< Efesos 1 >

1 Anigoo Bawlos ah, oo rasuul u ah Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, waxaan warqaddan u qorayaa quduusiinta Efesos joogta iyo kuwa aaminka ah oo Ciise Masiix ku jira.
پولس به اراده خدا رسول عیسی مسیح، به مقدسینی که در افسس می‌باشند وایمانداران در مسیح عیسی.۱
2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
فیض و سلامتی از جانب پدر ما خدا وعیسی مسیح خداوند بر شما باد.۲
3 Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
متبارک باد خدا و پدر خداوند ما عیسی مسیح که ما را مبارک ساخت به هر برکت روحانی در جایهای آسمانی در مسیح.۳
4 xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu quduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel,
چنانکه ما راپیش از بنیاد عالم در او برگزید تا در حضور او درمحبت مقدس و بی‌عیب باشیم.۴
5 oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay,
که ما را از قبل تعیین نمود تا او را پسر خوانده شویم بوساطت عیسی مسیح برحسب خشنودی اراده خود،۵
6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
برای ستایش جلال فیض خود که ما را به آن مستفیض گردانید در آن حبیب.۶
7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.
که در وی به‌سبب خون او فدیه یعنی آمرزش گناهان را به اندازه دولت فیض او یافته‌ایم.۷
8 Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
که آن را به ما به فراوانی عطا فرمود در حکمت و فطانت.۸
9 oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray
چونکه سر اراده خود را به ما شناسانید، برحسب خشنودی خود که در خود عزم نموده بود،۹
10 oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.
برای انتظام کمال زمانها تا همه‌چیز را خواه آنچه در آسمان و خواه آنچه بر زمین است، درمسیح جمع کند، یعنی در او.۱۰
11 Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,
که ما نیز در وی میراث او شده‌ایم، چنانکه پیش معین گشتیم برحسب قصد او. که همه‌چیزها را موافق رای اراده خود می‌کند.۱۱
12 in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa.
تا از ما که اول امیدوار به مسیح می‌بودیم، جلال او ستوده شود.۱۲
13 Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday,
و دروی شما نیز چون کلام راستی، یعنی بشارت نجات خود را شنیدید، در وی چون ایمان آوردید، از روح قدوس وعده مختوم شدید.۱۳
14 oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
که بیعانه میراث ما است برای فدای آن ملک خاص او تا جلال او ستوده شود.۱۴
15 Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed
بنابراین، من نیز چون خبر ایمان شما را درعیسی خداوند ومحبت شما را با همه مقدسین شنیدم،۱۵
16 ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,
باز نمی ایستم از شکر نمودن برای شما و از یاد آوردن شما در دعاهای خود،۱۶
17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
تاخدای خداوند ما عیسی مسیح که پدر ذوالجلال است، روح حکمت و کشف را در معرفت خود به شما عطا فرماید.۱۷
18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,
تا چشمان دل شما روشن گشته، بدانید که امید دعوت او چیست و کدام است دولت جلال میراث او در مقدسین،۱۸
19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
و چه مقدار است عظمت بینهایت قوت او نسبت به مامومنین برحسب عمل توانایی قوت او۱۹
20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.
که درمسیح عمل کرد چون او را از مردگان برخیزانید وبه‌دست راست خود در جایهای آسمانی نشانید،۲۰
21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. (aiōn g165)
بالاتر از هر ریاست و قدرت و قوت و سلطنت و هر نامی که خوانده می‌شود، نه در این عالم فقطبلکه در عالم آینده نیز. (aiōn g165)۲۱
22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda,
و همه‌چیز را زیر پایهای او نهاد و او را سرهمه‌چیز به کلیسا داد،۲۲
23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
که بدن اوست یعنی پری او که همه را در همه پر می‌سازد.۲۳

< Efesos 1 >