< Sharciga Kunoqoshadiisa 1 >

1 Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.
Haya ni maneno ambayo Musa aliyasema kwa Israeli wote ng'ambo ya jangwa la Yordani, katika tambarare ya mto wa Yordani juu ya Suph, katikati mwa Paran, Topheli, Laban, Hazeroth, na Di Zahab.
2 Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.
Ni safari ya siku kumi na moja toka Horabu kupitia njia ya mlima wa Seir kwenda Kadeshi Barnea.
3 Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.
Ilitokea kwenye mwaka wa nne, mwezi wa kumi na moja, siku ya kwanza ya mwezi, Musa alizungumza kwa watu wa Israeli, kuambia yote yale Yahwe aliyomwamuru kuhusu wao.
4 Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.
Hii ilikuwa baada ya Yahwe kumvamia Sihoni mfalme wa Amoria, ambaye aliishi huko Heshboni, na Ogi mfalme wa Bashani, ambaye aliishi huko Ashtarothi ya Edrei.
5 Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,
Ng'ambo ya Yordani, katika nchi ya Moabu, Musa alianza kutangaza maelekezo haya, akisema,
6 Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,
“Yahwe Mungu wetu alisema nasi huko Horebu, akisema, umeishi vya kutosha katika milima ya nchi hii.
7 haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.
Geuka na uanze safari yako, na uende kwenye nchi ya milima ya Amorites, na kwenye maeneo yote karibu na tambarare ya mto Yordani, katika nchi ya milima, na nyanda za chini, huko Negev, na pwani - nchi ya Wakanani na huko Lebanoni mbali ya mto mkuu wa Euphratesi.
8 Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
Tazama, nimetenga nchi kwa ajili yako, nenda ndani na umiliki nchi ambayo Yahwe aliapa kwa baba zako, Ibrahimu, Isaka na Yakobo, kuwapa na uzao wao baada yao.
9 Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.
Nilisema nawe kwa wakati huo, nikisema, siwezi nikakubeba peke yangu,
10 Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
Yahwe Mungu wako amekuzidisha, na tazama, leo umekuwa umati wa nyota angani.
11 Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!
Yahwe aweza, Mungu wa baba zako, kukufanya wewe mara elfu moja zaidi ya ulivyo, na kukubariki, kama alivyokuahidi!
12 Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?
Lakini inawezekanaje mimi peke yangu kubeba shehena zako, mizigo yako, na migogoro yako?
13 Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.
Chukua wanaume wa hekima, wanaume waelewa, na wanaume walio na sifa nzuri toka kila kabila, nitawafaya kuwa vichwa juu yenu.
14 Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.
Mlinijibu na kusema, 'Jambo ulilolisema ni zuri kwetu kufanya.'
15 Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.
Kwa hiyo nilichukua vichwa vya makabila yenu, wanaume wa hekima, na wanaume wenye sifa nzuri, na nikawafanya kuwa vichwa juu yenu, jemedari kwa elfu, jemedari kwa hamsini, jemedari kwa kumi, na maakida, kabila kwa kabila.
16 Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.
Niliwaamuru waamuzi wenu kwa wakati huo, kusema, 'Zikiliza mabishano kati ya ndugu zenu, na muhukumu ya haki kati ya ndugu na ndugu zake, na mgeni aliye pamoja naye.
17 Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.
Hamtaonesha upendeleo kwa yeyote katika mgogoro, mtasikia madogo na makubwa pia. Hamtaogopa uso wa mtu, kwa kuwa hukumu ni ya Mungu. Migogoro iliyo migumu kwenu, mtaniletea mimi, na mimi nitaisikiliza.
18 Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.
Niliwaamuru kwa wakati huo mambo yote mtakayofanya.
19 Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.
Tulisafiri toka Horebu na kwenda kupitia jangwa lile kubwa lote na lenye kutisha lile mliloliona, katika njia yetu kuelekea nchi ya milima huko Amorites, kama Yahwe Mungu wetu alivyotuamuru sisi, na tukaja Kadeshi ya Barnea.
20 Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
Niliwambia, mmekuja kwenye nchi ya milima ya Amorites, ambayo Yahwe Mungu wetu anatupa sisi.
21 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.
Tazama, Yahwe Mungu wenu amekwisha weka nchi mbele yenu; nenda juu, muimiliki, kama Yahwe, Mungu wa baba zenu, amekwisha zungumza nanyi, msiogope wala kukata tamaa.
22 Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.
Kila moja wenu alikuja kwangu na kusema, 'Basi tutume watu mbele yetu, ili kwamba waweze kupepeleza nchi kwa ajili yetu, na kutuletea sisi neno kuhusiana na njia ya wapi tuvamie, na kuhusiana na miji tutakayoingia.
