< Sharciga Kunoqoshadiisa 29 >

1 Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.
haec sunt verba foederis quod praecepit Dominus Mosi ut feriret cum filiis Israhel in terra Moab praeter illud foedus quod cum eis pepigit in Horeb
2 Markaasaa Muuse u wada yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waad wada aragteen wixii Rabbigu markaad Masar joogteen hortiinna ku sameeyey Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan iyo dalkiisii oo dhan,
vocavitque Moses omnem Israhelem et dixit ad eos vos vidistis universa quae fecit Dominus coram vobis in terra Aegypti Pharaoni et omnibus servis eius universaeque terrae illius
3 kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,
temptationes magnas quas viderunt oculi tui signa illa portentaque ingentia
4 laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.
et non dedit Dominus vobis cor intellegens et oculos videntes et aures quae possint audire usque in praesentem diem
5 Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina cagihiinna kuma dhammaanin.
adduxi vos quadraginta annis per desertum non sunt adtrita vestimenta vestra nec calciamenta pedum tuorum vetustate consumpta sunt
6 Idinku ma aydaan cunin kibis, mana aydaan cabbin khamri ama wax lagu sakhraamo toona si aad u garataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
panem non comedistis vinum et siceram non bibistis ut sciretis quia ego sum Dominus Deus vester
7 Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.
et venistis ad locum hunc egressusque est Seon rex Esebon et Og rex Basan occurrens nobis ad pugnam et percussimus eos
8 Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.
et tulimus terram eorum ac tradidimus possidendam Ruben et Gad et dimidiae tribui Manasse
9 Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.
custodite ergo verba pacti huius et implete ea ut intellegatis universa quae facitis
10 Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,
vos statis hodie cuncti coram Domino Deo vestro principes vestri ac tribus et maiores natu atque doctores omnis populus Israhel
11 iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha,
liberi et uxores vestrae et advena qui tecum moratur in castris exceptis lignorum caesoribus et his qui conportant aquas
12 inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,
ut transeas in foedere Domini Dei tui et in iureiurando quod hodie Dominus Deus tuus percutit tecum
13 inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
ut suscitet te sibi in populum et ipse sit Deus tuus sicut locutus est tibi et sicut iuravit patribus tuis Abraham Isaac et Iacob
14 Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,
nec vobis solis ego hoc foedus ferio et haec iuramenta confirmo
15 laakiinse waxaan la dhiganayaa ka maanta inala taagan halkan Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, iyo ka aan maanta halkan inala taagnaynba,
sed cunctis praesentibus et absentibus
16 (waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,
vos enim nostis ut habitaverimus in terra Aegypti et quomodo transierimus per medium nationum quas transeuntes
17 waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil, )
vidistis abominationes et sordes id est idola eorum lignum et lapidem argentum et aurum quae colebant
18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,
ne forte sit inter vos vir aut mulier familia aut tribus cuius cor aversum est hodie a Domino Deo vestro ut vadat et serviat diis illarum gentium et sit inter vos radix germinans fel et amaritudinem
19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
cumque audierit verba iuramenti huius benedicat sibi in corde suo dicens pax erit mihi et ambulabo in pravitate cordis mei et adsumat ebria sitientem
20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan.
et Dominus non ignoscat ei sed tunc quam maxime furor eius fumet et zelus contra hominem illum et sedeant super eo omnia maledicta quae scripta sunt in hoc volumine et deleat nomen eius sub caelo
21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga.
et consumat eum in perditionem ex omnibus tribubus Israhel iuxta maledictiones quae in libro legis huius ac foederis continentur
22 Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday,
dicetque sequens generatio et filii qui nascentur deinceps et peregrini qui de longe venerint videntes plagas terrae illius et infirmitates quibus eam adflixerit Dominus
23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,
sulphure et salis ardore conburens ita ut ultra non seratur nec virens quippiam germinet in exemplum subversionis Sodomae et Gomorrae Adamae et Seboim quas subvertit Dominus in ira et furore suo
24 markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay?
et dicent omnes gentes quare sic fecit Dominus terrae huic quae est haec ira furoris eius inmensa
25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar,
et respondebunt quia dereliquerunt pactum Domini quod pepigit cum patribus eorum quando eduxit eos de terra Aegypti
26 oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,
et servierunt diis alienis et adoraverunt eos quos nesciebant et quibus non fuerant adtributi
27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.
idcirco iratus est furor Domini contra terram istam ut induceret super eam omnia maledicta quae in hoc volumine scripta sunt
28 Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.
et eiecit eos de terra sua in ira et furore et indignatione maxima proiecitque in terram alienam sicut hodie conprobatur
29 Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno.
abscondita Domino Deo nostro quae manifesta sunt nobis et filiis nostris usque in aeternum ut faciamus universa legis huius

< Sharciga Kunoqoshadiisa 29 >