< Wacdiyahii 2 >

1 Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne.
Nikasema moyoni, “Njoo, na nitakujaribu kwa kwa furaha. Kwa hiyo furahia.” Lakini tazama, huu nao ulikuwa ni upepo wa muda.
2 Qosol waxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Bal maxay taraysaa?
Nikasema juu ya kicheko, “Ni wazimu,” na kuhusu furaha, “Yafaa nini?”
3 Waxaan qalbigayga ka damcay inaan jidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmad igu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraan arko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigooda oo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan.
Nikajipeleleza moyoni mwangu katika jinsi ya kutimiza hamu yangu kwa mvinyo. Nikaruhusu akili yangu iongozwe na hekima ingawa bado nilikuwa nikishikilia ujinga. Nilitaka kutafuta jambo lililo jema kwa wanadamu kufanya chini ya mbingu wakati wa siku za maisha yao.
4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay.
Nilitimiza mambo makubwa. Nilijenga nyumba kwa ajili yangu na kupanda miti ya mizabibu.
5 Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh.
Nilitengeneza bustani na viwanja; nikapanda aina zote za matunda ndani yake.
6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo.
Nikatengeneza mabwawa ya maji ili kumwagilia msitu mahali miti ilikuwa imepandwa.
7 Waxaan soo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaan lahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaan lahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waan ka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan.
Nilinunua watumwa wa kiume na wa kiume; nilikuwa na watumwa waliozaliwa katika ikulu yangu. Pia nikawa na makundi makubwa na wanyama wa kufugwa, zaidi ya mfalme yeyote aliyetawala kabla yangu katika Yerusalemu.
8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan.
Pia nilijikusanyia fedha na dhahabu, hazina ya wafalme na majimbo. Nikapata waimbaji wanaume na wanawake kwa ajili yangu, na kufurahia kutoka kwa wana wa wanadamu, masulia na wanawake.
9 Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay.
Hivyo nikawa mkuu na tajiri kuliko wote waliokuwa Yerusalemu kabla yangu, na hekima yangu ilikuwa ndani yangu.
10 Oo wax kasta oo indhahaygu jeclaysteenna kama aan celin, oo qalbigaygana kama aan joojin farxad cayn kastoo ay tahayba, waayo, qalbigaygu wuu ku reyreeyey hawshaydii oo dhan, oo taasuna waxay ahayd qaybtii aan hawshaydii oo dhan ka helay.
Lolote ambalo macho yangu yalikitamani sikuyazuia. Sikuuzuia moyo wangu katika furaha yeyote, kwa sababu moyo wangu ulifurahi katika katka kazi yangu zote na furaha ilikuwa ni tunu kwa kazi zangu zote.
11 Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.
Kisha nikatazama matendo yote ambayo mikono yangu iliyokwisha kuyatimiliza na juu ya kazi niliyokuwa nimeifanya, lakini tena, kila kitu kilikuwa ni mvuke na kujaribu kuuchunga upepo. Hakukuwa na faida chini ya jua.
12 Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane?
Kisha nikageuka kuipambanua hekima, na upumbavu na ujinga. Kwa maana ni kitu gani mfalme anayekuja baada yangu afanye, ambacho hakijafanyika?
13 Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale.
Kisha nikaanza kuelewa kwamba hekima ina faida kuliko upumbavu, kama nuru ilivyo bora kuliko giza.
14 Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco.
Mwenye hekima hutumia macho yake katika kichwa chake kuona mahali anakoenda, lakini mpumbavu hutembea katika giza, ingawa ninafahamu kuwa mwisho wa aina moja umetunzwa kwa kila mmoja.
15 Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Kisha nikasema moyoni mwangu, “Kinachotokea kwa mpumbavu, ndicho kitachotokea na kwangu. Hivyo kuna utofauti gani kama mimi ni mwenye hekima sana?” Nikahitimisha moyoni mwangu, “Huu pia ni mvuke tu.”
16 Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!
Kwa kuwa mwenye hekima, kama mpumbavu, hakumbukwi kwa muda mrefu. Katika siku zijazo, kila kitu kitakuwa kimesahauliwa. Mwenye hekima hufa kama navyokufa mpumbavu.
17 Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.
Hivyo nikauchukia uhai kwa sababu kazi zote zilizofanyika chini ya jua zilikuwa mbaya kwangu. Hii ni kwa sababu kila kitu ni mvuke na kujaribu kuuchunga upepo.
18 Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya.
Nikachukia yote niliyoyatimiza, ambayo nilikuwa nimekwisha yafanya chini ya jua kwa sababu ni lazima niyaache kwa mtu anaye kuja baada yangu.
19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Na ni nani ajuaye kama atakuwa mwenye hekima au mpumbavu? Ila atakuwa msimamizi juu ya kila kitu chini ya jua ambayo kazi yangu na hekima yangu imeyajenga. Huu pia ni mvuke.
20 Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.
Kwa hiyo moyo wangu ukaanza kukata tamaa juu ya kazi zote nilizozifanya chini ya jua.
21 Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.
Kwa kuwa kunaweza kuwa na mtu anayefanya kazi kwa hekima, ufahamu, na umahili, lakini ataacha kila kitu alichonacho kwa mtu ambaye hajafanya chochote. Huu nao ni mvuke na hatari kubwa.
22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?
Kwa maana ni faida gani mtu hupata ambaye hufanya kazi kwa juhudi na kujaribu moyoni mwake kutimiza kazi zake chini ya jua?
23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Kila siku kazi yake ni maumivu na masikitiko, hivyo wakati wa usiku roho yake haipumziki. Huu pia ni mvuke.
24 Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.
Hakuna jambo jema kwa mtu yeyote zaidi ya kula na kunywa na kuridhika na kile kilichochema katika kazi yake. Nikaona kwamba ukweli huu unatoka kutoka mkononi mwa Mungu.
25 Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?
Kwa kuwa ni nani anaweza kula au anaweza kupata furaha yoyote tofauti na Mungu?
26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
Kwa kuwa kwa kila anayemfurahisha yeye, Mungu humpa hekimana ufahamu ba furaha. Ingawa, kwa mwenye dhambi humpa kazi ya kukusanya na kutunza ili kwamba ampe mtu anayempendeza Mungu. Huu pia ni sawa na mvuke na kujaribu kuuchunga upepo.

< Wacdiyahii 2 >