< Esteer 8 >

1 Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa.
On that day King Ahasuerus gave Queen Esther the property of Haman, the enemy of the Jews, and Mordecai began to serve before the king, for Esther told the king how Mordecai was related to her.
2 Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.
The king took off his signet ring, which he had taken back from Haman, and gave it to Mordecai. Esther designated Mordecai to be in charge of Haman's estate.
3 Oo Esteer boqorka hortiisii ayay haddana ka hadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadoo ooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaan kii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda ku samaynayay.
Then Esther spoke again to the king. She lay facedown on the ground and wept as she pleaded with him to put an end to the evil plan of Haman the Agagite, to the scheme that he had devised against the Jews.
4 Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii.
Then the king held out the golden scepter to Esther, she arose and stood before the king.
5 Oo kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsan tahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kula wanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqado lagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray in lagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa deggan oo dhan.
She said, “If it pleases the king, and if I have found favor in your eyes, if the thing seems right before the king, and I am pleasing in your eyes, let a decree be written to revoke the letters written by Haman son of Hammedatha the Agagite, the letters that he wrote to destroy the Jews who are in all the king's provinces.
6 Waayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amase sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'inta dadkayga?
For how could I bear to see disaster fall on my people? How could I endure watching the destruction of my relatives?”
7 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda.
King Ahasuerus said to Queen Esther and to Mordecai the Jew, “Look, I have given Esther the house of Haman, and they have hanged him on the gallows, because he was going to attack the Jews.
8 Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo.
Write another decree for the Jews in the name of the king and seal it with the king's ring. For the decree that has already been written in the king's name and sealed with the king's ring cannot be revoked.”
9 Oo markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba.
Then the king's scribes were called at that time, in the third month, which is the month of Sivan, on the twenty-third day of the month. A decree was written containing all that Mordecai was commanding concerning the Jews. It was written to the provincial governors, the governors and officials of the provinces that were located from India to Cush, 127 provinces, to every province written in their own writing, and to every people in their language, and to the Jews in their writing and language.
10 Oo wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo.
Mordecai wrote in the name of King Ahasuerus and sealed it with the king's signet ring. He sent the documents by couriers riding on the fast horses that were used in the king's service, bred from the royal stud.
11 Oo boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan.
The king gave to the Jews who were in every city permission to gather together and to make a stand to protect their lives: To annihiliate, to kill, and to destroy any armed force from any people or province that might attack them, children and women included, or to plunder their possessions.
12 Oo amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo.
This was to be in effect in all the provinces of King Ahasuerus, on the thirteenth day of the twelfth month, which is the month of Adar.
13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda.
A copy of the decree was to be issued as a law and publicly displayed to all the peoples. The Jews were to be ready on that day to take vengeance on their enemies.
14 Oo sidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyo rakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo ku dhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagu naadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.
So the couriers rode on the royal horses that were used in the king's service. They went without delay. The king's decree was also issued from the palace in Susa.
15 Markaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hortiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyo caddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oo dahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey maro wanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waa laga qayliyey oo laga farxay.
Then Mordecai left the king's presence wearing royal clothes of blue and white, with a great crown of gold and a purple robe of fine linen, and the city of Susa shouted and rejoiced.
16 Oo Yuhuuddiina waxaa u ahaaday iftiin iyo farxad iyo rayrayn iyo sharaf.
The Jews had light and gladness, and joy and honor.
17 Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
In every province and in every city, wherever the king's decree reached, there was gladness and joy among the Jews, a feast and a holiday. Many from among the variety of peoples of the land became Jews, because the fear of the Jews had fallen on them.

< Esteer 8 >