< Wacdiyahii 10 >

1 Diqsiyadii dhintay saliidda cadarsameeyaha way qudhmiyaan, oo nacasnimadii yaruna saasoo kalay kan xigmadda loo sharfo u bi'isaa.
Dead flies cause the oil of the perfumer to send forth an evil odor, so a little folly outweighs wisdom and honor.
2 Ninkii xigmad leh qalbigiisu xagga midigtuu u jeedaa, laakiinse nacaska qalbigiisu xagga bidixduu u jeedaa.
A wise man's heart is at his right hand, but a fool's heart at his left.
3 Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.
Yea also, when the fool walks by the way, his understanding fails him, and he says to everyone that he is a fool.
4 Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.
If the spirit of the ruler rises up against thee, leave not thy place, for deference allays great offenses.
5 Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.
There is an evil which I have seen under the sun, as it were an error which proceeds from the ruler:
6 Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.
Folly is set in great dignity, and the rich sit in a low place.
7 Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.
I have seen servants upon horses, and rulers walking like servants upon the earth.
8 Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta.
He who digs a pit shall fall into it, and he who breaks through a wall, a serpent shall bite him.
9 Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu ku dhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatar ku geli doona.
He who hews out stones shall be hurt therewith, and he who splits wood is endangered thereby.
10 Haddii birtu af beesho, oo aan la soofayn, waa in xoog badan lagu sii kordhiyaa, laakiinse xigmaddu faa'iido bay leedahay si loogu liibaano.
If the iron be blunt, and he does not whet the edge, then he must increase strength. But wisdom is advantageous to make right.
11 Haddii abeeso wax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib falfalowgu waxtar ma leh.
If the serpent bites before it is charmed, then is there no advantage in the charmer.
12 Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.
The words of a wise man's mouth are gracious, but the lips of a fool will swallow himself up.
13 Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.
The beginning of the words of his mouth is foolishness, and the end of his talk is mischievous madness.
14 Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?
A fool also multiplies words; yet man knows not what shall be, and that which shall be after him, who can tell him?
15 Nacasyada hawshoodu midkood kastaba way daalisaa, maxaa yeelay, isagu xataa sida magaalada loo tago ma yaqaan.
The labor of fools wearies every one of them, for he knows not how to go to the city.
16 Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmo yar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan!
Woe to thee, O land, when thy king is a child, and thy rulers feast in the morning!
17 Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!
Happy are thou, O land, when thy king is the son of noble men, and thy rulers feast in due season, for strength, and not for drunkenness!
18 Caajisnimo badan saqafku waa ku dumaa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.
By slothfulness the roof sinks in, and through idleness of the hands the house leaks.
19 Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamriguna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba way ka jawaabtaa.
A feast is made for laughter, and wine makes glad the life, and money answers all things.
20 Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.
Revile not the king, no, not in thy thought, and revile not the rich in thy bedchamber. For a bird of the heavens shall carry the voice, and that which has wings shall tell the matter.

< Wacdiyahii 10 >