< Wacdiyahii 3 >

1 Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an.
天が下の萬の事には期あり 萬の事務には時あり
2 Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhti la dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii la beeray la gurto;
生るるに時あり死るに時あり 植るに時あり植たる者を抜に時あり
3 wakhti wax la dilo, iyo wakhti wax la bogsiiyo; wakhti wax la dumiyo, iyo wakhti wax la dhiso;
殺すに時あり醫すに時あり 毀つに時あり建るに時あり
4 wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro;
泣に時あり笑ふに時あり 悲むに時あり躍るに時あり
5 wakhti dhagaxyo la xooro, iyo wakhti dhagaxyo la soo ururiyo; wakhti laysku duubo, iyo wakhti iskuduubidda la daayo;
石を擲つに時あり石を斂むるに時あり 懐くに時あり懐くことをせざるに時あり
6 wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro;
得に時あり失ふに時あり 保つに時あり棄るに時あり
7 wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo;
裂に時あり縫に時あり 默すに時あり語るに時あり
8 wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed.
愛しむに時あり惡むに時あり 戰ふに時あり和ぐに時あり
9 Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?
働く者はその勞して爲ところよりして何の益を得んや
10 Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.
我神が世の人にさづけて身をこれに勞せしめたまふところの事件を視たり
11 Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.
神の爲したまふところは皆その時に適ひて美麗しかり 神はまた人の心に永遠をおもふの思念を賦けたまへり 然ば人は神のなしたまふ作爲を始より終まで知明むることを得ざるなり
12 Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.
我知る人の中にはその世にある時に快樂をなし善をおこなふより外に善事はあらず
13 Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan.
また人はみな食飮をなしその勞苦によりて逸樂を得べきなり 是すなはち神の賜物たり
14 Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.
我知る凡て神のなしたまふ事は限なく存せん 是は加ふべき所なく是は減すべきところ無し 神の之をなしたまふは人をしてその前に畏れしめんがためなり
15 Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.
昔ありたる者は今もあり 後にあらん者は旣にありし者なり 神はその遂やられし者を索めたまふ
16 Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.
我また日の下を見るに審判をおこなふ所に邪曲なる事あり 公義を行ふところに邪曲なる事あり
17 Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.
我すなはち心に謂けらく神は義者と惡者とを鞫きたまはん 彼處において萬の事と萬の所爲に時あるなり
18 Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.
我また心に謂けらく是事あるは是世の人のためなり 即ち神は斯世の人を撿して之にその獣のごとくなることを自ら暁らしめ給ふなり
19 Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.
世の人に臨むところの事はまた獣にも臨む この二者に臨むところの事は同一にして是も死ば彼も死るなり 皆同一の呼吸に依れり 人は獣にまさる所なし皆空なり
20 Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.
皆一の所に往く 皆塵より出で皆塵にかへるなり
21 Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?
誰か人の魂の上に昇り獣の魂の地にくだることを知ん
22 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?
然ば人はその動作によりて逸樂をなすに如はなし 是その分なればなり 我これを見る その身の後の事は誰かこれを携へゆきて見さしむる者あらんや

< Wacdiyahii 3 >