< Baxniintii 15 >

1 Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen, Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
Sa’an nan Musa da Isra’ilawa suka rera wannan waƙa ga Ubangiji suka ce, “Zan rera waƙa ga Ubangiji gama an ɗaukaka shi ƙwarai. Doki da mahayinsa ya jefa su cikin teku.
2 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
“Ubangiji ne ƙarfina da mafakata, ya zama cetona. Shi Allahna ne, zan yabe shi. Allah na kakana, zan ɗaukaka shi.
3 Rabbigu waa dagaalyahan, Magiciisuna waa Rabbi.
Ubangiji mai yaƙi ne Ubangiji ne sunansa.
4 Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.
Karusan Fir’auna da sojojinsa ya jefa cikin teku. Zaɓaɓɓun jarumawansa ya nutsar da su cikin Bahar Maliya.
5 Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.
Zurfafan ruwaye sun rufe su; suka nutse cikin zurfi kamar dutse.
6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
Hannun damanka, ya Ubangiji, Mai kwarjini ne da iko, hannun damanka, ya Ubangiji, ya farfashe magabci.
7 Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.
“A cikin girman kwarjininka ka kā da waɗanda sun yi gāba da kai. Ka aiki fushinka mai zafi ya cinye su kamar tattaka.
8 Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen, Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo; Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.
Da hucin numfashin hancinka ruwaye suka tattaru. Ruwaye masu kwararowa, suka tsaya kamar bango; ruwaye na zurfafa suka daskare a tsakiyar teku.
9 Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
Magabci ya yi fahariya, cewa ‘Zan fafare su, in ci musu. Zan raba ganima; abin da na so ya samu. Zan ja takobina hannuna kuwa zai hallaka su.’
10 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.
Amma ka hura numfashinka sai teku ya rufe su. Suka nutse kamar darma cikin manyan ruwaye.
11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
Wane ne cikin alloli, ya yi kamar ka, ya Ubangiji? Wane ne kamar ka, mai ɗaukaka cikin tsarki, mai banrazana cikin ɗaukaka, mai aikata al’ajabai?
12 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.
“Ka miƙa hannunka na dama, ƙasa ta haɗiye abokan gābanka.
13 Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.
A cikin ƙaunarka marar iyaka, za ka bishe mutanen da ka fansa. A cikin ƙarfinka, za ka bishe su zuwa mazauninka mai tsarki.
14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.
Al’ummai za su ji, su yi rawar jiki tsoro zai kama mutanen Filistiya.
15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.
Sarakunan Edom za su tsorata, shugabannin Mowab za su yi rawar jiki, mutanen Kan’ana za su narke.
16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
Razana da tsoro za su fāɗo a kansu. Da ikon hannunka za su tsaya cik kamar dutse, har sai mutanen da ka kawo sun wuce, ya Ubangiji.
17 Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga, Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow, Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.
Za ka kawo su, ka dasa su a kan dutsen nan naka inda, ya Ubangiji, ka shirya domin mazauninka, wuri mai tsarkin da hannuwanka suka kafa, ya Ubangiji.
18 Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.
“Ubangiji zai yi mulki har abada abadin.”
19 Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.
Sa’ad da dawakai, kekunan yaƙi da mahayan dawakan Fir’auna suka shiga cikin teku, Ubangiji ya mayar da ruwan teku a kansu, amma Isra’ilawa suka wuce a cikin teku a busasshiyar ƙasa.
20 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.
Sa’an nan Miriyam annabiya,’yar’uwar Haruna ta ɗauki ganga a hannunta, dukan mata kuwa suka bi ta, da ganguna suna rawa.
21 Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
Miriyam ta yi musu waƙa. “Ku rera ga Ubangiji gama ya ci gawurtacciyar nasara. Doki da mahayi, ya jefa cikin teku.”
22 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin.
Sai Musa ya jagoranci Isra’ila daga jan teku zuwa hamadar Shur. Kwana uku suka yi tafiya cikin hamada ba su sami ruwa ba.
23 Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah.
Da suka zo Mara, ba su iya shan ruwan ba saboda yana da ɗaci (shi ya sa ake kira wurin Mara).
24 Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?
Sai mutanen suka yi gunaguni a kan Musa, suna cewa, “Me za mu sha?”
25 Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii;
Sai Musa ya yi kuka ga Ubangiji, Ubangiji kuwa ya nuna masa wani itace. Sai ya jefa shi cikin ruwan, sai ruwan ya zama mai daɗi. A can Ubangiji ya yi musu doka da farilla, a can kuma ya gwada su.
26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.
Ya ce, “In kun kasa kunne ga muryar Ubangiji Allahnku kuka yi abin da yake daidai a idanunsa, in kun mai da hankali ga umarnansa, kuka kiyaye dukan farillansa, ba zan kawo muku wani ciwon da na kawo a kan Masarawa ba, gama ni ne Ubangiji da nake warkar da ku.”
27 Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.
Sai suka zo Elim inda akwai maɓulɓulan ruwa goma sha biyu da itatuwan dabino saba’in, suka sauka a can, kusa da ruwa.

< Baxniintii 15 >