< Baxniintii 21 >
1 Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.
Sasa hizi ni amri utakazoweka kabla yao:
2 Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.
'kama mtanunua mtumishi wa kiebrania, atatumikia kwa miaka sita, na mwaka wa saba ataachiwa huru bila kilipwa chochote.
3 Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.
Kama alikuja mwenyewe, ataenda huru kwa ridhaa yake;
4 Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.
kama bwana wake atampa mke na kumzalia mwana na binti, mke pamoja na watoto wake watabaki mali ya bwana wake, na ataenda zake huru.
5 Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,
Lakini kama mtumishi atasema waziwazi, “Nampenda bwana wangu, mke wangu, na watoto; sitaenda nje,”
6 de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.
“kisha bwana wake atapaswa kumleta kwa Mungu. Bwana wake atapaswa kumleta katika mlango au katika muhimili wa mlango, na bwana wake atatoboa sikio lake na sindano. Kisha mtumishi wake atamtumikia kwa maisha yake yote.
7 Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.
Kama mwanaume ata muuza binti wake kama mtumishi wa kike, ata weza kwenda huru kama watumishi wa kiume wanavyo enda.
8 Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.
Kama hamridhishi bwana wake, aliye mtenga kwa ajili yake, kisha lazima amnunue tena. Hana ruhusa ya kumuuza kwa watu wengine wa kigeni. Hana ruhusa hiyo, sababu amemtendea kwa hila.
9 Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.
Ikiwa bwana wake atamposa awe mke wa mwanae, atamtendea kama desturi zipasavyo sawa na binti zake.
10 Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.
Ikiwa atajitwalia mke mwingine, asimpunguzie huyo chakula chake, nguo na haki zake za unyumba.
11 Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.
Lakini asipofanyiwa mambo haya matatu, basi anaweza kwenda bure pasipo kutolewa mali.
12 Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.
Mtu awaye yote ampigaye mtu hata akafa, inampasa mtu huyo auawe pia.
13 Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.
Lakini kama hakumvizia, ila kwa bahati mbaya, basi nitamfanyia mahali pa kukimbilia.
14 Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.
Lakini mtu akimwendea mwenzake kwa kujikinai, kusudi apate kumwua kwa hila; huyo utamwondoa hata kama ni madhabahuni pangu, ili auawe.
15 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.
Yeyote atakaye mpiga baba au mama yake lazima auawe.
16 Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.
Yeyote atakaye mteka mtu na kumuuza, au mtu amekutwa kama mali yake, huyo mtekaji lazima auawe.
17 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.
Yeyote atakaye mlaani baba au mama yake lazima auawe.
18 Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;
Kama wanaume watapigana na mmoja akimpiga mwengine kwa jiwe au ngumi, na huyo mtu asife, lakini alazwe kitandani;
19 kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.
kisha akapona na anaweza kutembea kwa gongo lake, yeye aliye mpiga lazima alipe muda aliye mpotezea; na lazima alipe matibabu yake yote. Lakini huyo mtu hana hatia ya mauaji.
20 Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.
Kama mwanaume akimpiga mtumishi wake wa kiume au wa kike kwa gongo, na kama mtumishi huyo akifa kwa madhara ya pigo, kisha huyo mtu lazima ahadhibiwe.
21 Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.
Walakini, mtumishi huyo akiishi siku moja au mbili, bwana aruhusiwi kuadhibiwa, kwa kuwa atateseka kupoteza mtumishi huyo.
22 Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.
Kama wanaume wakipigana pamoja na wakamuumiza wanamke mwenye mimba na kuiharibu, lakini hakuna majeraha mengine kwake, kisha huyo mwanaume mwenye hatia lazima alipe kama mme wa mwanamke anavyo taka kwake, na kulipa kama hakimu anavyo kusudia.
23 Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,
Lakini kama kuna majeraha makubwa, lazima utoe uhai kwa uhai, jicho kwa jicho,
24 oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,
jino kwa jino, mkono kwa mkono, mguu kwa mguu,
25 oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.
kuchoma kwa kuchoma, jeraha kwa jeraha, au mkwaruzo kwa mkwaruzo.
26 Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.
Kama mwanaume akipiga jicho la mtumishi wake kiume au mtumishi wake wa kike na kuliharibu, kisha lazima amuache mtumishi aende pasipo fidia ya jicho.
27 Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.
Kama akitoa jino la mtumishi wake wa kiume au mtumishi wake wa kike, lazima amuache mtumishi kwenda huru kama fidia ya jino.
28 Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.
Kama ng'ombe akimpiga mwanaume au mwanamke akafa, ng'ombe lazima apigwe mawe, na nyama yake hairuhusiwi kuliwa; lakini mmiliki wa ng'ombe lazima awe huru kwa hatia.
29 Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.
Lakini kama ng'ombe alikuwa na tabia ya kupiga hapo awali, na mmiliki wake alionywa lakini hakumzuia, na ng'ombe ameua mwanaume au mwanamke, huyo ng'ombe lazima apigwe mawe, na mmiliki wake lazima auawe pia.
30 Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.
Kama malipo ya uhai yanaitajika, lazima alipe chochote anachotakiwa kulipa.
31 Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.
Kama ng'ombe amempiga mwana wa mwanaume au binti wake, mmiliki wa ng'ombe anapaswa kufanya kama masharti yanavyo mlazimu.
32 Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.
Kama ng'ombe akimpiga mtumishi wa kiume au wakike, mmiliki wa ngombe lazima alipe shekeli thelathini za fedha, na ng'ombe lazima apigwe mawe.
33 Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,
Kama mwanaume akifungua shimo, au kama mwanume akichimba shimo na asifunike, na ng'ombe au punda akaanguka ndani,
34 de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
mmiliki wa shimo lazima alipe madhara. Lazima atoe hela kwa mmiliki wa mnyama aliye kufa, na mnyama aliye kufa atakuwa wake.
35 Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.
Kama ng'ombe wa mwanaume akimuumiza ng'ombe wa mwanume mwengine hadi kufa, kisha lazima wamuuze ng'ombe aliye hai na kugawana gharama, na pia lazima wagawane ng'ombe aliye kufa.
36 Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
Lakini kama ilijulikana kama ng'ombe alikuwa na tabia ya kupiga hapo awali, na mmiliki wake hakumfunga ndani, hakika lazima alipe ng'ombe kwa ng'ombe, na mnyama aliye kufa atakuwa wake.