< Sharciga Kunoqoshadiisa 7 >
1 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
「耶和華-你上帝領你進入要得為業之地,從你面前趕出許多國民,就是赫人、革迦撒人、亞摩利人、迦南人、比利洗人、希未人、耶布斯人,共七國的民,都比你強大。
2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
耶和華-你上帝將他們交給你擊殺,那時你要把他們滅絕淨盡,不可與他們立約,也不可憐恤他們。
3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
不可與他們結親。不可將你的女兒嫁他們的兒子,也不可叫你的兒子娶他們的女兒;
4 Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
因為他必使你兒子轉離不跟從主,去事奉別神,以致耶和華的怒氣向你們發作,就速速地將你們滅絕。
5 Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
你們卻要這樣待他們:拆毀他們的祭壇,打碎他們的柱像,砍下他們的木偶,用火焚燒他們雕刻的偶像。
6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
因為你歸耶和華-你上帝為聖潔的民;耶和華-你上帝從地上的萬民中揀選你,特作自己的子民。
7 Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
「耶和華專愛你們,揀選你們,並非因你們的人數多於別民,原來你們的人數在萬民中是最少的。
8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
只因耶和華愛你們,又因要守他向你們列祖所起的誓,就用大能的手領你們出來,從為奴之家救贖你們脫離埃及王法老的手。
9 Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.
所以,你要知道耶和華-你的上帝,他是上帝,是信實的上帝;向愛他、守他誡命的人守約,施慈愛,直到千代;
10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
向恨他的人當面報應他們,將他們滅絕。凡恨他的人必報應他們,決不遲延。
11 Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
所以,你要謹守遵行我今日所吩咐你的誡命、律例、典章。」
12 Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,
「你們果然聽從這些典章,謹守遵行,耶和華-你上帝就必照他向你列祖所起的誓守約,施慈愛。
13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
他必愛你,賜福與你,使你人數增多,也必在他向你列祖起誓應許給你的地上賜福與你身所生的,地所產的,並你的五穀、新酒,和油,以及牛犢、羊羔。
14 Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays.
你必蒙福勝過萬民;你們的男女沒有不能生養的,牲畜也沒有不能生育的。
15 Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
耶和華必使一切的病症離開你;你所知道埃及各樣的惡疾,他不加在你身上,只加在一切恨你的人身上。
16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
耶和華-你上帝所要交給你的一切人民,你要將他們除滅;你眼不可顧惜他們。你也不可事奉他們的神,因這必成為你的網羅。
17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
「你若心裏說,這些國的民比我更多,我怎能趕出他們呢?
18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
你不要懼怕他們,要牢牢記念耶和華-你上帝向法老和埃及全地所行的事,
19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.
就是你親眼所看見的大試驗、神蹟、奇事,和大能的手,並伸出來的膀臂,都是耶和華-你上帝領你出來所用的。耶和華-你上帝必照樣待你所懼怕的一切人民。
20 Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
並且耶和華-你上帝必打發黃蜂飛到他們中間,直到那剩下而藏躲的人從你面前滅亡。
21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
你不要因他們驚恐,因為耶和華-你上帝在你們中間是大而可畏的上帝。
22 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
耶和華-你上帝必將這些國的民從你面前漸漸趕出;你不可把他們速速滅盡,恐怕野地的獸多起來害你。
23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
耶和華-你上帝必將他們交給你,大大地擾亂他們,直到他們滅絕了;
24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
又要將他們的君王交在你手中,你就使他們的名從天下消滅。必無一人能在你面前站立得住,直到你將他們滅絕了。
25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
他們雕刻的神像,你們要用火焚燒;其上的金銀,你不可貪圖,也不可收取,免得你因此陷入網羅;這原是耶和華-你上帝所憎惡的。
26 Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
可憎的物,你不可帶進家去;不然,你就成了當毀滅的,與那物一樣。你要十分厭惡,十分憎嫌,因為這是當毀滅的物。」