< Wacdiyahii 11 >
1 Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.
Ponya chakudya chako pa madzi, udzachipezanso patapita masiku ambiri.
2 Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.
Ndalama zako uzisungitse kwa anthu asanu ndi awiri, inde kwa anthu asanu ndi atatu, pakuti sudziwa ndi tsoka lanji limene likubwera pa dziko.
3 Haddii daruuruhu roob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddii geed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco, meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa.
Ngati mitambo yadzaza ndi madzi, imagwetsa mvula pa dziko lapansi. Mtengo ukagwera cha kummwera kapena cha kumpoto, ndiye kuti udzagonera kumene wagwerako.
4 Kii dabaysha eegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruuraha fiiriyaana waxba ma goosan doono.
Amene amayangʼana mphepo sadzadzala; amene amayangʼana mitambo sadzakolola.
5 Sida aadan dabaysha jidkeeda u garanayn, ama aadan sida lafuhu ugu dhex samaysmaan naag uur leh maxalkeed u garanayn, saas oo kale ayaadan shuqulka Ilaaha wax walba sameeya u garanayn.
Momwe sudziwira mayendedwe a mphepo, kapena momwe mzimu umalowera mʼthupi la mwana mʼmimba mwa amayi, momwemonso sungathe kudziwa ntchito za Mulungu, Mlengi wa zinthu zonse.
6 Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.
Dzala mbewu zako mmawa ndipo madzulo usamangoti manja lobodo, pakuti sudziwa chimene chidzapindula, mwina ichi kapena icho, kapena mwina zonse ziwiri zidzachita bwino.
7 Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.
Kuwala nʼkwabwino, ndipo maso amasangalala kuona dzuwa.
8 Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.
Munthu akakhala wa zaka zambiri, mulekeni akondwerere zaka zonsezo, koma iye azikumbukira masiku a mdima, pakuti adzakhala ochuluka. Chilichonse chimene chikubwera ndi chopanda phindu.
9 Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono.
Kondwera mnyamata iwe, pamene ukanali wamngʼono, ndipo mtima wako usangalale pa nthawi ya unyamata wako. Tsatira zimene mtima wako ukufuna, ndiponso zimene maso ako akuona, koma dziwa kuti pa zinthu zonsezo Mulungu adzakuweruza.
10 Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.
Choncho uchotse zokusautsa mu mtima mwako, upewe zokupweteka mʼthupi mwako, pakuti unyamata ndi ubwana ndi zopandapake.