< Sharciga Kunoqoshadiisa 28 >
1 Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.
“你若留意听从耶和华—你 神的话,谨守遵行他的一切诫命,就是我今日所吩咐你的,他必使你超乎天下万民之上。
2 Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.
你若听从耶和华—你 神的话,这以下的福必追随你,临到你身上:
3 Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka.
你在城里必蒙福,在田间也必蒙福。
4 Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.
你身所生的,地所产的,牲畜所下的,以及牛犊、羊羔,都必蒙福。
5 Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
你的筐子和你的抟面盆都必蒙福。
6 Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
你出也蒙福,入也蒙福。
7 Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan.
“仇敌起来攻击你,耶和华必使他们在你面前被你杀败;他们从一条路来攻击你,必从七条路逃跑。
8 Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
在你仓房里,并你手所办的一切事上,耶和华所命的福必临到你。耶和华—你 神也要在所给你的地上赐福与你。
9 Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.
你若谨守耶和华—你 神的诫命,遵行他的道,他必照着向你所起的誓立你作为自己的圣民。
10 Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.
天下万民见你归在耶和华的名下,就要惧怕你。
11 Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
你在耶和华向你列祖起誓应许赐你的地上,他必使你身所生的,牲畜所下的,地所产的,都绰绰有余。
12 Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan.
耶和华必为你开天上的府库,按时降雨在你的地上。在你手里所办的一切事上赐福与你。你必借给许多国民,却不致向他们借贷。
13 Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,
你若听从耶和华—你 神的诫命,就是我今日所吩咐你的,谨守遵行,不偏左右,也不随从事奉别神,耶和华就必使你作首不作尾,但居上不居下。”
14 oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan.
15 Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.
“你若不听从耶和华—你 神的话,不谨守遵行他的一切诫命律例,就是我今日所吩咐你的,这以下的咒诅都必追随你,临到你身上:
16 Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka.
你在城里必受咒诅,在田间也必受咒诅。
17 Waxaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
你的筐子和你的抟面盆都必受咒诅。
18 Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.
你身所生的,地所产的,以及牛犊、羊羔,都必受咒诅。
19 Oo waad inkaarnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
你出也受咒诅,入也受咒诅。
20 Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis.
耶和华因你行恶离弃他,必在你手里所办的一切事上,使咒诅、扰乱、责罚临到你,直到你被毁灭,速速地灭亡。
21 Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
耶和华必使瘟疫贴在你身上,直到他将你从所进去得为业的地上灭绝。
22 Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan.
耶和华要用痨病、热病、火症、疟疾、刀剑、旱风、霉烂攻击你。这都要追赶你,直到你灭亡。
23 Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir.
你头上的天要变为铜,脚下的地要变为铁。
24 Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan.
耶和华要使那降在你地上的雨变为尘沙,从天临在你身上,直到你灭亡。
25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.
“耶和华必使你败在仇敌面前,你从一条路去攻击他们,必从七条路逃跑。你必在天下万国中抛来抛去。
26 Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.
你的尸首必给空中的飞鸟和地上的走兽作食物,并无人哄赶。
27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.
耶和华必用埃及人的疮并痔疮、牛皮癣与疥攻击你,使你不能医治。
28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin.
耶和华必用癫狂、眼瞎、心惊攻击你。
29 Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.
你必在午间摸索,好像瞎子在暗中摸索一样。你所行的必不亨通,时常遭遇欺压、抢夺,无人搭救。
30 Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.
你聘定了妻,别人必与她同房;你建造房屋,不得住在其内;你栽种葡萄园,也不得用其中的果子。
31 Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.
你的牛在你眼前宰了,你必不得吃它的肉;你的驴在你眼前被抢夺,不得归还;你的羊归了仇敌,无人搭救。
32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.
你的儿女必归与别国的民;你的眼目终日切望,甚至失明,你手中无力拯救。
33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,
你的土产和你劳碌得来的,必被你所不认识的国民吃尽。你时常被欺负,受压制,
34 oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan.
甚至你因眼中所看见的,必致疯狂。
35 Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.
耶和华必攻击你,使你膝上腿上,从脚掌到头顶,长毒疮无法医治。
36 Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.
