< Sharciga Kunoqoshadiisa 27 >

1 Markaasaa Muuse iyo odayaashii reer binu Israa'iil waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan wada xajiya.
摩西和以色列的眾長老吩咐百姓說:「你們要遵守我今日所吩咐的一切誡命。
2 Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo aad nuurad ku malaastaan,
你們過約旦河,到了耶和華-你上帝所賜給你的地,當天要立起幾塊大石頭,墁上石灰,
3 oo waxaad ku qortaan erayada sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.
把這律法的一切話寫在石頭上。你過了河,可以進入耶和華-你上帝所賜你流奶與蜜之地,正如耶和華-你列祖之上帝所應許你的。
4 Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan.
你們過了約旦河,就要在以巴路山上照我今日所吩咐的,將這些石頭立起來,墁上石灰。
5 Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan.
在那裏要為耶和華-你的上帝築一座石壇;在石頭上不可動鐵器。
6 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan qurbaanno la gubo.
要用沒有鑿過的石頭築耶和華-你上帝的壇,在壇上要將燔祭獻給耶和華-你的上帝。
7 Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan, oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan.
又要獻平安祭,且在那裏吃,在耶和華-你的上帝面前歡樂。
8 Oo waa inaad dhagaxyada si bayaan ah ugu qortaan sharcigan erayadiisa oo dhan.
你要將這律法的一切話明明地寫在石頭上。」
9 Markaasaa Muuse iyo wadaaddadii reer Laawi waxay la hadleen reer binu Israa'iil, oo waxay ku yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, aamusa oo dhegaysta. Maanta waxaad noqoteen dadkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
摩西和祭司利未人曉諭以色列眾人說:「以色列啊,要默默靜聽。你今日成為耶和華-你上帝的百姓了。
10 Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.
所以要聽從耶和華-你上帝的話,遵行他的誡命律例,就是我今日所吩咐你的。」
11 Oo isla maalintaas Muuse wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi,
當日,摩西囑咐百姓說:
12 Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.
「你們過了約旦河,西緬、利未、猶大、以薩迦、約瑟、便雅憫六個支派的人都要站在基利心山上為百姓祝福。
13 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Daan, iyo reer Naftaalina waa inay Buur Ceebaal habaar isla taagaan.
呂便、迦得、亞設、西布倫、但、拿弗他利六個支派的人都要站在以巴路山上宣布咒詛。
14 Oo markaas reer Laawi waa inay jawaabaan oo dadka reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ku yidhaahdaan,
利未人要向以色列眾人高聲說:
15 Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『有人製造耶和華所憎惡的偶像,或雕刻,或鑄造,就是工匠手所做的,在暗中設立,那人必受咒詛!』百姓都要答應說:『阿們!』
16 Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『輕慢父母的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
17 Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『挪移鄰舍地界的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
18 Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『使瞎子走差路的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
19 Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『向寄居的和孤兒寡婦屈枉正直的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
20 Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis, maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『與繼母行淫的,必受咒詛!因為掀開他父親的衣襟。』百姓都要說:『阿們!』
21 Inkaaru ha ku dhacdo kii neef u galmooda, cayn kasta ha ahaadee. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『與獸淫合的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
22 Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『與異母同父,或異父同母的姊妹行淫的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
23 Inkaaru ha ku dhacdo kii soddohdiis la seexda. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『與岳母行淫的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
24 Inkaaru ha ku dhacdo kii deriskiisa qarsoodi ku dila. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『暗中殺人的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
25 Inkaaru ha ku dhacdo kii laaluush u qaata inuu qof aan xaq qabin dilo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『受賄賂害死無辜之人的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』
26 Inkaaru ha ku dhacdo ku kasta oo aan adkayn sharcigan erayadiisa inuu sameeyo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
「『不堅守遵行這律法言語的,必受咒詛!』百姓都要說:『阿們!』」

< Sharciga Kunoqoshadiisa 27 >