< Baxniintii 31 >

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
Sai Ubangiji ya ce wa Musa,
2 Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah;
“Duba, na zaɓi Bezalel ɗan Uri, ɗan Hur, na kabilar Yahuda,
3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,
na kuma cika shi da Ruhun Allah, fasaha, azanci, da kuma sani cikin kowace irin sana’a,
4 inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,
don yin zāne-zāne na aikin zinariya, azurfa da tagulla,
5 iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.
don yanka da shirya duwatsu, yin aikin katako, da kuma yin kowane irin aikin sana’ar hannu.
6 Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;
Ban da haka, na zaɓi Oholiyab ɗan Ahisamak, na kabilar Dan, don yă taimake shi. Na kuma ba da fasaha ga dukan masu aikin sana’ar hannu, don yin duk abin da na umarce ka.
7 kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,
Tentin Sujada, akwatin Alkawari tare da murfin kafara a bisansa, da dukan kayan aiki na tentin,
8 iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,
tebur da kayansa, wurin ajiye fitila na zinariya zalla, da dukan kayansa, bagaden ƙona turare,
9 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,
bagaden hadaya ta ƙonawa da dukan kayansa, daro tare da mazauninsa,
10 iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,
da kuma saƙaƙƙun riguna, tsarkakan riguna don Haruna firist da rigunan’ya’yansa maza, sa’ad da suke hidima a matsayin firistoci,
11 iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.
da man shafewa, da turare mai ƙanshi don Wuri Mai Tsarki. Za a yi su kamar yadda na umarce ka.”
12 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
Sa’an nan Ubangiji ya ce wa Musa,
13 Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.
“Ka faɗa wa Isra’ilawa, ‘Dole ku kiyaye Asabbataina. Wannan zai zama alama tsakanina da ku daga tsara zuwa tsara, saboda ku sani ni ne Ubangiji, wanda ya mai da ku masu tsarki.
14 Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.
“‘Ku kiyaye Asabbaci, domin yă zama mai tsarki a gare ku. Duk wanda ya ƙazantar da shi, za a kashe shi; duk wanda ya yi wani aiki a ranar, za a ware shi daga mutane.
15 Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.
Kwana shida, za a yi aiki, amma a rana ta bakwai, Asabbaci ne na hutu, mai tsarki ga Ubangiji. Duk wanda ya yi wani aiki a Asabbaci, za a kashe shi.
16 Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.
Isra’ilawa za su kiyaye Asabbaci, suna bikinsa daga tsara zuwa tsara a matsayin madawwamin alkawari.
17 Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.
Zai zama alama tsakanina da Isra’ilawa har abada, gama cikin kwana shida Ubangiji ya yi sama da ƙasa, a rana ta bakwai kuma ya daina aiki, ya kuma huta.’”
18 Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.
Sa’ad da Ubangiji ya gama yin wa Musa magana a kan Dutsen Sinai, sai ya ba shi alluna biyu na Alkawari, allunan duwatsu rubutattu da yatsan Allah.

< Baxniintii 31 >