< Efesos 3 >
1 Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin.
Через це я, Павло, є в'я́зень Ісуса Христа за вас, поган, —
2 Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,
якщо ви тільки чули про заря́дження Божої благодаті, що для вас мені да́на.
3 iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.
Бо мені об'я́вленням дано пізнати таємницю, як писав я вам коротко вище,
4 Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa,
з чого можете ви, читаючи, пізнати моє розумі́ння таємни́ці Христової.
5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.
А вона за інших поколінь не була оголошена лю́дським сина́м, як об'явилась тепер через Духа Його святим апо́столам і пророкам, —
6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
що погани співспадкоємці, і одне тіло, і співучасники Його обі́тниці в Христі́ Ісусі через Єва́нгелію,
7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.
якій служи́телем я став через дар благода́ті Божої, що дана мені чином сили Його.
8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
Мені, найменшому від усіх святих, да́на була оця благода́ть, — благовісти́ти поганам недосліджене багатство Христове,
9 iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. (aiōn )
та ви́світлити, що́ то є заря́дження таємни́ці, яка від віків захована в Бозі, Який створив усе, (aiōn )
10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
щоб тепер через Церкву була оголошена початкам та владам на небі найрізніша мудрість Божа,
11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix, (aiōn )
за відвічної постанови, яку Він учинив у Христі Ісусі, Господі нашім, (aiōn )
12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.
в Якім маємо відвагу та доступ у надії через віру в Нього.
13 Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.
Тому́ то благаю я вас не занепада́ти духом через терпіння моє через вас, бо воно — ваша слава.
14 Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa,
Для того схиляю коліна свої перед Отцем,
15 kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
що від Нього має йме́ння кожен рід на небі й на землі, —
16 in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
щоб Він дав вам за багатством слави Своєї силою зміцни́тися через Духа Його в чоловікові вну́трішнім,
17 iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka,
щоб Христос через віру заме́шкав у ваших серця́х, щоб ви, закорі́нені й основані в любові,
18 inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,
змогли зрозуміти зо всіма́ святими, що́ то ширина́ й довжина́, і глибина́ й вишина́,
19 iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
і пізнати Христову любов, яка перевищує знання́, щоб були ви напо́внені всякою повното́ю Божою.
20 Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
А Тому́, Хто може зробити значно більш над усе, чого просимо або ду́маємо, силою, що діє в нас,
21 isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin. (aiōn )
Тому слава в Церкві та в Христі Ісусі на всі покоління на вічні віки. Амі́нь. (aiōn )