< Sharciga Kunoqoshadiisa 33 >

1 Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
И сие благословение, имже благослови Моисей человек Божий сыны Израилевы прежде скончания своего,
2 Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
и рече: Господь от Синаи прииде, и явися от Сиира нам, и приспе от горы Фарани, и прииде со тмами святых, одесную Его ангели с ним,
3 Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
и пощаде люди Своя: и вси освященнии под руками Твоими, и сии под Тобою суть.
4 Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
И прия от словес Его закон, егоже заповеда нам Моисей, наследие сонму Иаковлю:
5 Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.
и будет в Возлюбленнем князь, собравшымся князем людским купно с племены Израилевыми.
6 Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.
Да живет Рувим, и да не умрет, и Симеон да будет мног числом.
7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
И сие Иуде: услыши, Господи, глас Иудин и в люди его вниди: руце его поборют по нем, и помощник на враги его да будеши.
8 Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
И Левию рече: дадите Левию явленная Его, и истину Его мужу преподобну, егоже искусиша Искушением, укориша его у воды Пререкания:
9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
глаголяй отцу своему и матери своей: не видех тебе: и братии своея не позна, и сынов своих не уведе: сохрани словеса Твоя и завет Твой соблюде:
10 Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
явят оправдания Твоя Иакову и закон Твой Израилю: возложат фимиам во гневе Твоем всегда на олтарь Твой:
11 Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
благослови, Господи, крепость его и дела руку его приими: порази чресла воставших на него врагов его, и ненавидящии его да не востанут.
12 Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi, Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah, Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay, Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
И Вениамину рече: возлюбленный Господем уповаяй вселится (в Нем), и Бог осеняет его во вся дни, и посреде рамен Его почи.
13 Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,
И Иосифови рече: от благословения Господня земля его, от красот небесных и росы, и от бездн источников низу,
14 Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
и во время плодов солнечных обращений, и от схождений месячных,
15 Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
и от верха гор начала, и от верха холмов вечных,
16 Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
и по времени земли исполнения: и приятная Явившемуся в купине, да приидут на главу Иосифу, и на версе прославивыйся в братии.
17 Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
Первородный юнца доброта его, рози единорога рози его: ими языки избодет вкупе даже до края земли: сия тмы Ефремовы, и сия тысящи Манассиины.
18 Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
И Завулону рече: возвеселися, Завулоне, во исходе твоем, и Иссахаре в селениих твоих:
19 Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
языки потребят: и призовете тамо, и пожрете тамо жертву правды: яко богатство морское воздоит тя, и купли от язык при мори живущих.
20 Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
И Гаду рече: благословен разширяяй Гада: яко лев почи, сокрушивый мышцу и князя:
21 Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
и виде начатки своя, яко тамо разделися земля, князей собранных вкупе с началники людскими: правду Господь сотвори и суд Свой со Израилем.
22 Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
И Дану рече: Дан, скимен львов, и изскочит от Васана.
23 Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
И Неффалиму рече: Неффалиму насыщение приятных, и да насытится благословением от Господа: море и юг наследит.
24 Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.
И Асиру рече: благословен от чад Асир, и будет приятен братии своей: омочит в елей ногу свою:
25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
железо и медь сапог его будет, и аки дни твоя крепость твоя.
26 Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
Несть якоже Бог Возлюбленнаго: восходяй на небо помощник твой, и великолепый в тверди:
27 Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.
и покрыет тя Божие начало, и под крепостию мышцей вечных: и отженет от лица твоего врага, глаголя: да погибнеши:
28 Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
и вселится Израиль уповая един на земли Иаковли в вине и пшенице: и небо ему облачно росою.
29 Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
Блажен еси, Израилю: кто подобен тебе, людие спасаемии от Господа? Защитит помощник твой, и мечь хвала твоя: и солжут тебе врази твои, и ты на выю их наступиши.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 33 >