< Baxniintii 11 >
1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.
Kisha Yahweh akamwambia Musa, “Bado kuna pigo moja nitalo lileta kwa Farao na Misri. Baada ya hilo, atakuacha uondoke hapa. Atakapo kuachia uende, ata kuondoa kabisa.
2 Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.
Waelekeze watu kwamba kila mwanaume na mwanamke amuulizie jirani yake vitu vya fedha na vitu vya dhahabu.”
3 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
Sasa Yahweh aliwafanya Wamisri kuwa na shauku ya kuwapendeza Waisraeli. Aidha, Musa alikuwa wakuvutia sana machoni pa watumishi wa Farao na watu wa Misri.
4 Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,
Musa akasema, “Yahweh asema hivi: 'Wakati wa usiku wa manane nitaenda Misri yote.
5 oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.
Wazaliwa wa kwanza wote wa nchi ya Misri watakufa, kuanzia mzaliwa wa kwanza wa Farao, anaye keti kiti chake cha enzi, mpaka mzaliwa wa kwanza wa misichana mtumwa anaye saga mbegu, na kwa wazaliwa wa kwanza wa mifugo.
6 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.
Kisha kutakuwa na kilio kikubwa nchi yote ya Misri, kama ambacho hakijawai wala hakitatokea tena.
7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
Lakini ata mbwa hata bweka kwa watu wa Israeli, dhidi ya mtu au mnyama. Kwa hili utajuwa kuwa nina watendea Wamisri na Waisraeli tofauti.'
8 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
Watumishi wote hawa wako, Farao, watakuja chini yangu na kunisujudu mimi. Watasema, 'Nenda, wewe na watu wote wanao kufuata!' Baada ya hapo nitaondoka.” Kisha akaondoka mbele ya Farao kwa hasira kubwa.
9 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.
Yahweh akamwambia Musa, Farao hatakusikiliza. Hii ni ili nifanye mambo ya ajabu katika nchi ya Misri.”
10 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
Musa na Aruni wakafanya mambo haya ya kushangaza mbele za Farao. Lakini Yahweh aliufanya moyo wa Farao mgumu, na Farao hakuwaacha watu wa Israeli kuondoka katika nchi yake.