< Baxniintii 22 >

1 Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.
Si quis furatus fuerit bovem, aut ovem, et occiderit vel vendiderit: quinque boves pro uno bove restituet, et quattuor oves pro una ove.
2 Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.
Si effringens fur domum sive suffodiens fuerit inventus, et accepto vulnere mortuus fuerit: percussor non erit reus sanguinis.
3 Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
Quod si orto sole hoc fecerit, homicidium perpetravit, et ipse morietur. Si non habuerit quod pro furto reddat, ipse venundabitur.
4 Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
si inventum fuerit apud eum quod furatus est, vivens, sive bos, sive asinus, sive ovis: duplum restituet.
5 Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.
Si læserit quispiam agrum vel vineam, et dimiserit iumentum suum ut depascatur aliena: quidquid optimum habuerit in agro suo, vel in vinea, pro damni æstimatione restituet.
6 Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
Si egressus ignis invenerit spinas, et comprehenderit acervos frugum, sive stantes segetes in agris, reddet damnum qui ignem succenderit.
7 Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.
Si quis commendaverit amico pecuniam, aut vas in custodiam, et ab eo, qui susceperat, furto ablata fuerint: si invenitur fur, duplum reddet:
8 Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
si latet fur, dominus domus applicabitur ad deos, et iurabit quod non extenderit manum in rem proximi sui,
9 Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
ad perpetrandam fraudem, tam in bove, quam in asino, et ove ac vestimento, et quidquid damnum inferre potest: ad deos utriusque causa perveniet: et si illi iudicaverit, duplum restituet proximo suo.
10 Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,
Si quis commendaverit proximo suo asinum, bovem, ovem, et omne iumentum ad custodiam, et mortuum fuerit, aut debilitatum, vel captum ab hostibus, nullusque hoc viderit:
11 markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
iusiurandum erit in medio, quod non extenderit manum ad rem proximi sui: suscipietque dominus iuramentum, et ille reddere non cogetur.
12 Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.
Quod si furto ablatum fuerit, restituet damnum domino.
13 Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
Si comestum a bestia, deferat ad eum quod occisum est, et non restituet.
14 Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.
Qui a proximo suo quidquam horum mutuo postulaverit, et debilitatum aut mortuum fuerit domino non præsente, reddere compelletur.
15 Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.
Quod si impræsentiarum dominus fuerit, non restituet, maxime si conductum venerat pro mercede operis sui.
16 Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.
Si seduxerit quis virginem necdum desponsatam, dormieritque cum ea: dotabit eam, et habebit eam uxorem.
17 Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.
Si pater virginis dare noluerit, reddet pecuniam iuxta modum dotis, quam virgines accipere consueverunt.
18 Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.
Maleficos non patieris vivere.
19 Ku alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.
Qui coierit cum iumento, morte moriatur.
20 Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.
Qui immolat diis, occidetur, præterquam Domino soli.
21 Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.
Advenam non contristabis, neque affliges eum: advenæ enim et ipsi fuistis in Terra Ægypti.
22 Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.
Viduæ et pupillo non nocebitis.
23 Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,
Si læseritis eos, vociferabuntur ad me, et ego audiam clamorem eorum:
24 oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
et indignabitur furor meus, percutiamque vos gladio, et erunt uxores vestræ viduæ, et filii vestri pupilli.
25 Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.
Si pecuniam mutuam dederis populo meo pauperi qui habitat tecum, non urgebis eum quasi exactor, nec usuris opprimes.
26 Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,
Si pignus a proximo tuo acceperis vestimentum, ante solis occasum reddes ei.
27 waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.
Ipsum enim est solum, quo operitur, indumentum carnis eius, nec habet aliud in quo dormiat: si clamaverit ad me, exaudiam eum, quia misericors sum.
28 Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
Diis non detrahes, et principi populi tui non maledices.
29 Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.
Decimas tuas et primitias tuas non tardabis reddere, primogenitum filiorum tuorum dabis mihi.
30 Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.
De bobus quoque, et ovibus similiter facies: septem diebus sit cum matre sua, die octava reddes illum mihi.
31 Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.
Viri sancti eritis mihi: carnem, quæ a bestiis fuerit prægustata, non comedetis, sed proiicietis canibus.

< Baxniintii 22 >