“耶和华必将你和你所立的王领到你和你列祖素不认识的国去;在那里你必事奉木头石头的神。
37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.
你在耶和华领你到的各国中,要令人惊骇、笑谈、讥诮。
38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax.
你带到田间的种子虽多,收进来的却少,因为被蝗虫吃了。
39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.
你栽种、修理葡萄园,却不得收葡萄,也不得喝葡萄酒,因为被虫子吃了。
40 Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan.
你全境有橄榄树,却不得其油抹身,因为树上的橄榄不熟自落了。
41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan.
你生儿养女,却不算是你的,因为必被掳去。
42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax.
你所有的树木和你地里的出产必被蝗虫所吃。
43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan.
在你中间寄居的,必渐渐上升,比你高而又高;你必渐渐下降,低而又低。
44 Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan.
他必借给你,你却不能借给他;他必作首,你必作尾。
45 Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.
这一切咒诅必追随你,赶上你,直到你灭亡;因为你不听从耶和华—你 神的话,不遵守他所吩咐的诫命律例。
46 Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin,
这些咒诅必在你和你后裔的身上成为异迹奇事,直到永远!
47 maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya.
“因为你富有的时候,不欢心乐意地事奉耶和华—你的 神,
48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.
所以你必在饥饿、干渴、赤露、缺乏之中事奉耶和华所打发来攻击你的仇敌。他必把铁轭加在你的颈项上,直到将你灭绝。
49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,
“耶和华要从远方、地极带一国的民,如鹰飞来攻击你。这民的言语,你不懂得。
50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.
这民的面貌凶恶,不顾恤年老的,也不恩待年少的。
51 Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.
他们必吃你牲畜所下的和你地土所产的,直到你灭亡。你的五谷、新酒,和油,以及牛犊、羊羔,都不给你留下,直到将你灭绝。
52 Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan.
他们必将你困在你各城里,直到你所倚靠、高大坚固的城墙都被攻塌。他们必将你困在耶和华—你 神所赐你遍地的各城里。
53 Oo waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin doonaan.
你在仇敌围困窘迫之中,必吃你本身所生的,就是耶和华—你 神所赐给你的儿女之肉。
54 Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay,
你们中间,柔弱娇嫩的人必恶眼看他弟兄和他怀中的妻,并他余剩的儿女;
55 si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
甚至在你受仇敌围困窘迫的城中,他要吃儿女的肉,不肯分一点给他的亲人,因为他一无所剩。
56 Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda.
你们中间,柔弱娇嫩的妇人,是因娇嫩柔弱不肯把脚踏地的,必恶眼看她怀中的丈夫和她的儿女。
57 Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
她两腿中间出来的婴孩与她所要生的儿女,她因缺乏一切就要在你受仇敌围困窘迫的城中将他们暗暗地吃了。
58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH,
“这书上所写律法的一切话是叫你敬畏耶和华—你 神可荣可畏的名。你若不谨守遵行,耶和华就必将奇灾,就是至大至长的灾,至重至久的病,加在你和你后裔的身上,
59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga.
60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan.
也必使你所惧怕、埃及人的病都临到你,贴在你身上,
61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan.
又必将没有写在这律法书上的各样疾病、灾殃降在你身上,直到你灭亡。
62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.
你们先前虽然像天上的星那样多,却因不听从耶和华—你 神的话,所剩的人数就稀少了。
63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.
先前耶和华怎样喜悦善待你们,使你们众多,也要照样喜悦毁灭你们,使你们灭亡;并且你们从所要进去得的地上必被拔除。
64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona.
耶和华必使你们分散在万民中,从地这边到地那边,你必在那里事奉你和你列祖素不认识、木头石头的神。
65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.
在那些国中,你必不得安逸,也不得落脚之地;耶和华却使你在那里心中跳动,眼目失明,精神消耗。
66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.
你的性命必悬悬无定;你昼夜恐惧,自料性命难保。
67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.
你因心里所恐惧的,眼中所看见的,早晨必说,巴不得到晚上才好;晚上必说,巴不得到早晨才好。
68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
耶和华必使你坐船回埃及去,走我曾告诉你不得再见的路;在那里你必卖己身与仇敌作奴婢,却无人买。”