< Baxniintii 20 >

1 Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,
Ndipo Mulungu anayankhula mawu onse awa nati:
2 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
“Ine ndine Yehova Mulungu wako amene ndinakutulutsa ku Igupto, mʼdziko la ukapolo.
3 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
“Usakhale ndi milungu ina koma Ine ndekha.”
4 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
“Usadzipangire chofanizira chinthu chilichonse chakumwamba kapena cha pa dziko lapansi kapena cha mʼmadzi a pansi pa dziko.
5 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
Usazigwadire kapena kuzipembedza, pakuti Ine Yehova Mulungu wako, ndine Mulungu wansanje, wolanga ana chifukwa cha tchimo la makolo awo mpaka mʼbado wachitatu ndi wachinayi wa iwo amene amadana nane.
6 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
Koma ndimaonetsa chikondi chosasinthika ku mibado miyandamiyanda ya anthu amene amandikonda, ndi kusunga malamulo anga.
7 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
“Usagwiritse ntchito molakwika dzina la Yehova Mulungu wako, pakuti Yehova adzamutenga kukhala wochimwa aliyense amene akugwiritsa ntchito dzina lakelo molakwika.
8 Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.
“Uzisunga tsiku la Sabata kuti likhale lopatulika.
9 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,
Uzigwira ntchito zako zonse masiku asanu ndi limodzi.
10 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;
Koma tsiku lachisanu ndi chiwiri ndi Sabata, tsiku loperekedwa kwa Yehova Mulungu wako. Tsiku limeneli musagwire ntchito iliyonse, inuyo kapena mwana wanu wamwamuna kapena mwana wanu wamkazi, wantchito wanu wamwamuna kapena mdzakazi wanu, ziweto zanu kapena mlendo amene akukhala mʼmudzi mwanu.
11 waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.
Pakuti Yehova anapanga kumwamba ndi dziko lapansi, nyanja ndi zonse zimene zili mʼmenemo mʼmasiku asanu ndi limodzi. Iye anapuma pa tsiku lachisanu ndi chiwiri. Kotero Yehova anadalitsa tsiku la Sabata kuti likhale loyera.
12 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
“Lemekeza abambo ako ndi amayi ako kuti ukhale ndi moyo wautali mʼdziko limene Yehova Mulungu wako akukupatsa.
13 Waa inaanad qudh gooyn.
“Usaphe.
14 Waa inaanad sinaysan.
“Usachite chigololo.
15 Waa inaanad waxba xadin.
“Usabe.
16 Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.
“Usapereke umboni womunamizira mnzako.
17 Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
“Usasirire nyumba ya mnzako. Usasirire mkazi wa mnzako kapena wantchito wake wamwamuna kapena mdzakazi wake, ngʼombe yake kapena bulu wake, kapena chilichonse cha mnzako.”
18 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.
Pamene anthu ankamva mabingu ndi kuona ziphaliwali ndi kumvanso lipenga ndi kuona utsi umene umafuka mʼphiri, ananjenjemera ndi mantha. Ndipo iwo anayima patali.
19 Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.
Ndipo anati kwa Mose, “Iwe utiyankhule ndipo tidzamvera. Koma usalole kuti Mulungu atiyankhule, tingafe.”
20 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.
Koma Mose anati kwa anthuwo, “Musachite mantha. Mulungu wabwera kudzakuyesani kuti mukhale ndi mtima woopa Mulungu kuti musamuchimwire.”
21 Markaasaa dadkii waxay istaageen meel fog, Muusena wuxuu u soo dhowaaday gudcurkii qarada weynaa oo Ilaah joogay.
Anthu aja anayima patali koma Mose anayandikira mtambo wakuda kumene kunali Mulungu.
22 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.
Ndipo Yehova anati kwa Mose, “Awuze izi Aisraeli: ‘Inu mwaona nokha kuti Ine ndakuyankhulani kuchokera kumwamba.
23 Haddaba waa inaydnaan yeelan ilaahyo kale aniga mooyaane; oo ilaahyo lacag ah iyo ilaahyo dahab ah waa inaydnaan samaysan.
Choncho musadzipangire milungu yasiliva kapena yagolide kuti muziyipembedza pamodzi ndi Ine.’”
24 Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
Mundimangire guwa ladothi ndipo muziperekapo nsembe zopsereza ndi nsembe zachiyanjano, nkhosa, mbuzi ndi ngʼombe zanu. Pamalo paliponse pamene Ine ndidzakonza kuti muzinditamandirapo, ndidzabwera ndi kukudalitsani.
25 Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.
Ngati mudzandimangira guwa lansembe lamiyala, musagwiritse ntchito miyala yosema, pakuti mudzalidetsa mukadzagwiritsa ntchito zida.
26 Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.
Musamakwere pa makwerero popita pa guwa langa lansembe kuti mungaonetse maliseche anu.

< Baxniintii 20 >