< Baxniintii 28 >
1 Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.
“Aaroni mʼbale wako ndi ana ake aamuna, Nadabu, Abihu, Eliezara ndi Itamara uwapatule pakati pa Aisraeli. Abwere kwa iwe kuti anditumikire monga ansembe.
2 Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood.
Umusokere mʼbale wako, Aaroni, zovala zopatulika kuti azioneka mwaulemerero ndi molemekezeka.
3 Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
Uwawuze anthu onse aluso amene Ine ndawapatsa nzeru pa ntchito yosoka kuti apange zovala za Aaroni za pa mwambo womupatula, kuti iye anditumikire monga wansembe.
4 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
Zovala zoti apange ndi izi: chovala chapachifuwa, efodi, mkanjo, mwinjiro wolukidwa, nduwira ndi lamba. Apangire mʼbale wako Aaroni ndi ana ake aamuna zovala zopatulikazi kuti iwo anditumikire monga ansembe.
5 Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
Iwo agwiritse ntchito golide, nsalu yamtundu wa mtambo, yapepo, yofiira ndi yosalala yofewa.
6 Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo.
“Apange efodi pogwiritsa ntchito golide, nsalu yamtundu wa mtambo, yapepo ndi yofiira yolukidwa mwaluso.
7 Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.
Efodiyo ikhale ndi timalamba tiwiri ta pa mapewa tosokerera ku msonga zake ziwiri kuti azitha kumanga.
8 Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
Lamba womangira efodi akhale wolukidwa mwaluso ngati efodiyo. Akhale wopangidwa ndi golide, nsalu yamtundu wa mtambo, yapepo, yofiira, yofewa yosalala.
9 Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil;
“Utenge miyala iwiri ya onikisi ndipo uzokotepo mayina a ana a Israeli.
10 magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen.
Mayina asanu ndi limodzi akhale pa mwala umodzi, ndipo mayina asanu ndi limodzi pa mwala winawo motsata mabadwidwe awo.
11 Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.
Mayina a ana a Israeli uwazokote pa miyala iwiriyo, monga momwe amachitira mmisiri wozokota miyala. Ndipo uyike miyalayo mu zoyikamo zake zagolide.
12 Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed.
Umangirire miyala iwiriyi pa tinsalu ta mʼmapewa ta efodi tija ngati miyala ya chikumbutso cha ana a Israeli. Aaroni azinyamula mayinawo mʼmapewa ake kuti akhale chikumbutso pamaso pa Yehova.
13 Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah,
Upange zoyikamo za maluwa agolide,
14 oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.
ndiponso maunyolo awiri a golide wabwino kwambiri, wopetedwa ngati zingwe ndipo uwalumikize ku zoyikamozo.
15 Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
“Upange chovala chapachifuwa chogwiritsa ntchito poweruza mlandu ndipo uchipange mwaluso kwambiri. Uchipange ngati efodi pogwiritsa ntchito golide, nsalu yamtundu wa mtambo, yapepo, yofiira, yofewa yosalala ndi yolukidwa bwino.
16 Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako.
Kutalika kwake kukhale kofanana mbali zonse, mulitali masentimita 23, mulifupi masentimita 23, ndipo chikhale chopinda pawiri.
17 Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;
Uyikepo mizere inayi ya miyala yokongola kwambiri. Mzere woyamba ukhale ndi miyala ya rubi, topazi ndi berili.
18 safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman;
Mzere wachiwiri pakhale miyala ya emeradi, safiro ndi dayimondi;
19 safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos;
mzere wachitatu pakhale miyala ya opera, agate ndi ametisiti.
20 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.
Mzere wachinayi pakhale miyala ya topazi, onikisi ndi yasipa. Miyalayi uyiike mu zoyikamo zagolide.
21 Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.
Miyalayo ikhalepo khumi ndi iwiri, uliwonse kuyimira dzina limodzi la ana a Israeli. Mwala uliwonse uzokotedwe ngati chidindo dzina limodzi la mafuko khumi ndi awiri a Israeli.
22 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.
“Upange timaunyolo tagolide wabwino kwambiri ta pa chovala chapachifuwa, topota ngati chingwe.
23 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood.
Upangenso mphete ziwiri zagolide ndipo uzimangirire pa ngodya ziwiri za pa chovala chapachifuwa.
24 Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood.
Umangirire timaunyolo tiwiri tagolide tija pa mphete za pa ngodya pa chovala chapachifuwacho.
25 Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore.
Ndipo mbali ina ya timaunyoloto umangirire pa zoyikapo zake ziwiri zija ndi kulumikiza pa tinsalu takutsogolo kwa mapewa a efodi.
26 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga.
Upangenso mphete ziwiri zagolide, ndipo uzilumikize ku ngodya ziwiri zamʼmunsi mwa chovala chapachifuwa, champhepete mwake, mʼkati pafupi ndi efodi ija.
27 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.
