta oo sabti ah waa inaydnaan innaba dab ku shidin rugihiinna oo dhan.
Haupaswi kuwasha moto kwenye nyumba zenu siku ya Sabato.”
4 Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,
Musa akasema na jamii yote ya Waisraeli, kwa kusema, “Hichi ndicho kitu Yahweh alicho amuru.
5 Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas,
Chukuwa sadaka kwa ajili ya Yahweh, wote wenye moyo mkunjufu. Leta sadaka kwa Yahweh - dhahabu, fedha, shaba,
6 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,
buluu, zambarau, sufu nyekundu na kitambaa kizuri; nywele za mbuzi;
7 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,
ngozi za kondoo zilizotiwa rangi nyekundu na ngozi za pomboo; na mbao za mshita;
8 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon,
mafuta ya taa kwa pahali patakatifu, viungo vya manukato kwa hayo mafuta ya kutiwa,
9 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.
kwa uvumba mzuri na vito vya shohamu na vito vya kutiwa kwa hiyo naivera, na kwa hicho kifuko cha kifuani.
10 Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;
Kila mwanaume mwenye ustadi kati yenu aje na afanye kila kitu ambacho Yahweh aliyaamuru —
11 waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,
hema la kuabudia, na kifuniko chake, na vifungo vyake, na mbao zake, nguzo, na sakafu;
12 iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,
pia sanduku na nguzo zake, kiti cha rehema, na pazia la kusitiri.
13 iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta,
Walileta meza na miguu yake, vyombo vyake vyote, na mkate wa wonyesho;
14 iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,
kinara cha taa, vyombo vyake, taa, na mafuta ya zile taa;
15 iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,
ile madhabahu ya uvumba na nguzo zake, mafuta ya upako na uvumba ulitiwa maukato; kishikizo cha mwingilio wa hema ya kuabudia;
16 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,
madhabahu ya sadaka ya kuteketeza na kitunzi cha shaba na nguzo na vyombo; na ile beseni kubwa na sakafu yake.
17 iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda,
Walileta vishikizo kwa ajili ya nyuani na nguzo zake na sakafu yake, na pazia kwa ajili mwingilio wa nyauni;
18 iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda,
na ile misumari ya hema la kuabudia na nyuani, pamoja na kamba zake.
19 iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.
Walileta mavazi yaliyofumwa kutumikia sehemu takatifu, mavazi takatifu ya Aruni kuhani na wanae, kwa wao kutumika kama makuhani.”
20 Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka tageen Muuse hortiisii.
Kisha makabila yote ya Israeli yakaondoka na kwenda kutoka uweponi mwa Musa.
21 Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa.
Kila mtu moyo wake ulimchochea na aliye andaliwa na roho yake alikuja na kuleta sadaka kwa Yahweh kwa matengenezo ya hema ya kuabudia, kwa vitu vyote kwajili ya huduma ndani yake, na kwa vazi takatifu.
22 Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah.
Walikuja, wote wanaume kwa wanawake, wote waliokuwa na moyo wa utayari. Walileta madini, hereni, pete, na vitu vya thamani, vitu vyote tofauti vyenye madini ya dhahabu. Waliwasilisha sadaka za dhahabu kama sadaka ya kupunga kwa Yahweh.
23 Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay.
Kila mmoja alikuwa na sufu ya buluu, dhambarau, au nyekundu, nguo nzuri, singa za mbuzi, ngozi za kondoo zilizobadili kuwa nyekundu, na ngozi ya pomboo walivileta.
24 Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.
kila mmoja alitengeneza sadaka ya fedha au shaba walizileta kama sadaka kwa Yahweh, na kila mmoja aliyekuwa na mti wa mshita kwa matumizi ya kazi aliuleta.
25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
kila mwanamke mwenye ustadi walisokota sufu kwa mikono yao na walileta sufu walizosokota za buluu, dhambarau, au sufu nyekundu, au nguo nzuri.
26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad.
Wanawake wote wenye mioyo iliyochochewa na walio na ustadi walisokota singa za mbuzi.
27 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.
Viongozi walileta mawe ya shohamu na mawe mengine kwaajili ya kuwekwa kwenye hiyo naivera na hicho kifuko cha kifuani;
28 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon.
walileta viungo na mafuta kwaajili ya taa, kwa mafuta ya upako, na kwa uvumba wa manukato.
29 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.
Waisraeli walileta sadaka ya hiyari kwa Yahweh; kila mwanaume na mwanamke ambao mioyo yao ilikuwa tayari walileta vifaa kwaajili kazi zote ambazo Yahweh aliamuru kupitia Musa zifanyike.
30 Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah;
Musa alisema kwa waisraeli, “Tazama, Yahweh ameita kwa jina juu ya Bezaleli mwana wa Uri mwana wa Huri, kutoka kabila la Yuda.
31 oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,
Aliijaza Bezaleli kwa Roho yake, kumpa hekima, uwelewa, na maarifa, kwa aina zote za ujenzi,
32 iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,
kufanya sanaa ya ubunifu na kufanya kazi za dhahabu, shaba, na shaba;
33 iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.
pia kukata na kupanga mawe na mbao iliochongwa- kufanya kazi za aina zote kwa ubunifu na ujenzi.
34 Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan.
Aliiweka kufundisha ndani ya moyo wake, yeye pamoja na Oholiabu mwana wa Ahisamaki, kutoka kabila la Dani.
35 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.
Aliwajaza kwa ustadi wa kufanya kazi za aina zote, kufanya kazi ya kama kuchora mawe, kama mwerevu, kama mtia taraza katika nyuzi za rangu ya buluu, dhambarau, na nyekundu na nguo nzuri, na kama washonaji. Walikuwa wachonga mawe wa kazi zote, na walikuwa wabunifu wa sanaa.