< Sharciga Kunoqoshadiisa 8 >

1 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.
"Pitäkää tarkoin kaikki käskyt, jotka minä tänä päivänä sinulle annan, että eläisitte ja lisääntyisitte ja pääsisitte ottamaan omaksenne sen maan, jonka Herra valalla vannoen on luvannut teidän isillenne.
2 Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.
Ja muista kaikki, mitä on tapahtunut sillä tiellä, jota Herra, sinun Jumalasi, näinä neljänäkymmenenä vuotena on sinua kuljettanut erämaassa nöyryyttääksensä sinua ja koetellaksensa sinua ja tietääksensä, mitä sinun sydämessäsi on: tahdotko noudattaa hänen käskyjänsä vai etkö.
3 Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.
Hän nöyryytti sinua ja antoi sinun nähdä nälkää, ja hän antoi sinulle mannaa syödä, jota et ennen tuntenut ja jota eivät isäsikään tunteneet, opettaaksensa sinut ymmärtämään, että ihminen ei elä ainoastaan leivästä, vaan että hän elää jokaisesta sanasta, joka Herran suusta lähtee.
4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin.
Sinun vaatteesi eivät kuluneet yltäsi, eivätkä sinun jalkasi ajettuneet näinä neljänäkymmenenä vuotena.
5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
Tiedä siis sydämessäsi, että Herra, sinun Jumalasi, kasvattaa sinua, niinkuin isä kasvattaa poikaansa.
6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan.
Ja noudata Herran, sinun Jumalasi, käskyjä, vaella hänen teitänsä ja pelkää häntä.
7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.
Sillä Herra, sinun Jumalasi, vie sinut hyvään maahan, laaksoissa ja vuorilla vuotavien purojen, lähteiden ja syvien vesien maahan,
8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,
nisun ja ohran, viiniköynnöksen, viikunapuun ja granaattiomenapuun maahan, jalostetun öljypuun ja hunajan maahan,
9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan.
maahan, jossa sinun ei tarvitse puutteessa leipääsi syödä eikä mitään puutetta nähdä, maahan, jonka kivet ovat rautaa ja jonka vuorista voit louhia vaskea.
10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
Kun sinä syöt ja tulet ravituksi, niin ylistä Herraa, sinun Jumalaasi, siitä hyvästä maasta, jonka hän on antanut sinulle.
11 Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo,
Varo, ettet unhota Herraa, sinun Jumalaasi, ja muista noudattaa hänen käskyjänsä, oikeuksiansa ja säädöksiänsä, jotka minä tänä päivänä sinulle annan.
12 oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,
Kun sinä syöt ja tulet ravituksi, kun rakennat kauniita taloja ja asut niissä,
13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,
kun karjasi ja lampaasi lisääntyvät ja kun hopeasi ja kultasi lisääntyy ja kaikki, mitä sinulla on, lisääntyy,
14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
niin älköön sydämesi ylpistykö, äläkä unhota Herraa, sinun Jumalaasi, joka vei sinut pois Egyptin maasta, orjuuden pesästä,
15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.
kuljetti sinua suuressa ja hirmuisessa, myrkyllisten käärmeiden ja skorpionien ja kuivien, vedettömien maiden erämaassa, vuodatti sinulle vettä kovasta kalliosta
16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,
ja antoi erämaassa sinulle mannaa syödä, jota sinun isäsi eivät tunteneet-nöyryyttääksensä ja koetellaksensa sinua ja lopuksi sinulle hyvää tehdäksensä.
17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay.
Älä ajattele sydämessäsi: 'Oma voimani ja oman käteni väkevyys on hankkinut minulle tämän rikkauden',
18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
vaan muista, että Herra, sinun Jumalasi, antaa sinulle voiman hankkia rikkautta pitääkseen liittonsa, jonka hän valalla vannoen teki sinun isiesi kanssa, niinkuin tähän päivään saakka on tapahtunut.
19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan.
Mutta jos sinä unhotat Herran, sinun Jumalasi, ja seuraat muita jumalia, palvelet niitä ja kumarrat niitä, niin minä vakuutan teille tänä päivänä, että te peräti hukutte.
20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
Niinkuin ne kansat, jotka Herra hukuttaa teidän tieltänne, niin tekin hukutte, kun ette kuulleet Herraa, teidän Jumalaanne."

< Sharciga Kunoqoshadiisa 8 >