< Sharciga Kunoqoshadiisa 7 >
1 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
Wakati Yahwe Mungu wenu atuleta katika nchi ambayo mnaenda kuimiliki na kuwaondoa mataifa mengi mbele zenu- Mhiti, Mgirgashi na Mwamori, na Mkanaani, na Mperizi, Mhivi, Myebusi- mataifa saba makubwa na yenye nguvu kuliko wewe.
2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
Na wakati Yahwe Mungu wenu awapa ninyi ushindi juu yao pindi mnakutana nao katika vita, mtawashambulia, basi mnapaswa kuwateketeza kabisa. Hamtafanya agano nao, wala kuonesha huruma kwao.
3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
Wala hamtapanga ndoa zozote pamoja nao, hamtawatoa binti zenu kwa vijana wao, na hamtawachukua binti zao kwa vijana wenu.
4 Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
Kwa kuwa watawabadilisha vijana wenu kutonifuata mimi, ili kwamba waweze kuabudu miungu yao. Kwa hiyo hasira ya Yahwe itawashwa dhidi yenu na atawaangamiza haraka.
5 Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
Hivi ndivyo mtakavyo washughulikia nao; mtavunja madhabahu zao, vunja nguzo zao za mawe katika vipande, kata chini ncha za Asherahi, na kuzichoma sanamu za kutupwa.
6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
Kwa kuwa wewe ni taifa uliyetengwa kwa Yahwe Mungu wako. Amekuchagua wewe kuwa watu kwa ajili yake kumiliki, zaidi ya watu wengine wote ambao wako katika uso wa dunia.
7 Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
Yahwe hakuweka upendo wake juu yenu au kuwachagua kwa sababu mlikuwa zaidi katika idadi kuliko watu wowote, kwa kuwa mlikuwa wachache kuliko watu wote-
8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
Lakini kwa sababu anawapenda ninyi, anataka kushika kiapo alichoapa kwa baba zenu. Huyu ni Yahwe aliyewatoa kwa mkono wa uweza na kuwakomboa kutoka nyumba ya utumwa, kutoka mkono wa Farao, mfalme wa Misri.
9 Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.
Kwa hiyo tambua ya kuwa Yahwe Mungu wako-ni Mungu, Mungu mwaminifu, anayetunza maagano na uaminifu kwa vizazi elfu kwa wale wanaompenda na kuyashika maagizo yake,
10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
lakini huwalipa wale wanaomchukia kwa sura zao, kuwaangamiza, hatakuwa na huruma kwa yeyote anayemchukia; atamlipa kwa uso wake.
11 Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
Kwa hiyo utashika maagizo, amri, na sheria ninazokuamuru leo, ili kwamba uzifanye.
12 Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,
Kama mtasikiliza maagizo haya, kuyashika na kuyafanya, itakuwa Yahwe Mungu wenu atawashika pamoja na agano na uaminifu ambao aliapa kwa baba zenu.
13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
Atawapenda, atawabariki, na kuwazidisha, pia atabariki tunda la miili yenu na tunda la ardhi yenu, nafaka zenu, divai mpya, mafuta yenu, atazidisha mifugo na kundi lako la mifugo michanga, katika nchi ambayo aliapa kwa baba zenu kuwapa.
14 Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays.
Mtabarikiwa zaidi kuliko watu wengine wote; hapatakuwa na mwanaume asiyekuwa na mtoto au mwanamke tasa miongoni mwenu au miongoni mwa mifugo.
15 Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
Yahwe atawaondolea magonjwa yote; hakuna magonjwa mabaya ya Misri ambayo mnayajua yatawekwa juu yenu, Lakini atayaweka kwa wote wanaowachukia ninyi.
16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
Mtayaondoa makundi ya watu wote ambayo Yahwe Mungu wenu awapa ushindi, na jicho lenu halitawaonea huruma. Na hamtaabudu miungu yao, kwa kuwa huo utakuwa mtego kwenu.
17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
Kama mtasema kwenye mioyo, Haya mataifa ni mengi zaidi kuliko mimi; nitawezaje kuwafukuza?
18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
Usiwaogope; utakumbuka akilini Yahwe nini Mungu wenu alifanya kwa Farao na Misri yote?
19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.
Mateso makuu ambayo macho yenu yaliona, ishara, maajabu, mkono wa uweza, mkono ulionyoshwa ambao Yahwe Mungu wenu alivyowatoa. Yahwe Mungu wenu atafanya kile kile kwa watu wote ambao mnawaogopa.
20 Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
Zaidi ya yote, Yahwe Mungu wenu atatuma nyigu miongoni mwao, mpaka wale waliobaki na wale wanaojificha wenyewe mbele yenu waangamizwa mbele ya uwepo wenu.
21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
Hamtatishikeni nao, kwa kuwa Yahwe Mungu wenu yuko miongoni mwenu, Mungu mkuu na wa kuogofya.
22 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
Yahwe Mungu wenu atayaondoa mataifa mbele zenu kidogo kidogo. Hamtayashinda yote kwa wakati mmoja, au wanyama wa mwitu watakuwa wengi karibu yenu.
23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
Lakini Yahwe Mungu wenu atawapa ninyi ushindi dhidi yao wakati mkutanapo vitani; atawachanganya kwa kiasi kikubwa mpaka wameangamizwa.
24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
Atawaweka wafalme wao chini ya utawala wenu, na mtafanya jina lao kuangamia toka chini ya mbingu. Hakuna atakayeweza kusimama mbele yenu, mpaka muwaangamize.
25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
Utazichoma sanamu za kuchonga za miungu yao- usitamani madini ya fedha au dhahabu yanayofunika na kuichukua kwa ajili yenu, kwa sababu mkifanya, mtanaswa nayo-kwa kuwa ni chukizo kwa Yahwe Mungu wenu.
26 Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
Hamtaleta chukizo lolote ndani ya nyumba zenu na kuanza kuiabudu. Mtachukizwa kabisa na kuchukia kwa kuwa imetengwa kwa ajili ya uharibifu.