< Efesos 4 >
1 Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah,
Opominjam vas torej jaz, jetnik v Gospodu, da se vedete spodobno poklicu, v katerega ste poklicani,
2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo.
Z vso ponižnostjo in krotkostjo, s potrpežljivostjo prenašajoč se med seboj v ljubezni,
3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.
Skrbno prizadevajoč si ohraniti edinost Duha v vezí mirú.
4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii.
Eno telo in en Duh, kakor ste tudi poklicani v enem upanji poklica svojega;
5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya,
En Gospod, ena vera, en krst;
6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
En Bog in oče vseh, ki je nad vsemi in po vseh in v vseh vas.
7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.
Vsakemu pa izmed nas dala se je milost po meri darú Kristusovega.
8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
Zato pravi: "Šel je kvišku ter pripeljal vjetnike, in dal je dar ljudém."
9 Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?
(Tisto pa: "šel je kvišku", kaj je druzega, nego da je tudi šel prej dol v spodnje dele zemlje?
10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.
On, ki je šel dol, je tisti, ki je šel tudi gor nad vsa nebesa, da bi vse izpolnil.)
11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.
In on je dal ene za aposteljne, ene za preroke, ene za evangeliste, ene za pastirje in učenike,
12 Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,
V pripravo svetih, za delo službe, za zdelovanje telesa Kristusovega;
13 ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa.
Dokler dospemo vsi do edinosti vere in spoznanja sinú Božjega, do moža doraslega, do mere starosti polnosti Kristusove;
14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
Da ne bodemo več deca, in nas ne bode sem ter tja metala in gonila vsaka sapa nauka v zvijačnosti človeški, v prekanjenosti do zvitosti zmote;
15 Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa,
Nego da po resničnosti v ljubezni rastemo v vsem do njega, ki je glava, Kristus,
16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
Iz katerega vse telo združeno in zedinjeno po slehernem členovji podajanja, po kreposti v meri vsakega dela rast telesa vrši v izpodbujo svojo v ljubezni.
17 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.
To torej pravim in pričam v Gospodu, da ne hodite dalje, kakor tudi drugi pogani hodijo v ničemurnosti srca svojega,
18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.
Otemnjeni v razumu, odtujeni življenju Božjemu, zaradi nevednosti bivajoče v njih, zaradi otrpnenosti srca svojega;
19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan.
Kateri so otrpneni vdali se razuzdanosti v doprinašanje sleherne nečistosti v lakomnosti.
20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,
Vi pa se niste tako učil Kristusa,
21 hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto.
Ako ste ga slišali in ste bili poučeni v njem, kakor je resnica v Jezusu;
22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada;
Da slečete, po prejnšjem življenji, starega človeka, ki se kvari po sljah prevare;
23 oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna,
In se ponovite po duhu srca svojega,
24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
In oblečete novega človeka, vstvarjenega po Bogu, v pravičnosti in svetosti resnice.
25 Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa.
Zato iznebivši se laži govorite resnico vsak z bližnjim svojim, ker smo udje med seboj;
26 Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan.
"Jezite se, in ne grešite!" Solnce naj ne zaide nad jezo vašo,
27 Ibliiskana meel ha siinina.
In ne dajajte prostora hudiču.
28 Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan.
Kdor krade, ne kradi več, temuč trúdi se, delajoč dobro z rokami, da ima kaj podeliti potrebnemu.
29 Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla.
Nobena gnjila beseda ne izidi iz vaših ust, nego če je katera dobra za izpodbujo po potrebi, da dá milost poslušajočim.
30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada.
In ne žalite svetega Duha Božjega, v katerem ste zapečateni za rešenja dan.
31 Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;
Vsaka bridkost in srd in jeza in vpitje in preklinjanje izgini od vas z vso hudobijo;
32 oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.
Bodite pa med seboj blagi, usmiljeni, odpuščajoč si, kakor je tudi Bog v Kristusu vam odpustil.