< Efesos 2 >
1 Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,
Kaj vin li vivigis, kiam vi estis malvivaj per eraroj kaj pekoj,
2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. (aiōn )
en kiuj vi iam iradis laŭ la vojo de ĉi tiu mondo, laŭ la estro de la potenco de la aero, de la spirito, kiu nun energias en la filoj de malobeo; (aiōn )
3 Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.
inter kiuj ni ĉiuj iam ankaŭ vivis, plenumante la dezirojn de nia karno, farante la volojn de la karno kaj de la menso, kaj ni estis laŭ naturo infanoj de kolerego, kiel ankaŭ la aliaj.
4 Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn,
Sed Dio, estante riĉa en kompateco, pro Sia granda amo, per kiu Li amis nin,
5 oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen.
eĉ kiam ni estis malvivaj en niaj eraroj, nin vivigis en Kristo (per graco vi saviĝis),
6 Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix,
kaj nin levis, kaj nin kunsidigis en la ĉielejoj en Kristo Jesuo;
7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. (aiōn )
por montri en la mondaĝoj estontaj la superabundan riĉecon de Sia graco en korfavoro al ni en Kristo Jesuo: (aiōn )
8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,
ĉar per graco vi saviĝis per fido; ne per vi mem: ĝi estas dono de Dio;
9 laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.
ne el faroj, por ke neniu fanfaronu.
10 Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.
Ĉar ni estas Lia faritaĵo, kreitaj en Kristo Jesuo por bonaj faroj, kiujn antaŭaranĝis Dio, por ke ni iradu en ili.
11 Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab.
Kaj pro tio rememoru, ke iam vi, nacianoj laŭ la karno, nomataj la Necirkumcido ĉe la tiel nomata Cirkumcido, mane farita sur la karno —
12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.
ke vi estis tiam sen Kristo, fremdigitaj for de la komunumo de Izrael, kaj eksteruloj de la interligoj de la promeso, esperon ne havantaj kaj sen Dio en la mondo.
13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa.
Sed nun en Kristo Jesuo vi, iam malproksimaj, proksimiĝis en la sango de Kristo.
14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe,
Ĉar nia paco estas li, kiu unuigis ambaŭ kaj rompis la intermuron de disigo,
15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya,
en sia karno neniiginte la malamon, la leĝon de ordonoj en dekretoj; por krei en si el la du unu novan homon, tiel farante pacon;
16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada.
kaj por kunakordigi ambaŭ en unu korpo al Dio per la kruco, mortiginte per tio la malamon;
17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey,
kaj li venis kaj predikis pacon al vi malproksimaj kaj al la proksimaj;
18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha.
ĉar per li ni ambaŭ havas en unu Spirito alkondukon al la Patro.
19 Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah,
Sekve vi jam estas ne fremduloj kaj pasloĝantoj, sed samregnanoj kun la sanktuloj, kaj el la domanaro de Dio,
20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
konstruitaj sur la fundamento de la apostoloj kaj profetoj, kies bazangula ŝtono estas Kristo Jesuo mem;
21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah.
en kiu ĉiu aparta konstruaĵo, bone kunigita, kreske fariĝas sankta templo en Kristo;
22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
en kiu vi ankaŭ estas kunkonstruitaj por sanktejo de Dio en la Spirito.