Upangenso mphete zina ziwiri zagolide ndipo uzilumikize kumunsi kwa tinsalu takutsogolo kwa efodi, pafupi ndi msoko, pamwamba pangʼono pa lamba wamʼchiwuno wa efodi.
28 Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.
Tsono umangirire mphete za pa chovala chapachifuwa zija ku mphete za efodi ndi chingwe chamtundu wa mtambo, kulumikiza lamba ndi chovala chapachifuwacho kuti chovala chapachifuwacho chisalekane ndi efodi.
29 Oo magacyada reer binu Israa'iil waa in Haaruun ku qaadaa laabgashiga xukumaadda oo qalbigiisa saaran markuu galo meesha quduuska ah, inay xusuus noqdaan Rabbiga hortiisa had iyo goor.
“Pamene Aaroni akulowa kumalo opatulika azivala chovala chapachifuwa cha zoweruzira chija chimene chalembedwa mayina a ana a Israeli kuti Yehova awakumbukire nthawi zonse.
30 Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.
Ndiponso uyike Urimu ndi Tumimu mu chovala chapachifuwa cha zoweruziracho, kuti zikhale pamtima pa Aaroni. Choncho Aaroniyo adzakhala akutenga nthawi zonse zida zomuthandizira kuweruza ana a Israeli pamene adzafika pamaso pa Yehova.
31 Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug.
“Uyipangire efodiyo mkanjo wamtundu wa mtambo.
32 Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed.
Mkanjowo ukhala ndi malo opisapo mutu pakati pakepo. Pa chibowopo pakhale chibandi chosokedwa mochita ngati kuluka monga muja akhalira malaya kuti chibowocho chilimbe, chisangʼambike.
33 Oo khamiiska daraftiisa hoose waxaad u yeeshaa rummaanno oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo ku wada wareeji daraftiisa hareeraheeda oo dhan; oo dawanno dahab ahna dhexdooda geli oo ku wareeji.
Pa mpendero wamʼmunsi wa mkanjowo, upange mphonje zokhala ngati makangadza za nsalu yamtundu wa mtambo, yapepo ndi yofiira zokhala ndi maberu agolide pakati pake.
34 Dawan dahab ah iyo rummaan, haddana dawan dahab ah iyo rummaan, waa inaad ku wareejisaa khamiiska daraftiisa.
Choncho pazikhala mphonje imodzi kenaka belu limodzi, kuzungulira mpendero wa mkanjo wonse.
35 Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.
Aaroni azivala mkanjowo pamene akutumikira ngati wansembe. Kulira kwa maberu kuzimveka pamene akulowa mʼmalo opatulika pamaso pa Yehova ndiponso pamene akutuluka, kuti asafe.
36 Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
“Upange duwa lagolide wabwino kwambiri kukhala ngati chidindo ndipo uzokotepo mawu akuti, Cohoperekedwa kwa Yehova.
37 Oo waa inaad ku xidhaa shalash buluug ah, oo ku dhejisaa duubka, oo duubka intiisa hore ha ku taallo.
Ulimange ndi chingwe cha nsalu yamtundu wa mtambo pa nduwira ya Aaroni, ndipo duwalo likhale kutsogolo kwa nduwirayo.
38 Oo ha ku taallo Haaruun fooddiisa, Oo Haaruun baa qaadi doona dembiga alaabta quduuska ah, oo ay reer binu Israa'iil quduus kaga dhigi doonaan hadiyadahooda quduuska ah; oo mar kasta waxay ku oolli doontaa fooddiisa, in iyaga laga aqbalo Rabbiga hortiisa.
Lidzakhala pa mphumi ya Aaroni, motero iye adzasenza cholakwa chilichonse cha pa zopereka zilizonse zimene Aisraeli amazipatulira Yehova. Aaroni azivala chikwangwanichi pa mphumi pake nthawi zonse kuti Yehova alandire zopereka za anthu ake.
39 Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.
“Uluke mwinjiro wa nsalu yofewa yosalala ndiponso upange nduwira ya nsalu yofewa yosalala. Lamba wake akhale wolukidwa bwino ndi munthu waluso.
40 Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux.
Upangirenso ana a Aaroni mwinjiro, malamba ndi nduwira kuti azioneka mwaulemu ndi molemekezeka.
41 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.
Zovala zimenezi umuveke Aaroni, mʼbale wako ndi ana ake. Kenaka uwadzoze, uwapatse udindo ndi kuwapatula kuti anditumikire ngati ansembe anga.
42 Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda;
“Uwapangire akabudula a nsalu yofewa oyambira mʼchiwuno kulekeza mʼntchafu kuti asamaonetse maliseche.
43 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.
Aaroni ndi ana ake ayenera kuvala akabudulawo pamene akulowa mu tenti ya msonkhano kapena pamene akupita ku guwa lansembe kukatumikira malo oyera kuopa kuti angachimwe ndi kufa. “Ili likhale lamulo la nthawi zonse kwa Aaroni ndi zidzukulu zake.”