< Sharciga Kunoqoshadiisa 5 >

1 Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan.
Musa aliwaita Israeli yote na akasema nao, “Sikiliza, Israeli, kwa amri na sheria ambazo nitasema katika masikio yenu leo, muweze kujifunza na kuzishika.
2 Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay.
Yahwe Mungu wetu alifanya agano nasi huko Horeb.
3 Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan wada joogta oo dhan.
Yahwe hakufanya agano hili pamoja na mababu zetu, lakini na sisi, sisi wote tu hai hapa leo.
4 Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay,
Yahwe alizungumza nawe uso kwa uso kwenye mlima toka katikati mwa moto
5 (oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin, ) oo isaguna wuxuu yidhi,
(Nilisimama kati ya Yahwe na wewe kwa wakati huo, kukufunulia wewe neno lake, kwa kuwa ulikuwa umeogopa kwa sababu ya moto, na haukwenda juu ya mlima), Yahwe alisema,
6 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
'Mimi ni Yahweh Mungu wako, niliyekutoa katika nchi ya Misri, kutoka nyumba ya utumwa.
7 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
Hautakuwa na miungu mingine mbele yangu.
8 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
Hautajifanyia mwenyewe sanamu ya kuchonga wala mfano wa kitu chochote kilicho juu mbinguni, au kilicho chini ya dunia, au kilicho chini ya maji.
9 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
Hautavisujudia au kuvitumikia, kwa kuwa Mimi, Yahwe Mungu wako, ni Mungu wa wivu, Nawaadhibu uovu wa mababu kwa kuleta adhabu juu ya watoto, kwa kizazi cha tatu na cha nne cha wale wanichukiao,
10 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
na kuonesha agano la uaminifu kwa maelfu, kwa wale wanaonipenda na kushika amri zangu.
11 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
Hautalichukua jina la Yahwe Mungu wako bure, kwa kuwa Yahwe hatamshikilia kuwa ana hatia yeye alichukuae jina bure.
12 Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.
Zingantia siku ya Sabato kwa kuiweka takatifu, kama Yahwe Mungu wako alivyokuamuru.
13 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,
Kwa siku sita utafanya kazi na fanya kazi zako zote,
14 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
lakini siku ya saba ni Sabato kwa Yahwe Mungu wako. Kwa siku hiyo hautafanya kazi yoyote- si wewe, wala mwana wako, wala binti yako, wala mjakazi wako wa kiume, wala maksai wako, wala punda wako, wala mifugo wako, wala mgeni yeyote aliye katika malango yako. Hii ni kwamba mjakazi wako wa kiume na mjakazi wako wa kike wapate kumpuzika pamoja na wewe.
15 Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar, oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto maalinta sabtida.
Utakumbuka katika akili yako kwamba ulikuo mtumwa katika nchi ya Misri, na Yahwe Mungu wako alikutoa kutoka huko kwa mkono wa uweza na mkono ulionyoshwa. Kwa hiyo Yahwe Mungu wako amekuamuru kuitunza siku ya Sabato.
16 Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
Mheshimu baba yako na mama yako, kama Yahwe Mungu wako alivyokuamuru kufanya, ili kwamba uweze kuishi muda mrefu katika nchi ambayo Yahwe Mungu wako akupa, ili kwamba iende kwa uzuri kwako.
17 Waa inaadan qudh gooyn.
Hautaua,
18 Oo waa inaadan sinaysan.
hautazini,
19 Oo waa inaadan waxba xadin.
hautaiba,
20 Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.
hautashuhudia uongo dhidi ya ndugu yako.
21 Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
Hautamtamani mke wa jirani yako, hautatamani nyumba ya jirani yako, shamba lake, au mjakazi wake wa kiume, au mjakazi wake wa kike, maksai au punda wako, au chochote ambacho ni mali ya jirani yako.
22 Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.
Haya maneno Yahwe alisema kwa sauti kubwa kwa kusanyiko lako lote kwenye mlima toka katikati mwa moto, mawingu, giza zito, hakuongeza maneno yoyote zaidi. Na aliandika chini kwenye mbao mbili za mawe na akanipa mimi.
23 Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba,
Ilipokaribia, pindi uliposikia sauti toka katikati mwa giza, wakati mlima unawaka moto, kuwa mlikuja karibu nami, wazee wako wote, na wakuu wa makibila yako.
24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.
Ulisema, Tazama, Yahwe Mungu wetu ametuonesha utukufu wake na ukuu wake, na tumeisikia sauti yake toka katikati mwa moto, tumeona leo kwamba wakati Mungu azungumza na watu, wanaweza kuishi.
25 Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.
Lakini kwanini tufe? Kwa kuwa mto huu mkuu utatutoshereza sisi; kama tutasikia sauti ya Yahwe Mungu wetu tena, tutakufa.
26 Waayo, binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?
Kwa kuwa badala yetu kuna miongoni mwetu wa mwili ambao wamesikia sauti ya Mungu aliye hai akizungumza toka katikati mwa moto na kuishi, kama tulivyofanya?
27 Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa.
Kwenu ninyi, mnapaswa kwenda na kusikiliza kila kitu ambacho Yahwe Mungu wetu asema; rudia kwetu kila kitu ambacho Yahwe Mungu wetu asema kwenu; tutamsikiliza na kumtii.'
28 Markaasaa Rabbigu maqlay codkii erayadiinna markaad ila hadasheen, oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waan maqlay codkii erayada dadkan, oo ay kugula hadleen, oo wixii ay ku hadleen oo dhan si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
Yahweh alisikia maneno yenu pindi mlipozungumza nami. Alisema na mimi, “Nimekwisha sikia maneno ya watu hawa, kile wanasema kwako. Kile walichosema kilikuwa kizuri.
29 Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!
Oh, kulikuwa na moyo wa namba hiyo ndani yao, kwamba wataniheshimu na daima kushika amri zangu zote, ili iweze kuwa vizuri kwao na pamoja na watoto wao milele!
30 Haddaba u tag oo waxaad ku tidhaahdaa, Teendhooyinkiinnii ku noqda.
Nenda useme nao, “Rudini kwenye mahema.”
31 Laakiinse adigu waxaad soo istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.
Lakini kwenu, simama karibu nami, na nitakuambia amri zote, sheria, na maagizo ambayo mtawafundisha, ili kwamba waweze kuyashika katika nchi ambayo nitawapa kumiliki.'
32 Haddaba waa inaad dhawrtaan oo u samaysaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray. Waa inaydaan u leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
Utashika, kwa hiyo, kile Yahwe Mungu wenu amewaamuru; hamtageukia mkono wa kulia au kushoto.
33 Waa inaad ku socotaan jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray oo dhan aad noolaataane inaad nabdoonaataan oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka aad hantiyi doontaan.
Mtatembea katika njia zote ambazo Yahwe Mungu wenu, amewaamuru ili kusudi muweze kuishi, na ili kwamba iweze kwenda vizuri kwenu, na kwamba muweze kuongeza siku zenu katika nchi ambayo mtaimiliki.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 5 >