< Efesos 6 >

1 Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
I barn, varer hörige edra föräldrar i Herranom; ty det är rättvist.
2 Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
Hedra din fader och moder; hvilket är det första bud, som löfte med sig hafver:
3 inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.
På det dig skall väl gå, och du må blifva långlifvad på jordene.
4 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
I fäder, reter icke edor barn till vrede; utan uppföder dem i tukt och Herrans förmaning.
5 Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
I tjenare, varer hörige edrom lekamligom herrom med räddhåga och bäfvan, i edor hjertas enfaldighet, såsom Christo;
6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
Icke tjenande allena för ögonen, såsom menniskom till vilja; utan såsom Christi tjenare, görande det Gud vill utaf hjertat.
7 Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,
Med välviljoghet låter eder tycka, att I tjenen Herranom, och icke menniskom;
8 idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.
Vetande, att hvad godt hvar och en gör, det skall han igenfå af Herranom, ehvad han är tjenare eller fri.
9 Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
Och I herrar, görer ock detsamma emot dem, och öfvergifver trug; vetande, att ock edar Herre är i himmelen, och för honom är intet anseende till personen.
10 Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
På det sista, käre bröder, varer starke i Herranom, och i hans starkhets magt.
11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
Ikläder eder allt Guds harnesk, på det I mågen stå emot djefvulens listiga anlopp.
12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira. (aiōn g165)
Ty vi hafvom icke strid emot kött och blod; utan emot Förstar och väldiga, nämliga emot verldenes herrar, de som regera i denna verldenes mörker, emot de onda andar under himmelen. (aiōn g165)
13 Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.
Derföre, tager på eder allt Guds harnesk, att I mågen emotstå i den onda dagen, och all ting väl uträtta, och beståndande blifva.
14 Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan,
Så står nu omgjordade kringom edra länder med sanningene, och iklädde rättfärdighetenes kräfveto;
15 oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda,
Och fötterna skodde, att I mågen redo vara till fridsens Evangelium.
16 oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan.
Men öfver all ting tager trones sköld, med hvilkom I kunnen utsläcka all hins ondas glödande skott.
17 Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah.
Och tager på eder salighetenes hjelm, och Andans svärd, som är Guds ord;
18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
I all bön och åkallan, alltid bedjande i Andanom; och vaker dertill, med all idkelighet, och bön för all helgon;
19 Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
Och för mig, att mig måtte gifvet varda tala dristeliga med öppen mun, att jag måtte kunniga göra Evangelii hemlighet;
20 kaas oo aan u ahay mid ergo ah oo silsilad ku xidhan, inaan cabsila'aan ugu hadlo sida igu waajibka ah.
Hvilkets bådskap jag är i denna kedjon; på det jag deruti må fri tala, som mig bör tala.
21 Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.
Men på det I mågen ock veta, huru med oss tillstår, och hvad jag gör, skall Tychicus, min älskelige broder och trogne tjenare i Herranom, eder undervisa;
22 Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.
Hvilken jag derföre sände till eder, att I skolen få veta, huru med mig tillstår; och att han skulle trösta edor hjerta.
23 Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.
Frid vare bröderna, och kärlek med trone, af Gud Fader och Herranom Jesu Christo.
24 Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
Nåd vare med allom, som vår Herra Jesum Christum rättsinneliga kär hafva. Amen.

< Efesos 6 >