< Sharciga Kunoqoshadiisa 8 >

1 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.
Mnapaswa kuyashika maagizo yote ninayowapa leo, ili kwamba mweze kuishi na kuongezeka, na kuingia na kuimiliki nchi ambayo Yahwe aliaapa kwa baba zenu.
2 Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.
Mtakumbuka akilini njia zote ambazo Yahwe Mungu amewaongoza miaka hii arobaini kwenye jangwa, ili kwamba apate kuwanyenyekeza, ili kwamba awajaribu kujua nini kilikuwa ndani ya mioyo yenu, kama mungeweza kuyashika maagizo yake au hapana.
3 Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.
Aliwanyenyekeza, na kuwafanya kuwa na njaa, na kuwalisha manna, ambayo hamkuijua na ambayo baba zenu hawakuijua. Alifanya hivyo kuwafanya nyie kujua si kwa mkate tu watu wanaishi, badala ni kwa chochote hutoka kwenye kinywa cha Yahwe kwamba watu wanaishi.
4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin.
Mavazi yenu hayakuchanika na kudondoka, na miguu yenu haikuvimba kipindi cha miaka hiyo arobaini.
5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
Mtatafakari katika mioyo yenu kuhusu, namna, kama mtu anavyo mwadibisha kijana wake, hivyo Yahwe Mungu wenu anawadibisha ninyi.
6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan.
Mtayashika maagizo ya Yahwe Mungu wenu, ili kwamba mweze kutembea katika njia zake na kumheshimu.
7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.
Kwa kuwa Yahwe Mungu wenu anawaleta katika nchi nzuri, nchi ya vijito vya maji, visima na chemchemi, vitiririkavyo kwenda kwenye mabonde na miongoni mwa milima,
8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,
nchi ya ngano na shayiri, mizabibu, mtini, na komamanga; nchi mizeituni na asali.
9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan.
Ni nchi ambayo mtakula mkate bila kupungukiwa, na ambapo mtaenda bila chochote; nchi ambayo mawe yametengenezwa kwa chuma, na kutokana na milima mtaweze kuchimba shaba.
10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
Mtakula na kushiba, na mtambariki Yahwe Mungu wenu kwa nchi nzuri ambayo amewapa.
11 Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo,
Iweni makini kwamba msimsahau Yahwe Mungu wenu, na kwamba msipuuzie maagizo yake, hukumu zake, na sheria zake ambazo ninakuamuru leo,
12 oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,
vinginenyo unapokula na ukashiba, na wakati unajenga nyumba nzuri na kuishi ndani zao.
13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,
Na muwe makini wakati makundi yenu na mifugo yenu ikiongezeka, na wakati wa fedha zenu na dhahabu zenu zikiongezeka, na vyote mlivyonavyo kuongezeka,
14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
basi kwamba mioyo yenu iliniuliza juu ya kumsahau Yahwe Mungu wenu-aliyewaleta kutoka nchi ya Misri, toka nyumba ya utumwa.
15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.
Usimsahau yeye aliyewaongoza kupitia jangwa kuu na la kutisha, ambako ndani yake kulikuwa na nyoka wa moto na nge, na pitia nchi yenye kiu ambako hapakuwa na maji, ambaye yeye alileta maji toka kwenye mwamba wa jiwe.
16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,
Ambaye aliwalisha kwenye jangwa kwa manna ambayo mababu zenu hawakuijua, ili kwamba awajaribu, kufanya uzuri kwenu mwishoni-
17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay.
lakini mnaweza kusema mioyoni mwenu, Nguvu yangu na mkono wangu wa uweza umepata utajiri huu wote.
18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
Lakini mtamkumbuka akilini Yahwe Mungu wenu, kwa kuwa ni yeye awapae ninyi nguvu ya kupata utajiri, ili kwamba aweze kuanzisha agano lake aliloapa kwa baba zenu, kama ilivyo leo.
19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan.
Itakuwa kwamba, kama mtamsahau Yahwe Mungu wenu na kuwaendea miungu mingine, kuibudu, na kuiheshimu, nashuhudia kinyume dhidi yenu leo kwamba mtateketea.
20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
Kama mataifa ambayo Yahwe anatengeneza kuyaangamiza mbele yenu, hivyo mtaangamia, kwa sababu hamkusikiliza sauti ya Yahwe Mungu wenu.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 8 >