< Efesos 3 >
1 Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin.
Kwa sababu ya hii mimi, Paulo, ni mfungwa wa Yesu Kristo kwa ajili yenu Mataifa.
2 Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,
Na amini ya kwamba mmesikia juu ya kazi ya neema ya Mungu aliyo nipa kwa ajili yenu.
3 iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.
Nawaandikieni kutokana na jinsi ufunuo ulivyo funuliwa kwangu. Huu ni ukweli uliyofichika ambao niliandika kwa kifupi kwenye barua nyingine.
4 Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa,
Usomapo kuhusu haya, utaweza kutambua busara yangu katika ukweli huu uliofichika kuhusu Kristo.
5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.
Kwa vizazi vingine ukweli huu haukufanywa utambulike kwa wana wa watu. Ila kwa sasa umewekwa wazi kwa Roho kwa Mitume waliotengwa na Manabii.
6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
Ukweli huu uliofichika ni kwamba watu wa Mataifa ni washiriki wenzetu na wajumbe wenzetu wa mwili. Niwashiriki pamoja na ahadi ya Kristo Yesu kupitia injili.
7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.
Na kwa hili nimefanyika mtumishi kwa zawadi ya neema ya Mungu iliyotolewa kwangu kupitia utendaji wa nguvu yake.
8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
Mungu alitoa zawadi hii kwangu, japo kuwa mimi ni mtu mdogo wa wote katika wale waliotengwa kwa ajili ya Mungu. Zawadi hii ni kwamba inanipasa kuwatangazia mataifa injili yenye utajiri usiochunguzika wa Kristo.
9 iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. (aiōn )
inanipasa kuwaangazia watu wote juu ya nini ni mpango wa Mungu wa siri. Huu ni mpango ambao ulikuwa umefichwa kwa miaka mingi iliyopita, na Mungu ambaye aliviumba vitu vyote. (aiōn )
10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
Hii ilikuwa kwamba, kupitia Kanisa, watawala na mamlaka katika sehemu za mbingu wapate kujua pande nyingi za asili ya hekima ya Mungu.
11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix, (aiōn )
Haya yangetokea kupitia mpango wa milele ambao aliukamilisha ndani ya Kristo Yesu Bwana wetu. (aiōn )
12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.
Kwa kuwa katika Kristo tuna ujasiri na uwezo wa kuingia kwa ujasiri kwa sababu ya imani yetu kwake.
13 Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.
Kwa hiyo nawaomba msikate tamaa kwasababu ya mateso yangu kwa ajili yenu. Haya ni utukufu wenu.
14 Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa,
Kwa sababu hii napiga magoti kwa Baba.
15 kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
ambaye kwa yeye kila familia mbinguni na juu ya nchi imeitwa jina.
16 in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
Ninaomba kwamba apate kuwanemesha, kutokana na utajiri wa utukufu wake, awafanye imara kwa nguvu kupitia Roho wake, ambaye yu ndani yenu.
17 iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka,
Ninaomba kwamba Kristo aishi ndani ya mioyo yenu kupitia imani.
18 inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,
Ninaomba kwamba muwe na shina na msingi wa upendo wake. Muwe katika pendo lake ili muweze kuelewa, pamoja na wote waaminio, jinsi upana, na urefu na kimo na kina cha upendo wa Kristo.
19 iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
Ninaomba Kwamba mjue ukuu wa upendo wa Kristo, ambao unazidi ufahamu. Mfanye haya ili mjazwe na ukamilifu wote wa Mungu.
20 Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
Na sasa kwake yeye awezaye kufanya kila jambo, zaidi ya yote tuyaombayo au tuyawazayo, kupitia nguvu yake itendayo kazi ndani yetu,
21 isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin. (aiōn )
kwake yeye kuwe utukufu ndani ya kanisa na katika Kristo Yesu kwa vizazi vyote milele na milele. Amina. (aiōn )