< Esteer 7 >
1 Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan.
And the king came with Haman to drink with Esther the queen.
2 Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye.
And the king said unto Esther also on the second day at the banquet of wine, What is thy petition, queen Esther? and it shall be granted thee: and what is thy request? even if it be equal to half the kingdom, it shall still be done.
3 Markaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado,
Then answered Esther the queen and said, If I have found grace in thy eyes, O king! and if it be pleasing unto the king, let my life be given me at my petition, and my people at my request;
4 waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin.
For we have been sold, I and my people, to be destroyed, to be slain and to be exterminated; and if we had been only sold for bondmen and bondwomen, I would have remained silent; for the adversary regardeth not the damage of the king.
5 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo?
Then spoke king Achashverosh and said unto Esther the queen, Who is this, and where is he, whose heart hath emboldened him to do so?
6 Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday.
And Esther said, An adversary, and inimical man, this wicked Haman. Then became Haman terrified before the king and the queen.
7 Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay.
And the king arose in his fury from the banquet of wine, and went into the palace-garden: and Haman remained behind to make request for his life of Esther the queen; for he saw that there was evil fully determined.
8 Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday.
And when the king returned out of the palace-garden into the apartment of the banquet of wine, Haman was fallen upon the couch whereon Esther was: then said the king. Will he even do violence to the queen before me in the house? The word had just come out of the king's mouth, when they covered Haman's face.
9 Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela.
Then said Charbonah, one of the chamberlains, before the king, Behold, there is also the gallows, which Haman hath had made for Mordecai, who hath spoken well for the king, standing in the house of Haman, fifty cubits high. And the king said, Hang him thereon.
10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
So they hanged Haman on the gallows which he had prepared for Mordecai, and the fury of the king was appeased.