< Baxniintii 17 >

1 Oo markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka sodcaaleen cidlada Siin la yidhaahdo, oo waxay u socdeen sidii Rabbigu ku amray, kolkaasay waxay degeen meel la yidhaahdo Refiidiim; oo dadkuna ma ay haysan biyo ay cabbaan.
イスラエルの子孫の會衆ヱホバの命にしたがひて皆シンの曠野を立出で旅路をかさねてレピデムに幕張せしが民の飮む水あらざりき
2 Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?
是をもて民モーセと爭ひて言ふ我儕に水をあたへて飮しめよモーセかれらに言けるは汝ら何ぞ我とあらそふや何ぞヱホバを試むるや
3 Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?
彼處にて民水に渇き民モーセにむかひて呟き言ふ汝などて我等をエジプトより導きいだして我等とわれらの子女とわれらの家畜を渇に死しめんとするや
4 Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.
是に於てモーセ、ヱホバに呼はりて言ふ我この民に何をなすべきや彼等は殆ど我を石にて撃んとするなり
5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.
ヱホバ、モーセに言たまひけるは汝民の前に進み民の中の或長老等を伴ひかの汝が河を撃し杖を手に執て往よ
6 Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.
視よ我そこにて汝の前にあたりてホレブの磐の上に立ん汝磐を撃べし然せば其より水出ん民これを飮べしモーセすなはちイスラエルの長老等の前にて斯おこなへり
7 Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Masaah iyo Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?
かくて彼その處の名をマツサと呼び又メリバと呼り是はイスラエルの子孫の爭ひしに由り又そのヱホバはわれらの中に在すや否と言てヱホバを試みしに由なり
8 Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.
時にアマレクきたりてイスラエルとレピデムに戰ふ
9 Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah.
モーセ、ヨシユアに言けるは我等のために人を擇み出てアマレクと戰へ明日我神の杖を手にとりて岡の嶺に立ん
10 Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii.
ヨシユアすなはちモーセの己に言しごとくに爲しアマレクと戰ふモーセ、アロンおよびホルは岡の嶺に登りしが
11 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq.
モーセ手を擧をればイスラエル勝ち手を垂ればアマレク勝り
12 Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday.
然るにモーセの手重くなりたればアロンとホル石をとりてモーセの下におきてその上に坐せしめ一人は此方一人は彼方にありてモーセの手を支へたりしかばその手日の沒まで垂下ざりき
13 Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.
是においてヨシユア刃をもてアマレクとその民を敗れり
14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxan buug ku qor si loo xusuusto, oo Yashuuca dhegihiisa maqashii, waayo, xusuusta reer Camaaleq lagu xusuusan jiray ayaan inta samada ka hoosaysa oo dhan ka baabbi'inayaa.
ヱホバ、モーセに言たまひけるは之を書に筆して記念となしヨシユアの耳にこれをいれよ我必ずアマレクの名を塗抹て天下にこれを誌ゆること无らしめんと
15 Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii,
斯てモーセ一座の壇を築きその名をヱホバニシ(ヱホバ吾旗)と稱ふ
16 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.
モーセ云けらくヱホバの寶位にむかひて手を擧ることありヱホバ世々アマレクと戰ひたまはん

< Baxniintii 17 >