< Baxniintii 19 >
1 Markii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo.
以色列人出埃及地以後,滿了三個月的那一天,就來到西奈的曠野。
2 Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.
他們離了利非訂,來到西奈的曠野,就在那裏的山下安營。
3 Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,
摩西到上帝那裏,耶和華從山上呼喚他說:「你要這樣告訴雅各家,曉諭以色列人說:
4 Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.
『我向埃及人所行的事,你們都看見了,且看見我如鷹將你們背在翅膀上,帶來歸我。
5 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh;
如今你們若實在聽從我的話,遵守我的約,就要在萬民中作屬我的子民,因為全地都是我的。
6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
你們要歸我作祭司的國度,為聖潔的國民。』這些話你要告訴以色列人。」
7 Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.
摩西去召了民間的長老來,將耶和華所吩咐他的話都在他們面前陳明。
8 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.
百姓都同聲回答說:「凡耶和華所說的,我們都要遵行。」摩西就將百姓的話回覆耶和華。
9 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.
耶和華對摩西說:「我要在密雲中臨到你那裏,叫百姓在我與你說話的時候可以聽見,也可以永遠信你了。」 於是,摩西將百姓的話奏告耶和華。
10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
耶和華又對摩西說:「你往百姓那裏去,叫他們今天明天自潔,又叫他們洗衣服。
11 oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.
到第三天要預備好了,因為第三天耶和華要在眾百姓眼前降臨在西奈山上。
12 Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.
你要在山的四圍給百姓定界限,說:『你們當謹慎,不可上山去,也不可摸山的邊界;凡摸這山的,必要治死他。
13 Gacanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen.
不可用手摸他,必用石頭打死,或用箭射透;無論是人是牲畜,都不得活。到角聲拖長的時候,他們才可到山根來。』」
14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
摩西下山往百姓那裏去,叫他們自潔,他們就洗衣服。
15 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.
他對百姓說:「到第三天要預備好了。不可親近女人。」
16 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.
到了第三天早晨,在山上有雷轟、閃電,和密雲,並且角聲甚大,營中的百姓盡都發顫。
17 Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.
摩西率領百姓出營迎接上帝,都站在山下。
18 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.
西奈全山冒煙,因為耶和華在火中降於山上。山的煙氣上騰,如燒窯一般,遍山大大地震動。
19 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.
角聲漸漸地高而又高,摩西就說話,上帝有聲音答應他。
20 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.
耶和華降臨在西奈山頂上,耶和華召摩西上山頂,摩西就上去。
21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.
耶和華對摩西說:「你下去囑咐百姓,不可闖過來到我面前觀看,恐怕他們有多人死亡;
22 Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye.
又叫親近我的祭司自潔,恐怕我忽然出來擊殺他們。」
23 Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig.
摩西對耶和華說:「百姓不能上西奈山,因為你已經囑咐我們說:『要在山的四圍定界限,叫山成聖。』」
24 Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.
耶和華對他說:「下去吧,你要和亞倫一同上來;只是祭司和百姓不可闖過來上到我面前,恐怕我忽然出來擊殺他們。」
25 Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.
於是摩西下到百姓那裏告訴他們。