< Sharciga Kunoqoshadiisa 33 >

1 Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
Hii ni baraka ambayo Musa mtu wa Mungu aliwabariki watu wa Israeli kabla ya kifo chake.
2 Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
Alisema: Yahwe alikuja kutoka Sinai na akainuka kutoka Seiri juu yao. Aling'ara kutoka mlima wa Paramu, na akaja na elfu kumi ya watakatifu. Katika mkono wake wa kuume radi zilimulika.
3 Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
Kweli, anawapenda watu; watakatifu wake wote wapo mikononi mwako, na walimsujudu mguuni mwake; walipokea maneno yako.
4 Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
Musa alituamuru sheria, urithi kwa kusanyiko la Yakobo.
5 Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.
Kisha pakawa na mfalme Yeshurumu, pale ambapo wakuu wa watu walipokusanyika, makabila yote ya Israeli pamoja.
6 Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.
Acha Rubeni aishi na asife, lakini wanaume wake wawe wachache.
7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
Hii ni baraka ya Yuda. Musa akasema: Sikiliza sauti ya Yuda, Yahwe, na umlete kwa watu wake tena. Mpiganie; kuwa msaada dhidi ya maadui wake.
8 Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
Kuhusu Lawi, Musa akasema: Thumimu yako na Urimu yako ni ya mtakatifu wako, yule uliyemjaribu kule Masa, ambaye ulishindana naye katika maji ya Meriba.
9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
Mtu aliyesema juu ya baba na mama yake, “Sijawaona.” Wala hakuwatambua kaka zake, wala hakuzingatia juu ya watoto wake wenyewe. Kwa maana alilinda neno lako na kushika agano lako.
10 Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
Anafundisha Yakobo maagizo yako na Israeli sheria yako. Ataweka ubani mbele yako na sadaka kamili ya kuteketezwa juu ya dhabahu lako.
11 Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
Bariki mali zake, Yahwe, na kubali kazi ya mikono yake. Vunja viuno vya wale wanaoinuka dhidi yake, na wale watu wanaomchukia, ili wasiinuke tena.
12 Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi, Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah, Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay, Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
Kuhusu Benyamini, Musa akasema: Yule anayependwa na Yahwe anaishi kwa usalama kando yake; Yahwe anamkinga siku nzima, naye huishi katikati ya mikono ya Yahwe.
13 Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,
Kuhusu Yusufu, Musa akasema: Nchi yake na ibarikiwe na Yahwe na vitu vya thamani vya mbinguni, na umande, na kina kilalacho chini.
14 Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
Nchi yake na ibarikiwe na vitu vya thamani mavuno ya jua, na vitu vya thamani mazao ya miezi,
15 Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
kwa vitu vizuri vya milima ya zamani, na kwa vitu vya thamani vya milima ya milele.
16 Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
Nchi yake ibarikiwe na vitu vya thamani vya ardhi na wingi wake, na kwa mapenzi mema ya yule aliyekuwa kichakani. Baraka na ifike juu ya kichwa cha Yusufu, na juu ya kichwa cha yule aliyekuwa mwana wa mfalme kwa kaka zake.
17 Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
Mzawa wa kwanza wa ng’ombe, katika utukufu wake, na pembe zake ni pembe za ng’ombe mwitu. Kwa hawa atawasukuma watu, wote, hadi mwisho wa ulimwengu. Hawa ni maelfu makumi ya Efraimu; hawa ni maelfu wa Manase.
18 Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
Kuhusu Zabuloni, Musa alisema: Furahi, Zabuloni, katika kutoka kwako, na wewe, Isakari, katika mahema yako.
19 Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
Watawaita watu hadi milimani. Huko watatoa sadaka za utakatifu. Maana watanyonya wingi wa bahari, na mchanga wa ufukweni.
20 Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
Kuhusu Gadi, Musa alisema: Abarikiwe yule amkuzaye Gadi. Ataishi pale kama simba jike, naye atanyakua mkono au kichwa.
21 Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
Alitoa sehemu nzuri kwake mwenyewe, maana kulikuwa na fungu la ardhi la kiongozi lililohifadhiwa. Alikuja na vichwa vya watu. Alitekeleza haki ya Yahwe na maagizo yake pamoja na Israeli.
22 Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
Kuhusu Dani, Musa alisema: Dani ni mwana wa simba arukaye kutoka Bashani.
23 Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
Kuhusu Naftali, Musa alisema: Naftali, aliyeridhika na fadhila, na kujaa kwa baraka za Yahwe, miliki nchi iliyopo magharibi na kusini.
24 Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.
Kuhusu Asheri, Musa alisema: Abarakiwe Asheri Zaidi ya watoto wengine wa kiume; naye akubalike kwa kaka zake, na achovye mguu wake ndani ya mafuta ya zeituni.
25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
Vyuma vya mji wako na viwe chuma na shaba; kama vile siku zako zitakavyokuwa, ndivyo usalama wako utakavyokuwa.
26 Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
Hakuna aliye kama Mungu, Yeshurumu – aliyekamili, anayeendesha katika mbingu kukusaidia, na katika utukufu wake juu ya mawingu.
27 Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.
Mungu wa milele ni kimbilio, na chini yake kuna mikono ya milele. Husukuma adui mbele yako, naye alisema, “Angamiza!”
28 Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
Israeli waliishi katika usalama. Wana wa Yakobo walikuwa salama katika nchi ya nafaka na divai mpya; hakika, mbingu na idondoshe umande juu yake.
29 Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
Baraka zako ni nyingi, Israeli! Nani kama wewe, watu waliokombolewa na Yahwe, ngao ya msaada wako, na upanga wa utukufu wako? Maadui zako watakuja kwako kwa kutetemeka; utakanyanga sehemu zao zilizoinuka.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 33 >