23 Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.
Shauri hilo lilinibariki mimi, 'Nilichukua watu kumi na mbili kutoka kwenu, mtu moja kwa kila kabila.
24 Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.
Waligeuka na kwenda juu ya nchi ya milima, kufika kwenye bonde la Eshcol na kufanya upepelezi wa kina.
25 Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
Walichukua baadhi ya mazao ya ardhi mikononi mwao na kuleta kwetu, Pia walileta neno na kusema, 'Ni nchi nzuri ambayo Yahweh Mungu wetu anatupa sisi'
26 Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
Bado mlikataa kushambulia, lakini mliasi dhidi ya amri ya Yahwe Mungu wenu.
27 Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.
Mlilalamika katika mahema yenu na kusema, “Ni kwa sababu Yahwe alituchukia sisi kwa kuwa ametutoa katika nchi ya Misri, kuteweka katika mikono ya Amorites kutuangamiza.
28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.
Tuende wapi sasa? Ndugu zetu wamefanya mioyo yetu kuyeyuka, kusema, Hao watu ni wakubwa na warefu zaidi yetu, miji yao ni mikubwa na imeimarishwa kwenda mbinguni; zaidi ya yote, tumewaona wana wa Anakim huko”
29 Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.
Kisha nikasema nao, msitishwe wala msiwaogope.
30 Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,
Yahwe Mungu wenu, ambaye aenda mbele yenu, atawapigania, kama yote aliyofanya kwa ajili yenu huko Misri mbele ya macho yenu,
31 iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.
na pia katika jangwa, ambapo mmekwisha muona Yahwe Mungu wenu jinsi alivyowabeba, kama mtu abebavyo mtoto wake, kokote mlikoenda mpaka kufika hapa.'
32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah
Bado licha ya neno hili hakumwamini Yahwe Mungu wenu,
33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
aliyeenda mbele yenu kwenye njia kutafuta eneo kwa ajili yenu kuweka kambi, katika moto kwa usiku, katika mawingu kwa mchana.
34 Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,
Yahwe alisikia sauti ya maneno yenu na alikasirika; aliapa na kusema,
35 Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,
Hakika hakuna mmoja ya hawa watu wa kizazi hiki kiovu wataona nchi nzuri ambayo niliapa kuwapa babu zao,
36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.
kasoro Kalebu mwana wa Jephuneeh; yeye ataiona. Yeye nitampa nchi ambayo amekwisha kuikanyanga, na watoto wake, kwa sababu alimfuata Yahwe kwa ukamilifu.'
37 Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.
Pia Yahweh alinikasirikia mimi kwa sababu yenu, kusema, 'Wewe pia hautaingia huko,
38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.
Yoshua mwana wa Nuh, ambaye amesimama mbele yako, yeye ataingia, mtie moyo, kwani yeye atawaongoza Israeli kuimiliki.
39 Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.
Zaidi ya yote, watoto wenu wadogo, ambao mlisema watakuwa waathirika, ambao leo hawana elimu ya uzuri au ubaya-wataenda ndani huko. Wao nitawapa nchi hiyo, na wataimiliki.
40 Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.
Lakini ninyi, geuka na muuanza safari kwenda jangwani kwa kuambaa njia ya bahari ya mianzi'.
41 Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.
Kisha mlinijibu na kusema kwangu, 'Tumetenda dhambi dhidi ya Yahwe, tutaenda juu na kupigana, tutafuata yote ambayo Yahwe Mungu wetu ametuamuru sisi kufanya'. Kila mtu miongoni mwenu aliweka silaha za vita, na mlikuwa tayari kuvamia nchi ya milima.
42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.
Yahwe alisema nami, 'Waambie, msivamie na kupigana, kwa kuwa sitakuwa pamoja nanyi, na mtashindwa na adui zenu'.
43 Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
Nilizungumza nanyi kwa njia hii, lakini hamkunisikiliza, Mliasi dhidi ya amri ya Yahwe, mlikuwa wenye kiburi na mlivamia nchi ya milima.
44 Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.
Lakini Amorites, ambayo waliishi katika nchi hiyo ya milima, walitoka dhidi yenu na kuwafukuza kama nyuki, na kuwapiga chini huko Seir, mbali kama Hormah.
45 Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.
Mlirudi na kulia mbele ya Yahwe; lakini Yahwe hakusikiliza sauti zenu, wala hakuwa makini kwenu.
46 Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.
Kwa hiyo mlibaki Kadeshi siku nyingi, siku zote mlibaki huko.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 1 >